The Warsan
Cover

Kheyrre maxay wadaagaan Ruushka, doorashadiisase maxay uga tari?

Warsan- Mogadishu

12 December, 2020

 

Ra,iisal wasaare Kheyrre tan iyo markii xafiiska laga tiriyey xafiiska, waxa uu qaadayey tallaabooyin siyaasadeed oo saaxada siyaasadda uga soo muuqanayey. Durbadiiba waxa uu socdaallo ku aaday dalalka Jabuuti, Turkiga iyo Kenya. Kenya waxa uu kula kulmay xubnaha labada gole gobolka waqooyi galbeed ku leeyahay oo runtii dhalisay guux siyaasadeed oo gaaray in dadka qaarkii ay tuhun hore loo qabay dib u soo nooleeyaan oo ahaa in Kheyrre weligiiba xiriir soke la lahaa xukuumadda Kenya.

Dadka qaar baa qaba inay wax weyn u dhimi kadho rajada uu ka qabo xafiiska madaxtooyada dalka. Waxa uu ka careysiiyey baa la leeyahay shacabka Somaaliyeed oo tuhun weyn ka qaba siyaassadda is-huwan ee Kenya kula dhaqanto Somaliya, gaar ahaan saameynta ay ku leedahay Axmed madoobaha Jubbaland oo hadda caqad weyn ku ah doorashada loo ballansan yahay kadib markii uu diiday xubnahii doorashada inuu soo gudbiyo amar dhinaca ka yimid inuu yahayna la tuhunsan yahay. wax jira Allaa og.

Kheyrre oo lagu sheego nin aad u firfircoon, hab-dhaqankiisa maamulna uu hareeyey is-la weyne, madax-adeeg, is-tustus badan iyo xukun -maroorsi meesha ka saaray afkaar kale oo wax biirisa.

AD

Kheyrre waa ka shalayna ka soo muuqday magaalada Mooskow oo uu sida uu bartiisa Twitter-ka laga dheehday kula kulmay wasiirka dibadda Lafroof. Runtii waxa lagu tilmaamay siyaasad qar-iska xoornnima ah oo wax weyn u dhimeysa xiriirkiisa dalka Mareykanka, laba-daraale hadda oo aqalka cad mar dhow tirsan doono nin aad ugu adadag ugana soo horjeeda siyaasadda ruushka ee uu hoggaamiyo nin mayalka adag ee  Putin.

Waxa laga warhayaa in sharikadda uu Kheyrre abaabulay madaxna ka soo noqday ee (Soma Oil and gas holdings) uu dadka maalgashaday ugu tun weyn yahay ganacsade Ruushka ka soo jeeda. Shalay waxa uu la qadeeyey Lafroof, lagana yaabee inuu arakay ganacsadaha Ruushka. La arki doonee sida ay wax uga dhinto ama wax ugu soo kordhiso hammigiisa madaxtooyada.

Related posts

Women need not conceal their femininity and hide under the cloak of their professions

warsan

Iran denies missile hit plane, asks West to share data

warsan

Clan rivalry in Somalia is a major obstacle to strategic partnerships with US

warsan