Somaliland Armey Furin Dagaal/goboleed Noqotaa

Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland uu ka gudbay arrimo diblomaasiyadeed, isla markaana uu yeeshay waji amni iyo mid milatari oo xasaasi ah. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay noqdeen aag ay si xooggan ugu loollamayaan Israa’iil, Iiraan iyo xulafadeeda gobolka, gaar ahaan kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.
Sida lagu sheegay warbixin baadhitaan ah oo ay dhawaan daabacday shabakadda Maraykanka ee CNN, Somaliland ayaa lagu xusay inay qayb ka ahayd shabakad ballaadhan oo goobo qarsoodi ah oo Israa’iil u adeegsatay intii uu socday dagaalkeeda Iiraan. Warbixinta ayaa sheegtay in goob ku taalla Somaliland ay Israa’iil ka dhigatay xarun dhinaca saadka ah, taas oo gacan ka geysatay duulimaadyada fog ee diyaaradaha Israa’iil ee ku wajahnaa Iiraan.
Sida ay warbixintu intaas ku dartay, doorka Somaliland lama mid ahayn doorka lagu sheegay Azerbaijan, oo lala xidhiidhiyay hawlgallo sirdoon iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhacay meel u dhow xuduudda Iiraan. Balse doorka Somaliland waxaa lagu tilmaamay mid u dhaw xarun taageero, nasasho ama meel ay diyaaradaha Israa’iil ku hakadaan.
Walaacani wuxuu soo baxay bilo ka dib markii Israa’iil ay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan bishii Diseembar 2025. Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee qaada tallaabadaas tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991.
Tan iyo aqoonsigaas, xidhiidhka labada dhinac ayaa si degdeg ah u dhaqaaqay. Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Jedcoon Saacir, ayaa booqasho ku tagay Hargeysa bishii Janaayo 2026, isaga oo sheegay in Israa’iil ay doonayso inay hore u sii waddo xidhiidhka ay la leedahay Somaliland.
Dhanka kale, Somaliland ayaa shaacisay inay safaarad ka furan doonto magaalada Qudus, waana tallaabo si weyn xasaasi ugu ah siyaasadda caalamka, maadaama inta badan dalalka dunidu ay ka fogaadaan inay safaaradahooda geeyaan magaaladaas lagu muransan yahay. Wakaaladda Reuters ayaa sheegtay in Israa’iil iyaduna qorshaynayso inay safaarad ka furato Hargeysa.
Waxana la filayaa in madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, booqasho ku tago Israa’iil. Warbaahinta Israa’iil ee Ynet ayaa sheegtay in booqashadaasi la filayo inta u dhaxaysa 15-ka iyo 17-ka Juun 2026, isla markaana ajandaha ugu weyn uu noqon doono furitaanka safaaradda Somaliland ee Qudus. Waxaa sidoo kale la filayaa in madaxweyne Cirro uu la kulmo madaxweynaha Israa’iil Isaaq Hersoog iyo ra’iisal wasaare Netanyaahu.
Hase yeeshee, haddii booqashadaasi ku qabsoonto waqtiga la sheegay, waxay ku soo beegmaysaa xilli aan caadi ahayn, waayo, saaka, 8-dii Juun 2026, Israa’iil ayaa weerarro ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla galbeedka iyo badhtamaha Iiraan, kaddib markii Iiraan ay gantaallo ku ridday Israa’iil, taas oo ay ku sheegtay jawaab ka dhan ah weerar hore oo Israa’iil ka fulisay koonfura Beyruut, oo qayb ka ah qodobada ay ka wada hadalayaan Maraykanka iyo Iiraan ee xabbad joojinta khuseysa.
is-weydaarsigan weerar waa kii ugu horreeyay ee toos ah ee dhex mara Israa’iil iyo Iiraan tan iyo xabbad-joojintii bishii Abriil. Wargeysku wuxuu intaas ku daray in ciidanka Israa’iil ay isku dayayeen inay qabtaan gantaal laga soo ganay jihada Yemen, taas oo muujinaysa in jabhadda Xuutiyiintu mar kale si toos ah ugu soo noqotay marxaladda kacsanaanta.
Tani waxay caddeynaysaa in khatarta Somaliland ku soo wajahan aanay ahayn mid fog ama mala-awaal ah. Xuutiyiinta oo ku sugan dhinaca kale ee Gacanka Cadmeed ayaa hore gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ugu weeraray Israa’iil tan iyo markii uu ballaadhay dagaalka Gasa. Bishii Maarso 2026, Reuters ayaa sheegtay in afhayeenka milatariga Xuutiyiintu uu ku dhawaaqay weerar labaad oo ka dhan ah Israa’iil muddo ka yar 24 saacadood, isagoo sheegay in weerarrada loo adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, isla markaana ay sii socon doonaan hawlgalladu.
Taas macnaheedu waa in xidhiidh kasta oo amni oo ka dhex abuurma Israa’iil iyo Somaliland, gaar ahaan haddii uu la xidhiidho garoomo ama xarumo milatari oo ku yaalla Berbera, uu Somaliland gelin karo khatar toos ah. Xuutiyiinta ama dhinacyo kale oo gobolka ah ayaa laga yaabaa inay u arkaan joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato Gacanka Cadmeed mid khatar ku ah amnigooda, taas oo Somaliland ka dhigi karta bartilmaameed siyaasadeed ama milatari.
Warbixin hore oo uu daabacay Geeska, kana soo xigtay baadhitaan uu sameeyay wargeyska Faransiiska ah ee Le Monde, ayaa sheegtay in garoonka diyaaradaha ee Berbera lagu sameeyay horumarin muuqata intii u dhaxaysay Oktoobar 2025 iyo Maarso 2026. Shaqooyinkaas waxaa lagu sheegay inay ka mid ahaayeen godad, dhismayaal dhulka hoostiisa ah iyo meelo kor loo qaaday, kuwaas oo khubaro qaar ku fasireen inay u ekaan karaan goobo lagu kaydiyo nidaamyada difaaca cirka.
Warbixintaas ayaa sidoo kale tilmaantay in shaqada ka socota Berbera ay la xidhiidhi karto door Imaaraadku ku leeyahay, iyo suuragalnimada dano Maraykan iyo Israa’iil ah. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro heshiis rasmi ah oo si cad u sheegaya saldhig milatari oo Israa’iil ku yeelanayso Somaliland ama heshiis saddex geesood ah oo dhex mara Somaliland, Israa’iil iyo dal kale.
Dhibaatada ugu weyn ee Somaliland haysata ayaa ah in aqoonsiga Israa’iil uu u muuqday guul diblomaasiyadeed oo ay muddo dheer sugaysay, balse isla waqtigaas uu ku xidhay dal ku jira dagaallo furan oo dhowr jiho leh. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa waraysi uu siiyay Reuters ku sheegay in dalkiisu filayo heshiis ganacsi oo uu la galo Israa’iil, isla markaana Somaliland ay leedahay khayraad ay ka mid yihiin macdan, shidaal, gaas, beeraha iyo tamarta. Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay danaynayso tiknoolajiyadda Israa’iil.
Si kastaba, madaxweynuhu wuxuu sheegay in aan laga hadlin in Israa’iil ay saldhigyo milatari ka samaysato Somaliland. Hase yeeshee, suurtagalnimada iskaashi milatari oo mustaqbalka dhaca ayaa weli ah arrin miiska saaran, taas oo kor u qaadaysa walaaca laga qabo jihada uu xidhiidhkani u socdo.
Uugu danbay, Somaliland ay maanta taagan tahay meel aad u xasaasi ah. Haddii xidhiidhkeeda Israa’iil uu ku ekaado diblomaasiyad, ganacsi iyo teknoolajiyad, Hargeysa waxay u arki kartaa fursad ay ku jebinayso go’doominta caalamiga ah. Laakiin haddii xidhiidhkaasi u leexdo dhinaca amniga iyo milatariga, Somaliland waxay halis ugu jirtaa in aan loo arkin oo keliya maamul aqoonsi raadinaya, balse loo arko saldhig ama marin loo adeegsado dagaal goboleed.
Gobol ololaya sida Gacanka Cadmeed iyo Baabul Mandab, ilduuf siyaasadeed oo yar wuxuu dhalin karaa cawaaqib-xumo waaweyn. Sidaas darteed, waxatarka aqoonsiga Israa’iil waxaa laga yaabaa inuu ka waxyeello badanaan karo sidii ay Somaliland markii hore filaysay.
Isha: Geeska
