June 7, 2026
Cover

Muqdisho: Magaalo u Nugul Cabsi iyo Colaad

7da Juunyo, 2026

Muddo ka badan labaatan saacadood ayaa ay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku jirtay qas, oo uu ka socday dagaal la is weydaarsanayey madaafiic iyo hubka culus, una dhexeeyey Xukuumadda Federaalka iyo hoggaanka mucaaradka, arrinkan oo keenay in gebi ahaan dhaqdhaqaaqii magaaladu istaago.

Muddo todobaaddo ahba, xiisadda Muqdisho kor ayay usii kacaysay, dadkuna arrinkan waa ay ku baraarugsanaayeen. Xiisaddu waxa ay ka kacday dhaleecaynaha mucaaradku usoo jeedinayeen Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku dhaliileen in uu maroorsaday maamulkii doorashooyinka, waxaanay ku hanjabeen inay abaabulayaan dibadbaxyo waaweyn oo ka dhaca Muqdisho oo awalba muddo dheer la daalaadhacaysay nabadgalyo darro. Xukuumaddu waxa ay doontay inay gacan bir ah ku qabato dibadbaxyadaas, oo ay samayso tallaabo u suurogalisa inay xakamayso cadaadiska siyaasadeed ee lagu wado.

Masuuliyiinta dawladdu waxa ay ku doodeen in shaqadooda ugu mudani tahay ilaalinta nabadgalyada. Se inta badan bulshada magaalada deggan, siiba kuwa sida maalinlaha ah quudkooda usoo dhacsada, suurogalnimada dibadbaxyo dhacaa waxa ay uga dhiganyihiin in lagu sii kordhinayo baraha kantarool, isku dhac hubaysan iyo hoos u dhaca tirada wax ka iibsata, xiisadda jirta awgeed. Wiil dhallinyaro ah oo goob ganacsi ku leh xaafadda Mirinaayo ayaa igu yidhi: “Waa wax la fili karo in dhimasho iyo dhaawacba yimaaddo kol haddii xiisaddu dhinaca gacan-ka-hadalka u baydhay”.

Wiilkaasi waxa uu magaciisa iigu sheegay Faarax, waxaanu xusay inuu deggan yahay xaafad uu si fudud uga maqli karayey dayaankii qaraxyada hubka oo habeenkii oo dhan dhegahiisa ka guuxayey, waa meel u dhow halka uu deggan yahay Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed. Dhinac kale oo magaalada ahna, ciidamo raacsan Raysalwasaarihii hore, Xasan Cali Khayre, ayaa ciidamada dawladda kula dagaallamayey degmada Hawlwadaag. Faarax waxa uu yidhi: “Maalmahan oo kale shaqo ma jirto, dhammaan dhallinyaradu waa ay iska fadhiyaan, waxaanay eeganayaan helidda meel ay ka dhawraan waxa socda”. Isla jidka aannu haynay ee aannu ku wada sheekaysanaynay, waxa taagnaa baybay dadka u diidaya inay halkaa ka gudbaan. Waxa uu ii sheegay in rasaas laga soo riday qoriga Aarbayjayga (RPG) ay ku dhacday barande korkiisa ah, waxyeello weyna ay gaadhsiisay dhismaha.

Hawlaha distuur ee socday dad kooban mooyee cid kale may danaynayn, sababtoo ah kollayba xukuumaddu ma ilaaliso xeerar. Qof kasta oo aad la sheekaysataa, runtii ma dareensana inuu aragti dhab ah ku yeelan karo natiijada kamadambaysta ah ee dastuurka doorasho lagu geli doono. Sheekooyinka iyo wararka ka socda baraha bulshadu waa kuwo u muuqda inay aad uga fog yihiin sheekooyinka ka dhex jira Soomaalida caadiga ah ee caasimadda ka xoogsanaya, kuwan oo inta badan ii sheegayay inay keliya rabaan inay noloshooda si caadi ah u wataan. Tani kama dhigna inaanay siyaasad rabin, ee waa inay garwaaqsadeen awoodda ereygoodu ku yeelan karo natiijooyinka.

Maalinnimada habeenkan dhibtu dhici doonto, waxa muuqatay saansaanta xaaladda ka jirta magaalo weligeedba qarka u saarnayd dhib iyo qaxar; waa magaalo ay ku kulmaan legdanka lagu kala adkaanayo iyo dhacsiga nolol maalmeedka caadiga ahi. Ganacsatadu waxa ay rabeen dad alaabtooda ka iibsada, darawallada bajaajtu waxay raadinayeen rakaab ay magaalada u kala gooshiyaan, odayaduna, iyagoo iska xaal waraysanaya dunida, waxa ay buuxiyeen maqaaxiyaha u baahan dadkaas. Waxa aad mooddaa in dadkoo dhammi sugayeen saacadda xaaladda saansaanteeda la arkaa qarxi doonto, saacaddanina waxa ay noqotay abbaaro afartii galabnimo ee khamiisnimadii, kolkan oo bilo digniino dawladda ka imanayey ahi ay qarxeen, dagaalkuna toos uga dhex qarxay ciidamo taabacsan Raysalwasaare hore, Khayre iyo ciidamadii dawladda.

Weriye aan ku aqaannay inuu deggenaa meel u dhow goobta dagaalka, hadda ayuu kasoo laabtay xaafad ka nabadgalyo roon halkan oo uu qoyskiisa u raray, judhaas uu soo laabtayna waxa is qabsaday dayaanka rasaasta iyo madaafiicda oo ku hoobanaya gurigii uu hadda banneeyey. Saacado gudahood, waa isagoo dhex fadhiya afarta gidaar ee gurigiisa yar, si toos ahna u maqlaya xiisaddii bilaha badan xakamaha lagu hayay oo kolkan hub isku beddeshay, sidaas ayaanu gurigii ugu dhex go’doomay.

Ciidamada ammaanka ayaa degaanka isku fidiyey, waxaanay sameeyeen baro kantarool oo la isku baadho, jidadka dhawdhawna waa ay xidheen. Raysalwasaare hore, Khayre, waxa uu dhaliisha gacan-ka-hadalka dusha ka saaray xukuumadda oo weerarka bilawday, waxaanu sheegay inuu martigelinayey wafdi Madaxweynuhu uu soo diray iyo odayaal dhaqameed – oo uu ku jiro mid ka mid ah hoggaan dhaqameedka ugu culus beesha Hawiye – una yimi dhexdhexaadin iyo wadahadal. Waxyar ka dib, xukuumaddu waxa ay soo jeedisay dhaliil cagsi ku ah, oo masuuliyadda weerarka dusha ka saaraysa Khayre. Cid weerarka bilawdayba, waxa ay noqotay dhacdo holcisay Muqdisho.

Waxa faafay muuqaallo goosgoos ah oo ku baahay baraha bulshada, oo muujinaya dad ka qaxaya xaafadaha u dhow guriga Khayre, waxaana lasoo tebiyey madaafiic ku hoobanaya xaafado shacab deggan yahay. Muuqaallada ugu saamaynta badan waxa ka mid ahaa weriye sita makarafoon, oo jilbijooga, iskuna dayaya inuu soo tebiyo waxa dhacaya, se dayaanka rasaasta culus aan wax badan laga maqlayn, una muuqato mid aad ugu dhow goobta weriyuhu joogo.

Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdillaahi, oo ku sugnaa guriga Khayre, ayaa laga faafiyey muuqaal uu ku sheegayo in lasoo weeraray, si kastoo ay isugu dayeen dhexdhexaadin iyo heshiisiin. Ugaaska oo hadalka wada, sheegayana in hub culus lagu garaacayo, judhiiba waxa hadalkiisa jaray jabaqda sare ee rasaasta dhacaysa ah. Kolkan, waa ay caddaatay in talo faro ka haadday, magaalada oo dhanna dayaankaas baa is qabsaday, waxaana jidadka gaafwareegayay baybayada iyo gawaadhida kale ee ciidanka oo ay ciidan dhoobanyihiin. Waxa ay ahayd goor habeen ah, shakhsiyanna, waxa igu jira dareen ii sheega in wixii galabnimo qaabdarro ku bilaabmaa uu saadaal xun sido.

Waxyar ka dib, waxa faafay wararka sheegaya in xukuumaddu markanna beegsanayso guriga Sheekh Shariif, oo ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Ilaalo xooggan oo hubaysan ayaa uu haystaa, waxaanu leeyahay khibradda dagaalladii uu galay horraantii qarnigan, sidanna waxa uu ku yahay qof cid kasta oo kale uga diyaarsan iska hor imaad hubaysan. Sida Khayre oo kale, aagga madaarka ee la ilaaliyo waxa uu Sheekh Shariif ka tagay maalmo ka hor si uu ugu diyaar garoobo dibadbaxyada la qorsheeyey. Maalmo dhawr ahba, Sheekh Shariif waxa uu warsaxaafadeedyada ku sheegayey inaanu u hoggaansamayn awaamiirta xukuumaddu ku amartay dadka inay goobo cayiman ku dibadbaxaan. Diyaarsanaanta Sheekh Shariif waa mid ka muuqatay sida uu hadalka u caddeeyey ka dib markii weerarradu bilaabmeen, isagoo yidhi: “Inta xabbad rasaas ahi igu hadhsantahay, kama labalabaynayo iska celinta cidda isoo rasaasaysa”. Waa marka ciidamada xukuumaddu ay isku fureen jiho cusub, iyagoo kolkan Kaaraan kula dagaallamaya ciidamada Shariifka.

Labaatankii saacadood ee xigay, magaaladu waxa ay ku jirtay argagax. Rasaasta iyo madaafiicda ayaa dhinac kasta isu dhaafayey, jabaqda rasaasta ayaana si fudud magaaladii dabiici ugu noqday. Qoysas badan baa bilaabay qax, oo habeenkii oo dhan iyo ilaa subixii xigay si habqan ah guryahooda uga guurayey.

Maalinkii xigay goor hore ayaan toosay, waxaanan isku dayay bal inaan fahmo waxa socda. Jidka Maka Al-Mukarrama waa uu xidhnaa, inta badan ganacsiyadana albaabbadaa isugu laabnaa. Subaxaas waxa aan muuqan raggii iyo dumarkii halkan ku ganacsan jiray; kuwo qaad jidka ku iibiya iyo kuwo bajaaj kireeyaba. Suuqa Bakaaraha ee ah goobta ganacsi ee ugu weyn magaaladu, waa uu madhnaa, waxaana dhif lagu arkayey midhadh ganacsadayaal ah oo soo dhiirraday, se iyaga laftoodu waxa ay is weydiinayaan waxa laga dheefayo ganacsi ka dhex furan suuq aanay cidi kusoo dhacayn.

Boosti uu ku baahiyey Facebook-ga, Cali Wardheere oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, waxa uu ku sheegay in khasaaraha maalinkaas lagu qiyaasay 3.8 milyan oo doollar, walow ay qiyaas tahay oo aan si rasmi ah loo xisaabin. Waa qaddar aad u badan marka loo eego dal la daalaadhacaya sicirbararka uu uga sii daray dagaalka Bariga Dhexe, meelo badan oo ka mid ahina ay ka jiraan dhibaatooyin bani’aadamnimo oo meelaha qaar gaadhsiisan macaluul.

Degmada Hodan, kooxo badan oo dhallinyaro ah ayaa isku soo baxay, si ay u ogaadaan waxa socda. Waxa kaliya ee aannu maqlaynay waa dayaanka qaraxyada, magaalada inta kalena waxa ay ahayd sidii magaalo gebi ahaan laga qaxay. Kolka laga reebo dhallinyaradaas iyo annaga, waxa keliya ee nasoo raacaa waxa ay ahaayeen qaybaha gidaarrada gadaashooda iska soo tooganaya iyo ciidamada waddooyinka daadsan. Wiil dhallinyaro ah baa igu yidhi: “Waa muuqaal filin la jilayo u eg”. Dhallinyaradaasi waxa ay isku urursadeen isgoyska waddo tagta Hawlwadaag, oo ah halka ciidamadu ku go’doomiyeen guriga Khayre.

Nasiibdarro dadku waa ay la qabsadeen xaaladahan qasan. Muddo kooban baanu wadahadalnay askari – oo igu canaantay sawirada aan qaadayo – waxaanu igu yidhi in dhibta oo dhan doorashadu wadato, isagoo si sarbeeb ah iigu sheegaya in dimuqraaddiyadda lafteedu xasilloonida darrada dhasho, oo ay qaska wadato, sidoo kalena ay tahay in dib loo dhigo. Waxa uu yidhi: “Uma diyaarsanin weli, siyaasiyiinteennu waxa ay haystaan awood aanay si masuuliyad leh u adeegsanayn”.

Annaga oo taagan jiiro ay ka horrayso bar kantarool, oo aannu halkaa ka bidhaaminayno dhallinyaradii, waxa is qabsaday qaraxyada hubka. Buuqa waxa kasoo dhex baxay dad sida islaan da’ ah oo dhaawacan, waxaanay darawal bajaaj ku khasbeen inuu cisbitaal u qaado. Wiil ay dhashayna waxa siday mid ka mid ah qaraabadeeda, oo noo sheegay inay dagaalka awgii muddo dheer kasoo bixi kari waayeen guriga.

Markii waagu baryay, safaaradaha metelaya beesha caalamku waxa ay soo saareen baaqyo. Dabcan wax badan oo ay samayn karaan ma jiraan, si kasta oo loogu hungoobay waxay ku baaqaan. Safaaradda Maraykanka ayaa tidhi: “Gacan ka hadalka Muqdisho ka socdaa waa mid sii kordhaya, hoggaanka Soomaalida ayaana masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta xasilloonida iyo in ismaandhaafka lagu xalliyo habab nabdoon. Sidoo kale, Ururka IGAD iyo Midawga Afrika ayaa ku baaqay dejinta xaaladda iyo wadahadal. Barqnimmada maalintaa xigtay, waxa isna hadlay Madaxweynihii hore, Farmaajo, oo ah shakhsiyad goonni socod ka ah hoggaamiyayaashii hore ee dalka soo maray iyo xukuumaddan jirtaba.

Baaqa Farmaajo waxa uu mid si gaar ah soojiidasho u leh; waxa uu xusay in dhacdadan oo kale dhacday 2021-kii, markaas oo uu madaxweyne ahaa, mucaaradkana uu hor kacayey Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha hadda, isagoo markaas hoggaaminayey ololihii lagaga soo hor jeeday in Farmaajo muddo-korodhsi samaysto. Berigaas, Xasan Sheekh Maxamuud waxa curiyey jidad cusub oo lagu cariyo talada Farmaajo, lagun wiiqo – dibadbaxyo iyo isku dhacyo toos ahba – arrimahaas oo ugu dambayn Farmaajo ku khasbay inuu tanaasullo ka sameeyo hannaanka doorasho, ugu dambaynna waa sababta doorashadii uu Xasan ku guulaystay. Laga yaabee in Madaxweynahan hadda joogaa uu si wanaagsan u garanayo falalka ay kooxda mucaaradka ah ee hadda ay samaynayaan, sababtaasna uu u diiddanyahay inuu tanaasul sameeyo.

Si kastoo ay ahaataba, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu u muuqdaa nin yeeshay shakhsiyad gebi ahaan ka duwan sidii uu hore ugu muuqday. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ka mid ah mucaaradka ugu cadcad, waxa uu marar badan sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uu hore safka mucaaradnimada kula jiray, se anfariir ay tahay heerkiisa isbeddel – isagoo ahaa hoggaamiye mucaarad oo ka sheekeeya baahida Soomaaliya u qabto nabad gudaha bulshadeeda ah iyo heshiis dibadda ahba, se haatan isugu biyo shubtay mid ka mid ah dadka dagaalka dalka ka oogaya. Xitaa Wasiirka Difaaca, Macallin Fiqi, waxa uu mucaaradka ku shabbahay Jabhadda RSF ee Suudaan, dhammaan tilmaamuhuna waa kuwo caddaynaya inuu rabay in uu sidaas ula dhaqmo. Intii aan gurigayga usii socday, nin dhallinyaro ah baa ku dooday in Khayre uu nasiib ku lahaa in gurigiisa odayaal dhaqameed waaweyni ku sugnaayeen, haddii kale mar hore lala simi dhulka.

Hoobashada kalsoonidii siyaasadeed runtii waa arrin weyn. Markasta waxa aan is weydiiyaa: sidee ayaa ay suurogal tahay inaad mar kale qol la fadhiisitid qof hore isugu dayay dilkaaga? Se waxa aan u malaynayaa, in arrinkani yahay khatarta loo badheedhay ee ku jirta siyaasadda Muqdisho ee ku dhisan in qofka rooni reerka u hadho. Sheekoyahanka Soomaaliyeed ee Nuuraddiin Faarax, ayaa arrinkan ku tilmaamay “siyaasadda shirqoolka, iyo siyaasadda uu qofku cunayo walaalkii”. Qaabka keliya ee aad ku fahmi kartid khilaafyada siyaasadeed ee dadkan u dhexeeyaa, waa inaad dareentid inay yihiin xisaabo ka socda duni aan la sawiran karin – walow ay si weyn haddana u saamaynayaan cid kasta oo Muqdisho ku nool. Waa duni, Wasiirkii Caddaaladdu, ka dib dagaal maalin dhan magaalada kala xidhay, uu haddana si qabow u bixinayo ogaysiis ah in “dalku nabad yahay”, oo aan hadda dagaal socon.

Related posts

How Climate Change Narrative Is Preventing Africa From Modernizing and Gaining Prosperity

warsan

Dozens dead as migrant boat sinks off Mauritania coast: UN

warsan

Israel halts Dubai flights, warns of potential crisis

warsan