W/Q Liibaan Axmad
Sanadkii 1983-kii shirkadda Saarberg-Interplan ayaa mashruuc biyo-ballaarrin ka hirgelisay Muqdisho. Tuubbooyin waaweyn bay Jidka Soddonka soo dhigtay, si waddada qayb ka mid ah loo qodo. Marnaba hawshaasi may saamaynin socodka babuurta. Faa’iidadii laga helay mashruuca waxay ahayd: Muqdisho ayaa xal u heshay biyo-yaraantii; wuxuu kale oo mashruucu fududeeyay in dadku biyo gashado. Waqtigaas Soomaaliya waxay lahayd hal hay’ad oo u xilsaarnayd biyaha ( Wakaaladda Biyaha). Lacagta mashruuca waxaa bixiyay dalkii la oran jiray Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka Galbeed.
Dadka dhulka hadda loo yaqaanno Buntland ( Puntland) ku nool may helin fursadahaas horumarineed waagaas; dowladdii jirtay horumarinta Galguduud iyo gobollada waqooyiga ka xiga waxay u aragtay waqti-lumis. Sababta aan u dulmaray taarikhdan waa inaan isdultaago go’aanka GIZ (GTZ) ay ku joojisay taageerada ay siin jirtay mashruucyada lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha Buntland, gaar ahaan waddooyinka.
Puntland Focus Group, oo ku bahoobay tartanka Madaxtinimada Buntland, ayaa warqad ay soo saareen xubnaha kooxdu, waxay muujiyeen inay ka xun yihiin maamulxumada keentay GIZ inay joojiso taageeradii ay siin jirtay Buntland daahfurnaan la’aan ( lack of transparency ) awgeed. Dadkii loo xilsaaray hawsha dhisidda waddooyinka Buntland way ku guuldarraysteen inay xisaab-celin sameeyaan.
Taas macnaheedu waa: lacagtii loogu talagalay mashruuca, waxaa lunsaday dad aysan weli dowladda Buntland la xisaabtamin. Waxaan ku raacsanahay Puntland Focus Group in GIZ aysan mudnayn dhaleecayn ama in laga abaal-dhaco taageerada ay siisay Soomaalida waqtigan adag.
Waxaa muuqata in musuqmaasuqa Buntland uu xargo-goostay. Markii hore nin madax ah ama dadka ku dhowdhow uun baa boobi jiray hantida dadweynaha; hadda lunsadeyaashu waxay u soo dhigteen taageerada hay’adaha horumarintu siiyaan Buntland. Ma baaqyo siyaasiyiin soo saaraan baa joojin kara musuqmaasuqa burburin kara Buntland?
Sidee wax looga qaban karaa maamul musuqmaasuq ku caanbaxay haddii dabaqadda siyaasadeed ee Buntland aysan lahayn dhaqan isla-xisaabtan iyo musuqmaasuq-diid?
In maanta hay’adda horumarinta Jarmalku si toos ah u taageerto Buntland waa guul dadka Soomaaliyeed oo u soo hoyatay; in musuqmaasuq-ka-naaxeyaal ay lunsadaan taageerada Soomaalidu hesho waa ayaan-darro ka xun dayacii dowladdii militarigu ku haysay gobollada dad badani u yaqaanneen Gaari-waa.
Buntland dhexdeeda dadku wuu ka sheekaystaa siyaasiyiinta ka naaxay boobka hantida dadweynaha; ganacsatada laga naasnuujiyay qasnadda dowladda Buntland.
Gaas: Miyuu muddan yahay in dib loo soo doorto?
Jaamacad ka mid ah jaamacadaha Buntland ayaa soo saartay cilmi-baaris ku saabsan musuqmaasuqa Buntland. Talooyinkii ku jiray warbixinta jaamacadda may noqonin kuwo dowladda Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay ku dhaqantay.
Sidee bay dowlad tirakoobi wayday ciidammada, ula dagaallami kartaa musuqmaasuq? Buntland waa maamul beeleed hadba madaxweynaha jooga uu maamulo lacagta Buntland ugu soo xeroota canshuur ahaan, ama lacagta taageerada horumarineed ay ku hesho. Madaxtooyadu waa meesha kaliya oo uu madaxweyne si sharci-darro ah uga hodmin karo qoyskiisa iyo dadka ay wax isu yihiin ama siyaasad ahaan ku dhowdhow. Dhaqankan siyaasadeed waa macnaha Buntland federaalisamku la leeyahay
Nuur Salaad, oo geeriyooday dhowr sano ka hor marna ahaa taliyihii ciidanka booliska Buntland, wuxuu Daljir Raadiyo uga warramay dibindaabyadii dad badani la rabeen mashruucii lagu dhisayay waddada Boosaaso iyo dekedda maanta Buntland ay ku tiirsan tahay. Wuxuu sheegay in dowladdii militarigu u xilsaartay isaga nabadgelyada mashruuca. Wuxuu Nuur u istaagay ilaalinta hantida shirkaddii dhisaysay waddada waayo burcad siyaasad baa isu bahaysatay curyaaminta mashruuca.
Lunsiga hantida dadweynaha Buntland waxaa dheer lunsiga kheyraadka badda: waxaa jira maraakiib ay maamulladii hore shatiyo kalluumaysi. ka gadeen si ka baxsan sharciga. Siyaasiyiinta Buntland way isku raacsan yihiin in aan laga hadlin danaha siyaasi kasta ku leeyahay maraakiibta haysta shatiyada Garoowe laga bixiyay.
Waxaa xusid mudan in bixinta shatiga kalluumaysi uu la kowsaday maamulkii kowaad ee Buntlad. Waa ayaan-darro siyaasiyiin aan isku raacsanayn la dagaallanka musuqmaasuqa inay maanta ka hadlayaan musuqmaasuq.
Dadka Buntland waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sida dowladdu u maamusho hantida dadweynaha. Markii uu xilka la wareegayay Md. Faarax Cali Shire, oo ahaa wasiir-kii hore ee Maaliyadda xilgii Madaxweyne Faroole, oo hadda isu sharraxay xilka madaxweynenimada ee Buntland, wuxuu sheegay inuusan la wareegaynin dayn lagu leeyahay dowladdii hore ( dhegyso codka la socda maqaalka Horseedmedia) .
Miyay dowladdii uu Faarax ka tirsanaa deyn ku wareejisay maamulka Gaas? Miyay weligood siyaasiyiintu la wadaageen dadweynaha Buntland xog ku saabsan sida loo maamulo lacagaha ka soo xerooda shatiyada kalluumaysiga iyo shirkadaha shatiyada kalluumaysi la siiyay?
Habka siyaasadeed ee Buntland waa mid fududeeya musuqmaasuqa. Awoodda oo dhan waxay gacanta u gashaa madaxweynaha oo maamusha barlamaanka. Haddii aysan dabaqadda siyaasadeed ee Buntland meel uga soo wada jeesan la dagaallanka musuqmaasuqa, baaqyada kooxuhu soo saaran kama duwana maaweelo aan xiise loo hayn.
Liibaan Axmad
Email: Libahm@icloud.com