December 4, 2024
Cover

Xuquuqda Qofka Meher La’aan Ku Dhasha

 

June 29, 2023

Waxa qoray: Shiekh Cabdiraxman M. Jibriil

 

Xiriirka insaanka ee xagga jacaylka jinsiga/galmada waa xiriir xeeldheer oo isku dhex-dhafan. Waa xiriir dhinac “Muqaddas, Ruuxi, Rabbaani” ka ah. Dhinaca kalana “Xayawaani, Raaxo, Baahi jir” ka ah. Labadaas caalam ee isku dhex jira ayuu insaanku ku nool yahay. Mar waxaa ka adkaanaya baahida dabeeciga ah ee xagga jirka. (Biological needs) Dhinacaas Insaanku waa xayawaan. Baahida jiraka, raaxada shahwada, isa soo jiidashada labada jinsi, “Lab iyo dhadig” jacaylka iyo dareenka soo jiidashada jirka, waxaas oo dhan waxay keenayaan in Insaanku u soo dago baahida jirka, xayawaannimada baahida dabeeciga ah.

Haddana, markiiba wuxuu dareemayaa ceeb, danbi, meel ka dhac uusan naftiisa raalli uga ahayn. Taasi waxay tusinaysaa, inuusan Insaanku xayawaanka kale la mid ahayn. Insaanku wuxuu isugu jiraa, “Cirka iyo dhulka” “Jirka iyo Ruuxda” “Xayawaannimo iyo Rabbaani nimo”. Sidaas daraadeed, marna kuma raaxaysto, xiriir shahwo oo aan sharciga waafaqsanayn. Haddii nafsaddu ka adkaato oo uu sameeyo xiriir “Jinsi/Galmo” aan sharciga waafaqsanayn, wuu ka shallaynayaa. Danbi iyo ceeb ayuu dareemayaa. Qofkii ku dhasha xiriirkaas aan sharciga ahayn, wuxuu la kulmayaa ceeb iyo takoorid aan danbigiisa ahayn. Sidaas waxaa u dhaqma bulshooyinka Diiniga ah.

Haddana, arrinkaasi wuxuu ku xiranyahay hadba sida Mujtamacu yahay. Mujtamacyaalka aadanaha ee caalamkaan kunnool way ku kala duwan yihiin arigtidooda ku saabsan xiriirka galmada ee labada qof ee insaanka ah. Inta badan dadka caalamkaan maanta kunnool, waxay tixgalin wayn siiyeen baahida shahwada ee qofka iyo xorriyaddisa doorashada waxa uu rabo iyo waxa uusan rabin. Waxay tixgalin wayn siiyeen baahida jirka (Biological needs). Ceeb iyo danbi midna agtooda kama aha, haddii laba qof oo qaan gaar ah, oo is doortay, isla markaasna isu dhigma ay wada noolaadaan ama ay wada raaxaystaan. Mujtamac-yaalka qaabkaas u fikira, waxay Meesha ka saareen ama ay yareeyeen muhimmaddeeda qaybta ruuxiga ah ee Insaanka. Taas oo tix-galisa “Xaaraam, xalaal, danbi, ceeb iyo ciqaab aakhiro”. Dhinacaas waxay aad ugu dhawaadeen dhinaca xayawaannimada ee Insaanka.

Ummadaha Diinta tixgaliya ee Muslimiintu ka mid yihiin, wali insaanku wuxuu ku xiran yahay awoodda wayn ee “Samaawaadka.” Waxay aad u tix galiyaan xiriirka Ruuxiga ah/Muqaddaska ah ee Jinsiga ama galmada. Xiriirkaas waa inuu si sharci ah, Sharaf leh, la wada ogyahay ku dhacaa. Haddii kale, waa ceeb, danbi iyo waafaqid xayawaanka kale. Waa xaalad aan u qalmin Insaanka. Sidaas daraadeed, waxay ku dadaalaan inay adkaystaan, is celiyaan, xiriirkoodana waafajiyaan Ruuxda iyo Diinta. (Shareecada)

Su’aasha muhiimka ah waxay noqonaysaa, “Sidee la isu waafajinayaa labadaas xaaladood ee insaanku ka kooban yahay? Xaaladda xayawaannimada iyo Xaaladda Ruuxda.” Waa in si dagan oo caqliga iyo cilmiga waafaqsan la isu waafajiyo. Waa inaan marna la filan, dad Malaa’igta oo kale ah oo aan khaldamayn, danbi galayn. Insaanku marna wuu danbaabayaa, oo nafta iyo shahwada xayawaannimada ayaa ka adkaanaysa, marna wuu soo noqonayaa, oo ka shallaynayaa wixii xumaa ee uu sameeyay. Sidaas daraadeed, waa in la asturo ceebta iyo xumaanta mujtamaca dhexdiisa. Waa inaan qofka aabe la’aanta ah (aabbihiis la aqoon) la takoorin oo aan la ceebayn ee uu noqdo qof aan danbi lahayn oo Mujtamaciisa ka mid ah. Arrinka ku saabsan xaaladaha noocaas oo kale ah, waxaan u kala qaadi karnaa Afar (4) qaybood.

  1. Xukumka Shareecada Islaamka ee qofka meher la’aanta ku dhasha: Qof kaasi wuxuu noqonayaa qof aan aabbe lahayn. Hooyadana Ciqaabta sharciga ayaa la marinayaa. Fahamkaas waa kii Culumada Madaahibtu dajiyeen waa hore. Haddii dib loo eego, oo wax laga baddalo waa arrin suura gal ah. Waxay ku xirantahay “Siyaasadda dawladda iyo dadaalka culumada diinta”.
  2. Haybta qofka meher la’aanta ku dhashay: Qofkaasi wuxuu ku hayb noqonayaa hooyadi. Halkaas ayuu mujtamaca ka galayaa. Waxayna ku xirantahay duruufta markaas jirta iyo sida hooyadu u asturi karto ama ceebta u qarin karto. Haddii ay ku guulaysato, inay ceebta qariso, oo nafsadda cunugeeda ay daryeesho, waa wanaag.
  3. Xukumka cilmiga ah ee lagu ogaan karo aabbaha cunugga dhalay: Hadda, waxaa cilmigu gaaray in la ogaan karo aabbaha cunugga dhalay, iyada oo la marayo baarista cilmiga ah ee loo yaqaan “DNA”. Taas, waa haddii ay hooyadu go’aan sato inaan danbiga, ceebta iyo korinta cunugga aysan kaligeed ku noqon ee uu la qaybsado ninkii galmada la sameeyay. Taasna waxaa sameeyee, mujtamac-yada furfuran ee aan ceebta ka baqin.
  4. Xuquuqda qofka ku dhasha meher la’aanta: Qof kaas wuxuu la mid yahay dadka kale oo mujtamacaas ku nool. Wax danbi ah iyo wax eed ah oo uu ku leeyahay wixii waalidki sameeyeen ma jirto. Sidaas daraadeed wuxuu xaq u leeyahay, dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dadka kale. Takoorid, xaqiraad, xumayn iyo bahdil lagu sameeyana waa danbi kadaran kii ay waalidkiis ka galeen markii ay si fudud oo aan laga fiirsan u sameeyeen falka “galmada”.

Ilaalinta iyo fahamka xuquuqda iyo karaamada dadku waxay ku xirantahay, fahamka, ilbaxnimada iyo aqoonta mujtamaca. Bulsho wareertay oo xumaantii iyo wanaaggii kala garan wayday, oo dadkeedu qabiil ku kala fiican yihiin ama ku kala sarreeyaan, ma garan karaan inay ilaaliyaan xuquuqda asaasiga ah ee qofka iyaga ka tirsan. Xigasho Quraan: “ادْعُوهُمْ لِآبَائِهِمْ هُوَ أَقْسَطُ عِندَ اللَّهِ ۚ فَإِن لَّمْ تَعْلَمُوا آبَاءَهُمْ فَإِخْوَانُكُمْ فِي الدِّينِ”

 

Shiekh Cabdiraxman M. Jibriil:  waa caalim ku xeeldheer aqoonta Diinta Islaamka, cilmu-nafsiga wax ka bartay


Statements, comments or opinions published in this column are of those of the author(s) and do not necessarily reflect the editorial policy of Warsan magazine. Warsan reserves the right to moderate, publish or delete a post without prior consultation with the author(s). To publish your article or your advertisement contact our editorial team at: warsan54@gmail.com

Related posts

Horn of Africa Facing Worst Hunger Crisis in Decades

warsan

Europe Has Never Been A Garden

warsan

S. Africa’s Ramaphosa says ruling party wants country to quit ICC

warsan