April 18, 2026
Cover

Garoonkii tartanka maalgashiga Somaaliya daaha laga rog

 

 

 

Abril 18, 2025

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta (Kor),  Agaasimaha SomInvest (Hoos)

 

 

Dalku waa hodan, dadkuna waa sabool gaajo iyo darxumo la nool waa baryaba. Dal guga iyo deyrtu u hoorto dabshid soo gala, webiyo badanaa aan gurinna maraan, bad kalluunku ceegaago, cadceed awoodda laga dhalin karo le iyo 30 milyan oo neef oo xoolaha la dhaqdo ah ayaa haddana cunno ku filan soori karin 

 

 

Si looga baxo saboolnnimada iyo gaajada baahday, lama huraan waxa ah in dowladdu la timaado qorshe wax soo saar, maalgashi dibadeed/gudeed, yoolkeedu yahay in dalku gaaro isku fillaasho cunto, bulshadana dhinacaa loo jaheeyo. Waa ta durba dowladdu isku dubbarriday qorshe-qarameed daboolaaya laamaha wax soo saarka qaranka iyo farsamada cusub ee dhaqaale kobcaya u baahan yahay. Ambba-qaadka qorshaas udub-dhexaadkiisu waa in ugu horreyn la xaqiijiyo cunno ku filan in dalka loo weeleeyo, gaajadana la yareeyo guyada na soo haya.

Weydiinta timid baa ah, howsha baaxadda le dowladda ma ka go’an tahay inay ka soo dhalaasho. Haa-hoo guyaalkii ugu dambeeyey dowladdu arrinkaa si buuxda ayey ugu howlgashay, wasaaraddeeda qorsheynta iyo maalgashiga dibadda xafiiskeeda dhiirrigelinta maalgashiga qaranka ku xileysan. Xafiiskan oo sahanka howshan muddo ku soo jiray, waxa uu isku dubbariday xogtii looga baahnaana ka diyaariyey kaabayaashii mashruucan ka dhigi lahaa mid kalsooni siin kara maalgashatada gudaha iyo dibadda. Oodo dhacameed kolba ta sarreysa la qaadaaye, xafiisku qormooyin xog dhameytiran lagu buuxiyey  ayuu ka uruuriyey mashaariicda hortabinta le ee saboolnnimada in lagu ciribtiro looga gol leeyahay.

Xafiisku waa ka 18kii Bishan daaha ka rogay, soona bandhigay tusmada Qorshaha Isbeddelka Qaran , si waafiyana uga warbixiyey mashaariicada gooraha dhow iyo kuwa fogba la maalgashan karo. Kulan ishu is-qabatay oo dadka la casumay isha la raacayeen tusmooyinka sida cilmiga ah leysugu soo duway shaashadda araggana loogu sharraxayey. Mid ka mida ka qeybgalayaasha oo hadlay baa yidhi; “Qoladani abaalmarin bey mudan tahay”. Mid kalaa yidhi; “Garoonkii tartanka maalgashiga Somaaliya daaha laga rog”.

Saas oy tahay, weli wasaaradda iyo xafiiska maalgashiga lagama maarmaan bey ku noqoneysa inay qufeeyaan daaqad kasta oo muujin karta nusqaan dhinaca xeerarka ganacsiga, canshuuraha iyo weliba garsoorka. Laba-daraale dowladdu waa inay meel mariso xeerka maxkamadda ganacsiga (Commercial court Act). Waa adeeg haddu maqan yahay adkaaneyso in maalgashiga dibadda iyo ka gudahaba lagu qanciyo inay xoolahooda geliyaan dalka. Ib furka Qorshaha Isbeddelka Qaran waxa joogay daneeyeyaal badan ay ka muuqatay sida ay uga raalli noqdeen xogta la soo bandhigay iyo sidey Somaliya uga go’an tahay inay jaan qaaddo dunida hormareysa. Isku tashi muuqda!

Waxa diyaariyey: Warsan magazine

Related posts

Turkey’s Hakan Fidan condemns Koran burning in Stockholm

warsan

Can China keep investment strategy on track as Ethiopian railways hit buffers?

warsan

Bayer to pay $10.9bn to settle weedkiller cancer claims

warsan