The Warsan
Cover

Shacabku Oggolaan maayo Qax Dambe Iyo Sokeeye Is-dooxa!

 

22 Janaayo, 2021

Waxa diyaariyey: Warsidaha Warsan

A view of a neighborhood with destruction of the Somalian Civil War... News Photo - Getty Images

Cidna waallidan dib ugu noqonmeyso, siyaasiyow toos!

 

Waxa aloosan is-mari-waa dhinaca doorashada iyo habka  loo gelayo. Waxa qoorta isugu jira tiro yar oo xubno ka ah laamaha qaranka qeybahooda sare, dowla-goboleedyada qaar iyo mucaaradka.

Is-mari-waaga taagan xooggiisu waxa uu la kowsaday doorashadii Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo Axmed Madoobaa xoog ku qaatay eeddo ahayd. Dowladda dhexe ayaana dacwadaa oogtay oo Madoobe ku sheegtay mid ku dhega –adkaaaday, Nayroobi iyo Deniga Puntlandina xulafeystay.

 

Ma dooneynno inaan idinku mashquulinno, waan-waannadii dhinayo badan isku deyayeen iyo shirarkii Dhuusa-ma-reebtii hadda loo bixiyey “sama-reeb” {oo u eg magac aan fiirsi badan loo yeelan} iyo kuwii Garoowe, hayeeshee, tooshka iftiinkiisa inaan u duwnnaan dooneyna kuraasta muhimadda weyn ule kooxda hardanku ka dhaxeeyo iyo sida ay u ilowsan yihiin dalkan iyo shacabkiisa rabitaankooda.

Kooxaha siyaasadda ku colloobay ee kala ridashada kuraasta car iyo wir u mareyso ee qaarna ka go’antay inay xukunka sii heystaan qiima kasta ha ugu kacddee, qaarna goodinayaan 91kii baa loo noqon haddaan la yeelin sida aan rabnno iyo qaar le haddaan nala maqlin waa toloobeyna bulshadu go’aan noocma bey ka leeday?

Mogadishu today in 2020 - YouTube

Xamartan lagu doorsan maayo ta kore

 

Siyaasiga laamaha hoggaaminta hadda qeybta ka ah iyo mucaaradka la bahoobay gobollada qaarkood ragga hoggaamiya, su’aasha u taaal waxa weeye, 91kii sababteeda yaa lahaa? Haddaan ku xusuusiyo sababteeda waxa lahaa koox isku haysatay waxa maanta leysku heysto. Xukun. Dhaxalkiina waa midka illaa maanta dunida gaar nooga soocay, duur-joogtana na la simay.Somali Mothers Unite Against Terrorist Groups | The AfricaPaper

Hooyo dambe gablami meyso

Inta aan u gelin talada majalladdani u soo bandhigeyso qolada kuraasta ku muransan, aan isu kiin barbar dhignno shacabkii 91kii iyo shacabka 21ka.

Shacabkii 91kii, waa shacabkii 90kii iyo wixii ka horreeyey ee aan sokeeya si safmar ah ableyda isula dhexqaaday arag, dowlladdiisiina iska riday haba xukun xumaatee, mid dhaantana qotomi waayey. Shacabkaa qaarkii, waxa looga faa’ideystay aqoon-darro ka heysatay nabaddu qiimaha ay leedahay, dowlad la’aanteedna inaan la heleyn.

Kuwii carooday ee hubka boobay, aad wax xukuntidna taladoodu aheyd, waxa seegtay inay dhisaan dowladda beddeli doonta ta ay ridisteeda duurka u galeeen, cadowga u kaashadeen. Tii xukunka heysayna waxa seegtay inay qanciso oo iyadu tanaasusho, si qaranka iyo dowladnnimadu u badbaadaan.

Shacabkaasu, waa kii burburiyey hantidii qaranka ee u hari laheyd, kana uu faa’ideysan lahaa. Waa shacaka is-bixin waayey oo caruurtiisii iyo haweenkiisii waray xudduudada dalku la wadaago shisheeya,  cadowna u loogay.

Somali Army, Herders Repel al-Shabaab Attack Aimed at Abducting Children - Africa Defense Forum

Dhallinyara dambe xaaba laga dhigan maayo-91!

Dhashii shacabkaas burburay iyo qaar kuwaa hore ka haray weeye maanta kuwa weli ku taamaya oo ku goodinaya in jabkaa iyo ba’aa mar kale dumarka iyo caruurta aan weli kabsan, dowlad daryeeshana aan weli helin la doonaya. War ma maalin uu gorgortama ruuxa dadkiisii gudaha iyo dibadda daadsan yahay? Haddiiba aad siyaasiga maantow ku fekereyso inaad shacabka maanta dagaalgeliso sidii kii 91kii, habow baad ku sugantay ee dacalladaada daawo, bal wiilka/gabadha maantu inuu kaa yeelayo xaabo noqo.

Shacabka maantu, waa mid garowsan nabaddu qiimaha ay leedahay, difaacayana- waa shacab wax bartay oo xaqqooda yaqaan, kaana aan yeeleyn inad dab geliso, oo dib u qaxootiyeyso.

Taladu waxay tahay “Heshiiya” ama suga kacddoon shacab.

Dowladda mid baannu leennay, Jubaland iyo Puntlandi mid kale, mucaaradkana tu kale.

Wasaaradda Waxbarashada Oo Baahisay Jadwalka Imtixaanka Shahaadiga Ah – Goobjoog News

Dhallin waxbarataan dooneynaa

 

  1. Dowladda, gaar ahaan madaxweynaha, tanaasul oo dadka iyo dalka u tanaasul, sidii dowladdii 90kii jacelka kursigu uusan kaa tan badan, oo ku gaarsiin meel aanad wax ka dabaqateyn karin.

 

  1. Jubba/Puntland, Masuuliyadda 1aad waxay idinka saaran tahay shacabka aad hoggaamisaan, ta 2aadna qaranka Somaaliyeed, u maleyn-meynno inaad iska dhaadhiciseen in Somaali marka kale hoos loogu riixo godka ay hadda madax kala soo kacday, haddey dhacdana godka umbaad nagula daadan ee wax kastood tirsaneysaan u tanaasula dadkiinna iyo dalkiinna, haddu halkiisa ka soo dhaqaaqi waayo tala-haya maanta, hana noqonina jabhadihii 80kii hubka qaaday burburkana horseed u noqday ee Aakhiro iyo adduunba seegay, xuusta halkii ay ku dambeeyeen kuwii horseeday waallidii 91kii

 

  1. Mucaaradka, waxa la og yahay in 95% aad tihiin dad ka soo jeeda xarunta looga taliyo qarankan, 91kii baa loo noqonta hal-heyska ka dhigtay, bal dib u fariista-oo, ka fekera cidda 91kii u celineysaan ta ay tahay? U maley-maayo inaad gara weyneysaan cidda aan ka hadleynno ee qaxa u maleegeysaan, haddii caafimaad la qabo.  Haddii aad ka kori weydaan hal-ku-dhegyada dhiillada sida ee maalin walba dadka degahiisa quudineysaan, ogaada in leydinka tashanaayo, horena looga tashtay dagaal dambe, ujeedkiinana u kaliyoobi doontaan. Dadku maaha kuwii shalay sida fudud loo kicin jiray ee si nabada kuraasta ku doonta.

 

        DOODDOODU GAROWSHIYO MA LEEDAY?

 

Deni & Madoobe oo damacsan in qodobada qaar heshiiskii Dhuusamareeb dib loogu laabto. - Mustaqbal Radio

Deni (bidix), Axmed Islam- Yaa siyaasiga uga nafci badan dowladnnimada?. War cesho oo xamdi

 

Doorashadii Agoosto, 2019kii Kismaayo ka qabsoontay, Ahmed Islam-na lagu caleema saaray is-maan-dhaaf iyo qalalaaso siyaasadeed oo aan Kismaayo ku ekaan laakin, dalka oo dhan lugaha u geliyey jahwareer iyo aamin-bax saameeyey dabaqadda xukunka iyo kuwa doonaya inay ritaan. Kuwa isha qaarka ah ku haya dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dalka, xulafeysiga siyaasadeed ee soo muuqanayey Kismaayo kadib, maaha bey qabaan dad xulafo siyaasadeed isu-kaashadaye ee waa xulafo qabiil. Aan ugu sarreysiinno ta Deni iyo Axmed Islam, labadana dib u raacnno sooyaalka xulafeysiga.

Ahmed Dowladda dhexe ayey meel wax ka wada arki waayeen, illa khilaafku gaaray in Filla Somaaliya ay Gedo maamulkii Jubbaland ka erido, kuwa iyada la shaqeeyana abuurtay. Khilaafku waxuu saameeyey oo galaaftay aakhirkii xiriirkii diblomaasiyadeed ee Somali-Kenya. Axmed Kenya oo uu weligiiba xiriir sokeeye la lahaa, waxa ku biiriyey mid toleed oo uu ka tolay Saciid Cabdullaahi Deni, hoggaamiyaha Puntland, oo go’aansaday inuu sina u cidleyn garabka Islam, xataa haddii dan Puntand ama mid qaran lumeyso.

Axmed hadii aanu saxiixin heshiiskii Dhuusamareeb iyo kii Xamar ee Gedo xarun-doorashadeeda dowladda dhexe inay maamusho u oggolaanayey, Axmed gar buu leeyahay. Haddiise saxiix ka dhacay dooddiisa ah dhulkii aan maamulayey haddaan leyga oggoleyn inan doorasho ka maareeyo, inuu doorashadii cirka iyo dhulka meel u dhaxeysa ku hayo xaq maaha, qarankana ma qabato. Axmed mar ay majalladani la kulantay dhamaadkii 2017kii, waxa uu ugu muuqday muwaadin aan biya-ka- dhibcin, hayeeshee, kuwa ku kacsani waxay leeyihiin, afka iyo laabtu iskama war qabaan.

  Deni iyo Axmed maxaa mideeyey?

Saciid Deni, waxa aad loo bartay markii uu noqday wasiirka qorshaha 2014-18kii iyo hadda oo uu yahay hoggaamiyaha Puntland. Deni, wax cad oo uu uga soo horjeedo habka doorashada ee xukuumadda dhexe bandhigtay lagama hayo oo sababi kara in khakhal siyaasadeed loo abuuro dalka, waxase aad u soo muuqanayey mucaaradad xarga-goosatay oo kala dhaxeysa dowlada dhexe. Imaaraadka ayuu aad ula qabsaday, heshiisyana la saxiixay, dowladda dhexe oo aan oggolaan. Deni, aad waxa loogu xusuustaa Af-gambigii aan caad lagu soo qarin ee jaga looga eryey af-hayeenkii golaha shacabka Puntland Cabdixakiim Axmed dhooba-Daareed oo mucaaradku ku sheegeen inuu Deni abaabulay. Inay run tahay maanaan xaqiijin!

Sidoo kale, dadka mucaaradka ku ah Deni waxay leeyihiin odoga go’aamada waa lala wadaaga, qaarkoodna iyadoon la marin ayaa la fuliyaa oo awood qarsoon ayaa jirta. Iyana xaqiiqadeeda ma haynno. Si kasta oo labada masuul mucaarad ugu yihiin hoggaanka federaalka, waxa la aaminsan yahay inayan horseed ka noqoneyn in dalku mushkilad siyaasadeed oo burbur keenta lugaha loo geliyo. DOODDOODU GAROWSHIYO MA LEEDAHAY? Aqristahaa ka jawaabi doona.

Warsan magazine

 

Related posts

The Real “Islamophobia Industry”

warsan

SABAB HA U NOQONINA IN DOORASHO QABSOOMI WEYDO

warsan

Somalia and the African Development Bank Group sign agreement for arrears clearance support

warsan