January 6, 2026
HANDARAABKA KA BEDDEL WASAARADAHA DIBADDA, WAXBARASHADA, CAAFIMAADKA QUFUL CUSUB U IIBI
Habacsanaanta Wasaaradaha iyo Baahida Dib-u-habeyntooda
Iyadoo habacsanaan baahsan ay ka jirto wasaaradaha dalka, haddana si gaar ah waxa loo baahan yahay in qalliin siyaasadeed iyo maamul oo baaxad leh lagu sameeyo saddaxda wasaaradood ee ugu sarreeya ee arrimaha dibadda, waxbarashada iyo caafimaadka
Majalladani waxay gacan ka geysaneysaa soo jeedinta magacyada shakhsiyaadka ay is-leedahay wey ku habboon yihiin, haddii la siiyo fursad ay bulshadooda ugu adeegaan si hufan, daacadnimo iyo karti leh.
Fure iyo Aragti Cusub
- Baahida isbeddel: Wasaaradaha sare waa laf-dhabarta dowladnimada, haddii ay habacsanaadaan, adeegga bulshada oo dhan ayaa wiiqma.
- Shakhsiyaad karti leh: Waxaa jira dad aqoon iyo waayo-aragnimo leh oo bulshada dhexdeeda ku jira, kuwaas oo haddii loo oggolaado ay horseedi karaan isbeddel muuqda.
- Majalladani: Waxay u taagan tahay in ay iftiimiso magacyadaas, isla markaana bulshada ku baraarujiso in hoggaan cusub loo baahan yahay.
Aqoonyahanna hoose ka xulo kuwa aad u bogto
Wasaaradda arrimaha dibadda
1- Amb. Gamal M Hassan
2- Maxamed Abddullaahi Omaar
3- Maxamed Cabdirazak


Wasaaradda Caafimaadka



1- Dr. Mohamed Mohamud Hassan (Bidey),
2- Drs Maryam Qassim
3- Dr Cabdiraxiim Xaaji
Wasaaradda waxbarashad



1- Dr Cabdinur Maxamuud
2- Cabdishakur Tarax
3- Dr Ciisa Cali
Warsan magazine
