The Warsan
Cover

Madaxweyne, ha isku wareejin duuflaal, dhibaal maahee, dhibic kugu kordhin

11-8-022

Hoggaankii ummadda ayaa mar kale lagu makaniyey, Allaa doonay, hayeeshee, waa tijaabo iyo ku eegis Alle iyo tu dadka hoggaamiso. Suurowdee, in Alle kuugu bogay, mar hadduu dib kuugu soo celiyey xilka, qabyadii kuu dhineyd si aad dhameystirto.

Majalladdan ta mattaanta la ah ee afka Ingriiska ku soo baxda mar aad wareysi siisay, waxan u muuqatay, kuna ay talisay inaad mudan tahay fursad kale oo qaranka ugu adeegto.

Xil mid dayaca iyo ku daryeelayba le. Ka daryeela, naf ka badbaadi gaajo iyo oon. Maanta gaajo iyo oon baannu u la’neynaa Alle iyo adigaanan magan ugu nahay. Xil qaran iyo mid qoys dhinac aqool isaga eg, kalasa qara weyn. Waad soo maamushay qarankan, maanta kuu kala cad mid shala ku dagay (shisheeye iyo sokeeye kuu doonaba) iyo ka garab kuugu noqday danta guud.

Maanta kuu kala cad, ka beenta kuugu sacab-tumay, kuu jaan-duugay howl aad ku aamintay iyo ka aan waxba lagu soo gaarin ee ka hodmay hantida kuwii lahaa gaajo iyo oon uga la’anayaan. Kaa dib ha u howl gelin, xataa hadduu yahay wadaay ama xigto dhow.

Xurmadle, hoggaaminta toosani, waa ta hoggaamiyaha ku hagta doorashada kaaliyeyaal uumiyaha ka cabsada, xilkasa, aamina, damqasho le, deegsi ah misana aqoon le, oo howsha kula dhirindhiriya. Ha isku wareejin duuflaal, dhibaal maahee, dhibic kugu kordhin.

Xurmadle, ku dhac qiimo lahaa, oo la idiin diiwaaniyey adiga iyo wasiirkaagii kowaad, Saacid, waa kii aad xukuumaddii berigaas ugu dhisteen xubnihii wasiirrada ee 10ka ahaa. Tallaabo dheeman ah oo beekhaamin salka ku heysay, nagase dhicisowday bey aheyd. Madaxweynow, iyadii boodha dib maad uga jafto, oo aqool xumada na saldhigatay naga badbaadiso.

Haddaan Isirkeyga aqaanno, qaar baa odhan doona, maxaannad u milicsan gol-daloolladii berigaa, waxan leeyahay; “Wax dhacayba Xalay dhalay aan ka ahaanno” dib u saxidna fursad waa loo helay.

 

                   Go’aankaaga Abaaraha iyo Somaalida waqooyi

 

Adoonba laguu caleema saarin xilka inaad magacawdo labada ergey oo miisaankaa le, xilkooduna yahay inay la tacaalaan laba dhibaato oo bulshadeenna kar weyn ku haye, waa tusaale cad oo daaha ka rogaya sida labadu hurdada kuugu diideen adoon hubin in xataa lagu dooran doono. Waa dareen waddaniyadeed oo is-ballaqay.

Ma hubo inuu Shariif xilkaa aqbalay iyo in kale, CC/Shakuurse durba waa guda galay Abaaraha iyo xogtooda, xaaladdana waa ka ku sifeeyey mid “murgsan” warbixin uu majalladan siiyey, loogana bogan karo isla cadadkan. Go’aan soo dhoweyn ballaaran ka helay bulshada buu noqday.

Madaxweyne, cudurka Somaaliya haye maaha kii Iilka u dirayey, bal waa mid u baahan la tacaalid mudda qaadata, hadduu helo takhaatiirtii aqoonta gaarka ah u laheyd. Adigu maanta madaxa takhaatiirtaa kor ku xusan baad tahay, kala soo bax bulshada qaarkii camaliyaddaa culus kaa saacidi lahaa.

 

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay ra'iisul wasaaraha cusub - Caasimada Online

Wasiirka Koowaad (bidix), Madaxweyne Xasan

 

Durba waxad la soo baxday takhtarkii kugu xigi lahaa, waa wasiirkaaga Kowaad Xildhibaan Xamsa Cabdi Barre. Barre, inta majalladani ka taqaan, waa nin jaalkaa ah, mudda aad soo wada shaqeyseen, xilkasa, aqoon-yahanna ah. Xulashadu waxay u muuqataa mid booskeedii dhacday, la rajeynayo in afkaartiinnu is-waafaqdo, si dalku u helo deganaasho siyaasadeed oo uu ku wajaho dhibaha is-dul-fuulay ee dadka iyo dalka haya.

Talada majallada Warsan kugu biirin laheyd!

 

Madaxweyne, dhibahan is-cuskan, u maaro heli meysid haddaannad Allaha koonkan noolaha ku camiray iskana le. Talooyinka majalladan kugu biirineyso mid umbey ku uruurayaan, haddana waa labo:

 

  1. A) Adiga, wasiirkaaga kowaad u safra Kacbada, Dhagaxa Madow qolkiisa gaarka, sida wararku leeyihiin, waa loo oggolaadaa madaxda dunida Islaamka kii weydiista inuu Alla halkaa ugu gaaroobo. Gala oo Alla kula showra niyad saafiya, isu bihin-bihiya, aad u tuuga, (isagoo Alle og) haddana uga warrama dhibaha ummadda xilkeed siddaan dugsato, idinkoo ku fogaanaya tuugmada. Xadiith sugani, waa ka le “Addoonkeyga taako ii soo dhaqaaqa, baacaan u dhaqaaqaa”
  2. Soo nabad-noqoshadiina, waxad amartaa isu soo bax Alla bari oo ka koobma bulshada qeybaheeda, kana qabsooma garoonka ciyaaraha Xamar oo ugu yaraan qaada 60,000 qof. Kala qeybgal, inta qibllada la wajaho, adigu Alla bariga hoggaami. Waxan hubaa inaad iiga aqoon badan tahay, baryada Alla ee uu hoggaamiyuhu horseedo beddelaadda ay keeni kadho iyo sida ay kuugu sahli kadho gudashada waajibaadka. Alla ha ku waafajiyo, hurdana waqti u hel, assiibidda go’aanka saxa ah bey horseed u tahaye!

 

Qalinka: Nuur Cilmi Xalane

Tifatiraha

 

 

Related posts

Kuwait calls on OIC to address Islamophobia in India

warsan

Anatomy of a disinformation campaign: The coup that never was

warsan

UN Official: US Blacklisting of Houthis Means ‘Death Sentence to Hundreds of Thousands’

warsan