32.5 C
New York
August 7, 2022
Cover

Ergeyga Abaaraha: “Ma helaayo ereyo aan ku cabiro waxa aan arkay”

Julaay 11, 2022

 

“Roobkii loo bartay marka la waayo, wax la beeran waayo, dadka iyo xooluhuna biyo iyo baadba waayaan, abaaraa ku heysa. Abaar dowlad umbaa la dagaalmi kadha”. Tacab-yaqaan Baafo

 

Majallada Warsan ayaa la kulantay u qeybsanaha arrimaha Abaaraha ee madaweyne Xasan Sheekh maxamuud.

 

Waxa leygu dhoweeyey qol hawada loo qaboojiyey, kuraas aan badneynna taal. Muddo kadib, Cabdiraxmaan baa soo galay (CC/Shakuur dusha waa ka aqiin, maalintaa ka horse isma-qaabilin) oo aan mooday inuu aniga ii socdo. Iimma soconine, intuu i bariidiyey ayuu salli miis hoostii kala booday, salaadna galay. Alleylehe waa ka tukaday salaadda culimadu ku sifeeyaan tii Nabi Muxamed (CSW). Salaaddii marku faaruqay isagoon dhinacnna eegin, waa ka deg deg qolkii uga baxay, anna anfariir iyo dhabanno-heys iiga tegay.

Gacan-yarayaashiisa mid ka mida ayaa ii gacan haadiyey, ina geeyey qol aad uga ballaaran kii aan fadhiyey oo aan ugu tegay CC/Shakuur. Mar dambe ayaan ka war helay inaan ergeyga loo sheegin qofka loo ballamiyey ee uu qolka uga soo tegay inuu aniga ahaa.

Sawirro: Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Abaaraha oo gaaray Doolow | Shabelle Media Network

Dhibtu caruurtey ugu daran tahay

 

Mas’uuliyadda lagu raray ergeyga maaha tu cid waliba qaadi kareysay, go’aanka loogu aaminayna u eg mid feker badan la geliyey, waayo waa shaqsi ay iiga muuqatay diyaarsanaan, kalsooni, biseyl, aqoon iyo jajabnaan uu ku maareeyo xilka iyo cidda loo adeejiyey sabata bixinteeda. Ergeyga, waxa laga dareemayey saameynta culeyska musiibada iyo ogaanshahiisa sida aaneyn ugu suuroobeyn isaga, qaranka in xaaladda degdeg looga jawaabo, dhaqaale-darrada jirta awgeed.

Abaarta waxa loo qeybiyaa, mid dheer oo muddo jirta iyo mid socota waqti gaaban. Abaarta halka fasal ku qabsataa, waa loo adkeysan karaa, weliba beeraleydu aad uma dareento, oo waxay cunaan keykooda. Hadda waa mid dheer, mudda soo jirtay, gobol kasta ee dalkan ka mida maanta Abaar ayaa heysa, haba u kala darnaadeene.

Abaartii, 1991-2011kii, waxay dishay 150,000 qof, oo la badbaadin kari lahaa, haddii dalku leeyahay dowlad awoodle oo dadkeeda iyo dalkeeda mas’uuliyaddiisa dhabarka u ridata, tani taa hore kaba culeys badan. Ururrada samofalka, ayaa looga tegay musiibada baaxaddaa le, cidna mey badbaadin kareen, waayo, waxa maqnaa, cid hormuud ka noqota gurmadka agaasinkiisa. Maanta, CC/Shakuur ayaa horseeda, bilowgana yididiilo fiican ayaa ka muuqata.

“Wallow aanan wax badan kala socon waxyeellada Abaarta, haddana waxa aan arkay ama leygu wargeliyey intii ley magacaabay, waa wax argagax le oo aan la heleyn ereyo lagu sharraxo. Waa ummad muddo dhabarka loo jeedinaayey, dhanna uusan u fayoobeyn, oo aan helin cid ugu yaraan ugu qeylo dhaamisa dunida. Waan u eedoownnay ummaddeena, waa la dayacay” ergeyga ayaa yidhi.

 

Sawirro: Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Abaaraha oo gaaray Doolow | Shabelle Media Network

Socdaalkii ergeyga ee tabaalada ka jirta dalka

 

Malaayiin Somaali ah, ayaa maanta ku ceyroobay Abaarta, oo sugaya in la taageero, dowladda iyo shacabka Somaaliyeed, howl ayaa u taal, haddii la doonayo in la daba-qabateeyo dadka iyo xoolaha wixii ka haray. Mujtamicii dhaqatada ahaa, ee miyiga ku noolaa, ayaa sabool noqday, wixii geeri baxsadayna, waxay u soo jabeen magaalooyinkii, oo ay saareen culeys ka weyn ka magaalado qaadi karto, waa musiibo kale oo aan Abaarta ka liidan, oo noo martiya.

Abaarta waxyeelladeeda, waxa sii murgiyey, webiyadii lagu fakan jiray oo qallalay. oonka iyo gaajadu isku-si,ayey hadda dadka iyo duunyadaba u laayaan. Caruurta iyo haweenkuba ha badnaadaan.

Ergeygu hoosta waxa uu ka xariiqay, in aan laga jibba keeni karin musiibadan baahday, haddii aaney dowladda Somaaliyeed qaadan masuuliyadda hoggaaminta dhaqaala-uruurinta, kor-joogteynta iyo hubinta habka loo gaarsiinayo mucaawinada dadka u baahan, si aaney ugu dhicin gacan kale oo leexisa.

Dalku waa qani, in gaajo la maareyn waayo salkeed waa dowlad awoodle la’aanteed. Baahidu, waxay tahay dowlad qorsheysa, falgelisa hannaan qarameed oo wax soo saarka gudaha lagu kordhinaayo, howlgelisa wasaarad-beereed aan ku milmin samofallada shisheeya, oo sida warbixinno soo baxayey sheegayaan qeyb ka ah, in dalku wax beeran waayo, beeratadiina tuugsi u qaabeeyey halkii beerasho lagu gacan siin lahaa.

Dhulku isbeeri maayo, Baddu kheyraadka soo tuuri meyso, Macdantuna is-qodi meyso, dadkiina waa joogaa. In dadka ilaha isku fillaasho cunto xaqiijiya loo duwa ayaa Abaar looga hortegi karaa, keyd cuntana lagu xaqiijin karaa. Waa laakin, marka la helo xukuumad oodda u jiidda danta gaara, gacan birana isaga qabata shisheeyaha aan danteenna wadin.

Xaqiiqa weeyaan in cid dalkan u maqan, oo aan dadka iska le aheyn jirin, waxadse moodda in dalku aad ugu mashquulay siyaasadda, iyadiina weli la xasilin la’yahay. Dadku waxay noqodeen “Hal nin gurrani tumay dhanna uma fayooba”.  Maanta, waxa la warinayaa in 7.1 milyan oo Somaali ah qarka u saaran yihiin macluul, 3 milyan oo neefna ay Abaartu soo dileysay tan iyo sannadkii 2021kii. Xoola dhaqato ma dhaqna.

Ergeyga gaarka ah, oo ka jawaabayey su’aal aheyd: Ma ku talineysaa in musiibadan iyo kuwa kale ee dalka halakeeya loo dhiso hey’ad u gaara? “Waxa dhisan wasaarad iyo hey’ad musiibada qaabilsan, laakin midna facaal maaha, oo haddey yihiin marqaati kameynnu ahaaneyn maanta xaaladdan qallafsan ee na hortaal”. Mid facaala ha la dhiso!

Sawirro: Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Abaaraha oo gaaray Doolow | Shabelle Media Network

Socdaalkiisii Doolow

 

Ergey Cabdiraxmaan Warsame, waxa uu Warsan u sheegay in howsha uu wadaayo inta laga baxayo xaaladdan deg degga ah, lana xasilinayo musiibada, dibna loogu qaabeynaayo hey’ad howsha hanata.

            AQOOL- XUMO ABAAR GUUREYSA KA DARAN

 Mid baa wediintan keenay; “mid la yeeshay, wax ma yeeshaa”. Weydiintan warcelinteedu maaha mid tuujin-maskaxeed u baahan. Mid la yeeshay, waa mid la addoonsaday. Addoonsigu kaliya maaha in awooddaada-jireed la quuto (beer lagugu qoto, cuntada kariso iyo wixii la mida), waa lagu addoonsaday haddaad noqoto mid loo-yeeriya ah oo maskaxdiisa la baqtiiyey, inay fekertana loo diiday.

Saan-caddaha wax ka qoray jinsiga Somaaliga, dhiifoonaan iyo garaad sarreeya buu huwiyey, meelo badan oo taariikhdiisa lagu xusayna waad ka heli tilmaamahaas iyo qaar kale. Dhiifoonaan iyo garaad-sarreeya ma oggola in lagu yeesho ama loo-yeeriye ahaato. Haddii odhaahda le “dad waa dadkii hore, hadalna waa kii uu yidhi” heshiis lagu yahay, jiilka maanta jooga in la yeeshay markhaatigeed weeye ama kudlad in la yeesho oggol ayaa loo af-duuban yahay!

Sokeeye-dagaalkii kadib, shirarka siyaasadeed ee na loo xareeyo illaa maanta go’aan cid kale noo qaadatay oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ayaa na la ku raraaa, fulinaana. Tastuurkaa tusaale noogu filan ee noo dhalay 4.5. Mid dhiifoon, garaadkiisuna sarreeyo miyaa oggolaanaya dadkeygu waa Afar iyo badh(4.5)? Maanta waa inanga ku dhaqanna.

Tastuurka Afar iyo badh (4.5) noo dhalay, caddaalad-darro iyo aqool xumaa ka beermay, iyagiina waa kuwa Abaar noogu curtay, Abaarna musiibo qaran, kaliftay in la magacaabo ergey la tacaala iyada. Tastuurka isaga maxaan loola tacaaleyn?

           SIDEYBEY ISULA FAL-GALAAN 4.5, AQOOL-XUMO, ABAAR

Tastuurku 4.5 xuquuq siman oo wax qeybsi ayuu siiyey, si loo qanciyo xubnaha 4.5, waxay kalliftay in la laba laabo, saddax laabo ama afarba meelaha qaarkood hey’adihii dowladda. Laba gole shacab (325), golaha xukuumadda (80 ama ka badan), tira xad-dhaafa oo agaasimayaal guud, tira xad-dhaafa oo la-taliyeyaal ah, adigu ii dhameystir.

Miisaaniyadda qaranka, waxa lagu kabaa deyn iyo tuugsi, si aan loo meel deyinna waannu ku baxdaa. Wasaarad yar (Ciyaaraha tusaale)  ayaa waxa jooga wasiir, wasiir-dowlo iyo wasiir- ku- xigeen, agaasimayaal iyo tiro la taliyeyaala. Marka shaqada dibadda laga dhigo saraakiishan hantidii qaranka ee ay hayeen toodey noqotaa, kolkaasaa dowladdu kuwii beddelay ku qalabeysaa (gaari, guri, xafiis). Cid ilaalisa ma jirtaa hantida dowladda, mid loo ciqaabayse ma jiraa?

Waxa la raalli geliyey, oo shaqo loo abuuray shaqsiyaad magaca 4.5 ku yimid, wakiilna ka ah dadweynaha. Gole shacab oo mid looga kaaftoomi karayey ayaa laba laga dhigay- aqool-xumo dhe, gole wasaaradood oo 15 xubnood laga dhigi karay ayaa la saddax laabay- aqool-xumo dhe iyo kuwa la mida.  Dowladdii ma heli kadho kharsh ay ugu adeegto bulshadii ashkhaastan guriyey khannadii dowladda wakiilka ka ahaayeen, welibana laba laba jago ayaa leysugu daraa. Waa xildhibaan, haddana wasiira iyo wixii ka sii hooyeeya. Garaadkiisu sii maayo inuu kuwa uu matalo ah mid ka mida oo aan shaqo heysan inuu u tanaasula. Bal sawiro maskaxda sidaa wax u go’aamineysa.

Abaaar ma maqnaan kadho marka geedaha la jaraayo, cidna aan loo ciqaabin, Abaar lama dagaallami kadhid haddaanad dhulka beeran, Badda kalluunka kala soo bixin, dhulkana macdanta ka qodan.

Waxa nasiib wanaaga in madaxweynihii iyo wasiirkiisii Koowaad ee ku dhiiraday in gole wasiirro oo kooban la dhiso, uu maanta madaxweyne yahay. Madaxweyne Xasan Sheekhow kartidii aad adiga iyo wasiirkaagii Koowaad Cabdi Faarax Shirdoon ku qaadateen go’aankaas taariikhiga ahaa, maanta, maalintaa waa looga baahi badan yahay. Hirgeliya oo qaranka u beekhaami inta yaroo la heysto, si ay idiinku suurowdo inaad xataa tira yar ka badbaadisaan dad sida ayaxa Abaarta iyo cudurradu u leynayaan. Ergey Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Warsan waxay kaa codsaneysaa inaad dhambaalkan gaarsiiso madaxweynaha.

 

Qalinka Nur Cilmi Xalane, Soo saaraha, tifatiraha Majallada Warsan

 

Related posts

Did Africa truly sell Africans into slavery?

warsan

Turkey to send security delegation to Moscow to discuss Libya

warsan

TRIBALISM: THE CANCER IN OUR MIDST

warsan