21.2 C
New York
June 2, 2020
Popular

Ma Saadaad-Kii Geeska Afrikaa

Cidna sugi meyn in siyaasadda Itoobiya sidan xowliga ah isu furfuri doonto, isbeddelkan xooliga ku socdana uu iman doono. 41 jirka, aadka u firfir coon ee CAABBI Axmed, waxa uu u muuqdaa rajo u soo bidhaantay Itoobiya, gobolka iyo qaarradda oo dhan. Weji cusub ayuu u yeelay siyaasaddii Afrika ee mushkiladaheeda siyaas adeed iyo dhaqaale shisheeyuha xalka looga raadi jiray.

Go’aamo adadg ayuu gudaha durba kaqaaday, isagoo daaqadda tusay rug-cadda  siyaassada Itoobiyana muddo soo maamu-layey. Waxa uu ku xijiyey saraakiil ciidamada darajooyin waaweyn ku lahaaa. Somaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya mushkiladoodii ayuu suux-uyey, madaxdoodiina laabta saaray. Eriteriya
iyada dhul looga qabsaday dagaalkii labada dhinac ku dhex maray xuduudka ayaaba uu  iclaamiyey in Itoobiya xurmeyneyso go’aankii maxkamada aalamiga ahi ay Eriteriya ugu xukuntay kal hore.

MUCAARADKII XAGGEE MARAY

Itoobiya maanta mucaarad male, waayo,dhamaantood xabsiyada ayuu ka sii daayey, kuwii cararayna ballanqaad ayuu u sameeyey u oggolaanaya inay dalka ku soo noqon karaan.
Ra’iisal wasaare Caabbi Axmed sumcaddiisu,waxay cirka martay muddo 3 bilooda, kadib markii uu meel adag iska taagay kooxo iska soo horjeeda oo dalka gudahiisa ah.

Waxa la qabaa in aayan jirin maalin ay Itoobiya ka mideysan tahay. Ra’iisal wasaare Caabbi, waxa u riyaaqay dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed madaxda  gobolka, kadib markii uu horseed ka noqday in la damiyo, meelna leysu keenno Silfa Kiir iyo Rik Mashaar oo koofur Sudaan ka dhigay goobta geerida. Go’aan fajacisa ah ayuu ka qaatay Eriteriya, oo ka qoslisiiyey Afawerki oo aan abid la arag ama warin isagoo qoslaya, kadib markii uu booqasho aan hore loo sheegin ku tegay Casmara.

Miiskii lagy nabadeeyey Itoobiya iyo Eriteriya

 

Somaaliya madaxweyna-heeda ayuu laabta saaray, ballan-qaad in laheshiiyo, waxna la wada qabsado inay muhiim tahayna waa uu kula dardaarmay.

CAABBI IYO NABADEYNTA GEESKA
Geeska Africa oo ay Ood-wadaag ku yihiin, waddamada Somaliya, Itoobiya, Kenya, Eriteriya iyo Jabuuti, waxa dhex yiil/yaal colaado qaarkood ay qarnniyo gadaal iska mariyeen, qaarna sannadadii ugu dambeeyey abuurmeen. Waxa ka mida kuwa u dhaxeeyay Itoobiya – Eriteriya iyo ta weli aloosan ee Eriteriya
iyo Jabuuti. Ta Somaaliya iyo Itoobiya, waa soo jireen qarniyo gadaal iska marisay. Waxa la moodaa in Caabi howshiisa ugu horreysa een uu isu diray tahay, inuu nabadeeyo Itoobiya, kadibna geeska- waa Somaaliya, Eriteriya iyo Jabuuti oo intaba dana dhaqaale iyo kuwa  siyaasadeedba uu ka leeyahay.
Su’aashu, waxay noqoneysa, ma ku guuleysan karaa, isaguse ma yahay nin le kartidii iyo farsamadii looga mira dhalin lahaa colaadahan gaamuray ee gobolka ka dami waayey?
Inta aanaan falanqeyn, su’aasha, waxan filayaa in aqristuhu xaq u leeyahay in horta la baro Caabi Axmed ka uu yahay iyo taariikhd-diisa waxbarasho iyo shaqo.

Dhulka aan dooneynno inaan maqaalkan ku dhisnno, oo yar awgeed, waxan dul marey-naa Caabi taariikhdiisa shaqo, waxbarasho iyo qof ahaan ka uu yahay. Kow, waa ninkii ugu horreeyey ee Qowmiyadda Oromada ka soo jeeda, oo xisbiga talada dalka soo hayey 27kii sano ee tegay madax ka noqda, waqti gaaban kadibna, waa ka xafiiska wasiirka kowaad loo dhaariyey.

COD KAR, LANA AAMINI KARO

Dhallinyarannimadiisii, waxa la wariyey inuu Caabi ka mid ahaa dhaqdhaqaaq-dhal-linyaro oo diidanaa kooxdii Mingistu dadka u leyn jirtay, ee la odhan jiray “RED TERROR” kadibna waxa uu ku biiray ciidamada illaa uu gaaray darajada gaashaanle. Waa ka qeybga-lay dagaalka uu boogahiisa hadda dhayayo ee xuduudka Itoobiya iyo Eriteriya.

Seyum Teshome, oo ah, nin u dhashay Itoobiya, qoraa ah, jaamacadana duruus ka bixiya, marna la xiray, ayaa waxa uu ku dooday in Caabi marka ugu horreeyaba mucaaradku raacsan yihiin misana aaminsan yihiin, isagoo raaciyey; “Waa nin cod kara, haddana la aamini karo”

Caabi, isagoo madax ka ah, qeybta daba-galka dadka Aalladda internet-ka waxyee-lada ku geysta ee sirddoonka Itoobiya ayuu inta ka tegay, siyaasadda ku biiray, kadibna madaxda sare ee xisbiga OPDA ka mid noqday. Aqalka wakiillada ayuu galay, oo uu uga sii gudbay, wasiir ka tirsan xukuumada federaalka. Caabi, waa nin shacab Itoobiya jecel yahay, gaar ahaan dhallinyarada, haseyeeshee, wey jirtaa mucaaradado uga soo wajahan gudaha. Dagaallo-beeleedyo ka soo cusboonaaday degaamada Oromada iyo Somaalida ayaa iyana soo kordhay oo Caabbi sugaya inuu xal u helo. Dad diiddan ayaa kicinaya baa la leeyahay.

Caabi, dadka siyaasadda falanqeeya, waxay

ka aaminsan yihiin inuu booska uu maanta joogo, isu soo diyaarinayey muddaba, soona aqristay buug kasta oo siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada looga falanqooday. Waa nin aad ugu fiican sida qulqulatooyinka loo dejiyo, geesiya ah, oo dhul adag ku taagan. Caabi, waxa la leeyahay yool baa u asteysan, oo ku saabsan Geeska iyo Afrikaba. Su’aashi aheyd, mashruucan inuu isu diray la aaminsan yahay, gaar ahaan nabadda geeska, ma ku guuleysan doona haddaan dib ugu laabanno, dad badan ayaa aaminsan inuu horta damin karo mushkiladaha dhex yaal Eriteriya iyo Itoobiya iyo ta Eriteriya iyo Jabuuti, oo hadda la warinayo inuu durba u kala dabqaadayo. Jabuuti iyo Eriteriya waxa ka dhaxeeya muran xuduudka ku saabsan .

 

Ta Somaaliya, waxa la qabaa, inay u baahan tahay dhaymo muddo ah, oo waqti qaadata, sababtoo ah, wey ka murugsan tahay kuwa Eriteriya iyo Jabuuti. Maaha inaan xal loo heli karin, laakin, waxay u baahan in oodo-dhaca-meed midba mar la qaado.

 

Waa run oo maaha kitaab samaawiya, oo waxa ku qoran aan la beddeli karin, oo xal waa loo heli karaa, laakin waxay u baahan

hoggaamiyeyaal dhiirrada, geesiyaal ah, yool le, oo ay ka go’antay inay qaraar adag qaataan, xalna keenaan. Waa inay ka bilaabato in marka hore olole loo galo sidii labada shacab leysu fahamsiin lahaa, deris aan kala guureyn inay yihiinna loogu tusi lahaa, loona baahan yahay in labaduba bartaan sidii nabad leysla noolaan lahaa.

 

Ma hubo, in labada hoggaamiye ee waqti-gan, arrinka xal kama dambeysa u heli karaan, bal, waxan huba inay heystaan fursad ay wax ku bilaabaan. Caabi, waxa ka muuqata inuu yoolkaasi u asteysan yahay, bal, waxay u bahan tahay, inuu la yimaado tallaabooyin cad cad oo marka hore uu ugu howl-gelaayo in Somaaliya la nabadeeyo, Itoobiyana, si qalbi furan uga qeyb gasho, Somalidana tusiso inay arrinka daacad ka tahay. Farmaajo, waxa uu la daalaa dhacayaa amniga gudaha, cid kasta oo gacan runa ka siineysana, inuu soo dhoweynayo waa rajo aan qabo.

 

Caabi, waxa uu jebiyey derbi ku gudbanaa in Afrika aaney dhexdeeda is xallin karin, kuwii derbiga gadaashiisa ka maamuli jirayna kooma ayuu geliyey. Caabi maaha inuu arrinkaa gadaal ugu noqdo, ma fududa, laakin waa suurowdaa inuu ka mira dhaliyo.

MA SAADAADKII GEESKA AFRIKAA

Geeskani, waxa uu u baahan yahay Anwar Saadaad-kii Bariga dhexe, wallow kuu ku baxay Anwar, haddana nabad ayuu u reebay Masartii dagaal u joogtada aheyd. Qiimahaa in lagu bixiyana wey astaahishay, oo waxay dagaal ka af-jartay malaayiin labada dhinaca ( Masar iyo Israa’iil).

 

Farmaajo, waa inuu doorkiisa qaato, in kastoo saxankiisu buuxo, haddana, waa inuu la yimaado siyaasad u eg taa Caabi, una adeegsa-do marka hore inuu ku daweeyo mushkiladda Somaaliyeed ee sii fideysa. Tuka raq, xal bey ka rabtaa Farmaajo. Caabbi adigana Saadaad-kii geeska Afrika waad ahaan kareysa, nabadna waadu soo hoyn kadhaa shucuubta gobolka ee dagaal u joogga ah. Hore u soco

 

Related posts

ARE SOMALIS LOSING THEIR IDENTITY?

warsan

The headache of sending money to and within Africa

warsan

5G AND THE CONTROVERSY

nur

Leave a Comment