19.6 C
New York
September 27, 2020
Popular

Maareynta Damaca Shisheeye

 

Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo badan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaasaba.

Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan, kuna taala meel aad muhiim u ah (bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton wuxuu yiri 1855 tii, “ Berbera waa albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Badda Cas waana xuddunta marinka Bariga Afrika”. Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata faragalinta iyo damaca shisheeye.

 

Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulballaarsi iyo is-adoonsi. Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono.

 

Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boortuqiisku qabsaday furdada Baraawe sanadkii 1506dii. Qabsashadii Ingiriisku qabsaday goballada Waqooyi gugii 1884kii iyo qabsashadii Talyaaniga qabsaday Banaadir iyo xeebaha u dhow sanadkii 1892dii.

 

Dhinaca kale faragalinta dadban waa mid sharciyeysan ama idan laga haysto garwadeenka Soomaalida iyo urrurada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay ama IGAD. Faragalinta noocaana waxaa sabab looga dhigaa arrimaha ay kamidka yihiin gargaar binii-aadannimo maalgashi, ladagaalanka argagaxisada iyo burcad badeedda iwm.

Intaa waxaa dheer deeqda siyaasadeed oo iyadu ah aalad loo isticmaalo difaaca dannaha dawladdo. Deeqahani waa halbowle-gooys hortaagan horumar iyo in la helo hannaan hagaagsan oo ku dhisan isku-tashi. Gacanhoorsigu wuxuu sababay kutiirsanaan aan dhammaan, musuq iyo maamul-xumo. Madaxweynaha Gaana Nana Akufo-Addo mar uu isaga iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron lahadlayeen saxaafadda ayuu yiri, “ daw ma’ahan in aan dulsaar ku noqono dadkiina oo cashuurta ay bixiyaan biil ka dhigano”.

Sidaa si lamid ah, Dembisa Moyo oo macruuf ku noqotay buuggii “ DEAD AID” waxa ay qabtaa in deeqda dibadda ee dawladaha qaniga ah aysan xal u ahayn xalinta mushaakilaadka dawladaha soo koraya. Waxay Dembisa ku dooddaysaa “ Ilaa iyo lixdinkii sano ee ugu danbeeyay in reer galbeedku in ka badan 1 tiriiliyan oo doolar oo deeq horumarineed ah siiyeen Afrika. Balse dhib maahee aysan Dheef ka helin”. Dembisa waxay ay sheegtay in lacagaha deeqda ah aanan la marsiin nidaam daahfuran. Siddoo kalena aysan jirin xisaabbi xilmaleh iyo hay’ado awood leh oo la xisaabtami kara kuwa xada xoolaha dadweynaha.

Hagaag, waxaa beryahan la hadal hayay Berbera iyo Beled-xaawo oo ay soo damaaciyeen dawladaha Isutagga Imaaraatka Carabta iyo Kiinya. Ma ahan markii kowaad xiliga jahliga iyo jahwareerka oo arintaanoo kale ay dhacdo. Balse dhawaqa arintaan gaar ahaan tan Berbera wuxuu gaaray dhul dheer. Waxay noqotay wax lala yaabo oo cidkastaaba afka gacanta saarto. Is-afgaradka maalgashi ee dhexmaray DP World, Itoobiya iyo Soomaalilaand waxba umma hambayn dadka Soomaaliyeed.

Waxaa boqolkiiba 70 saamiga qaatay Imaaraatka iyo Itoobiyaanka. Waxaa kaloo arrinta cirka u shareeray saameynta siyaasadda gobolka iyo Khilaafka Soomaalida dhexdeeda yaal.

Dalkaan waligiisba waa la soo damaaciyi jiray. Inteey doontaba ha qaadatee, dadka Soomaalida waxa ay ahayeen kuwa guuleeysta aakhirkana u hara dalkooda.

Dadka Soomaaliyeed dhiillo wey dhexmari jirtay dhexdooda balse dalkaan wey ka difaaci jireen damaaciga doolka ah. Waxay garab iyo gaashaanba siin jireen midnimada iyo madax-banaanida. Maantay xaalku wuu ka duwan yahay kii hore. Ma maqashay qofkaan dal hebel baa wata?. Ma maqashay ciidankaan dal hebel baa soo barbaariyay oo biila? Ma maqashay meeshaas lama agmari karoo qoley u meeran-tahay? Salaan Carrabay (AUN) gabaygiisa Mine waxaa ka mid ah “Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye”. Waxa ceeb iyo cadaab meelkasta ina haysta waa wax aynu inagu mas’uul ka nahay.

 

Waxaa lama huraan ah intey goori goor tahay in la caymiyo waxa dalkaan u haray ha ahaato dad, duunyo ama degelba. Waa su’aal da’ weeynee yaa dalkaan dabaqabanaya? Ila ma’aha siyaasiga hadda jira! Badankood waxa ay usoo joogeen waxa qarankii burburiyay.

Waxa ayna u fekarayaan siddii shalay. Iyada oo masiirkii ummada mool ku siidhacayo ayay mooshin iyo majaxaabin dan moodeen. Waxa la garan la’ yahay inta aan la gaarsiin dagaalka meesha ugu danbeeysa in la helo aalad ama nidaam lagu saxo qaladka iyo khilaafka.

Haddaba dalkaanu wuxuu u baahan yahay kasmo cusub oo dalkalkaal ah. Ugu horreyn waa in la helaa dad u damqada dalkaan(tempered radicals). Dadkaasina laga dhex helaa garwadeen aan ka baqayn gaajo iyo geeri. isla markaana ay noqdaan kuwa hufan oo u hagarbaxsan hawsha loo idmaday. Dadkuna ka filaan figrado maangal ah oo macne muwaadinimo gudbiya.

Figraddahaasuna ay dhisaan garaadka siyaasad-dhaqaale ee bulshada si looga badbaado QAWMIC (Qabyaalad, Aqoon-xumo, Wadaniyad la’aan, Musuqmaasuq , Isku halayn iyo Cadaaladdaro). Qofkii u qaboow in aan gob nahay waxaan u gumeeysanahay garaad xumadeena iyo gacmo shisheeye.

 

Xasan Yusuf Waal

 

hassaneksaato@hotmail.com

Related posts

WHO IS STARVING SOMALIA POPULATION?

warsan

DA’DA GUURKU WAA I IMMISA

nur

Somali coffee farmers vexed by poor roads and transport in mountain areas of Sanag

warsan

Leave a Comment