The Warsan
Cover

Khatarta weedha “Dadka Afsoomaaliga ku hadla” iyo Cunsuriyiinta Faafsha

Waayaaha aduunyada wacyiga aynu hada joogno wuxuu ku barayaa inaad waxyaalo badan u noqoto makhraati, dadyawga aadanaha ee dalalka xorta ah midkastaa wuxuu lee yahay wax uu hiigsado oo uu ka doono meel kale, dal kale ama qaarad kale, waxaa jira wax ay ayaga gudahoodu isku qab qabsadaan ama Afrikaan dheh ama Uruba dheh, ama Carab dheh ama cajibaa kale ba dheh.

Waxaase jira gundhig sal-adag oo lama ruxaan xagooda ka ah, hadii la soo agmarana badankoodu ay budhka kuwada saarayaan, waana wadajirkooda iyo waxii dhaqan ah ee ay mase ka yihiin.

Bulshooyinka ku teedsan darafyada Soomaaliya ee dereska la ah, dalalka madax banaan sida Kenya iyo Ethiopia midkastaa wuxuu ka kooban yahay qoomiyado, intaynaan dalalkaas tusaale u soo qaadan aynu horta dhahno waa maxay kelmeda Qoomiyad.

Qoomiyaddu waa dad mase ka ah Afka, midabka, dhaqanka iyo hadii la doono qaar ha ku kala baydheen diinta, waxase asalka u ah Qoomiyad waa inay yihiin dad isku sinji ka farac meel ka soo wada jeeda kuna kala Aroora, Qoomiyaddu laamo gaagaaban waa yeelan kartaa, Juffooyin iyo kala abtirsina waa u kala faafi kartaa.

Hadaba labadaas dal waxa ku nool Qoomiyado kala duduwan, Kenya 40 Qoomiyadood baa ku dhaqan waxaynu ku kala hadlaan afartan Af, waxayna kala lee yihiin afartan dhaqan, waxase mideeya luqada Swahili loo yaqaano, waxa jira oo aan anigu indhahayga saaray dad badan oo Kenyan ah oo aan aqoon luqada Kiswahiliga, maxaa yeelay afkale, dhaqan kale iyo Qoomiyad kale ayuu/ayeey ku abtirsadaan.

Ethiopia warkeedaba daa, Hadaba dulucda aan u soo laabanee, Luqadda Kiswahiliga waxa kaloo lagag hadlaa dalal badan oo bartamaha iyo bariga Afrika ah, waana luqad cidkastaba lahaanshaheeda ha sheegatee dadka ku hadlaa badankoodu barteen, ama dheegteen ama Madaraso iyo dugsiyo u galeen, intaan dalalka Tanzania, Uganda, Kenya iyo kuwa kale tegay weligeey ma maqal dadka Kiswahiliga ku hadla!!!.

Hadana hadii aan maqli lahaa lama yaabeen,waayo waa kala qoomiyado dadka ku hadlaa waa kala Nasab waana kala Jinsiyad, balse isumaba quudhaan taas ayada ah.

Dadka AfSoomaaliga ku hadla odhaah cunsuriyeed u baahan dagaal dhaba oo lagu qaado.

Weedhan salkeeda cida sameysay waa lagu muransan yahay, dad magacyadooda lagu sheegay ama tuhmay inay soo tuureena waan ka xishooday inaan magac-dhabo anigoon maalin aakhiro iyo mid aduun , marag cad u haysan. Hase yeeshee qofkii ugu horeeyey ee weedhaas muhindisay waxan odhan karaa waa Qaabiilka Soomaalida,  wuxuuna aniga iiga dhigan yahay Qaabiilkii walaalkiis Haabiil dilley , masayr dertiis, kan weedhan sameeyeyna waa ruux u yeelay sidaas ka maseyridiisa Soomaali wadajirkeeda iyo wada socodkeeda.

Kuwa faafsha waxay noqonayaan danbiilayaal, ayagoo u kala soocon qaar aqoon darro iyo Aradnaan dhanka Afka hooyo ah ay hayso oo aan aqoonin weedha ay gudbinayaan dhibaatada ay qalbiyada Soomaalida ku abuuri karto iyo waxyeelada maskexeed ee ay caruuraha ay afka ugu ridayaan gayeysiin karto, hadeey jiraan dad Afka Soomaaliga ku hadla, balse ka soo jeeda Belaha Kikuyo, Oraga, Oroma, Amhara, Kalange, Tuutsi, Hawsa, Fulaani , Sarma iyo qaabika kale ee Afrika hanalaga jaahil saaro , hana naloo cadeeyo inaysan Soomaali ahayn oo Qoomiyadda Soomaalida ku jirin aan ogaanee, dadka ku dooda Jabuuti ma Soomaalibaa, Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ma Soomaalibaa Soomaalida waqooyi Barri Kenya ma Soomaalibaa.

Waa Jahli cudurka hayaa, Jabuuti shucuubta ku nool waxa ugu badan Soomaali, ma aha dad Afsoomaali keliya ku hadlee waa Soomaali Jinsiyadoodu balse waa dal madax banaan, dalkuna Soomaaliya ayuu ahaa waxii ka horeeyey sanadkii 1884 ka hor intaan saancaduhu carada degin, balse waxa jira dad kale oo aan Soomaali ahayn oo Jabuutiyaan ah sida Canfarta oo kale.

Soomaalida kale ee labada gobol ee dalalka deriska ah la degan waa dad Soomaaliyeed, afka ay ku hadlaan maaha mid ay barteen ee waa koodii waa Afkii Soomaaliyeed, waa dadkiii Soomaaliyeed, waa Umaddii Soomaaliyeed, waana shacab Soomaaliyeed.

Qofkii aan ku qanacsanayn jinsiyadiisa qoomiyadeed ee Soomaalinimadu waa yeelkees iyo dantiis, warbaahinta adeegsaya dadka Afka Soomaaliga ku hadlaa, waa danbiilayaa waxana ugu badan Fogaan araga ”shaashahada/tvyada, kaad doonto aqoow, waa inay ka waan toobaan wiilasha ugu badan ee Erey cunsuriyeedkaas isticmaalaa iyo siyaasiyiin qabiileedka nooca aan u aqaano, una badan kuwa Hargaysa joogaa taas.

Hadii aysan Soomaali ahayn, ku qanacsaneyn Soomaalinimo ha soo cadeeyeen halkeey ku arooraan iyo halka loogu soo Erkan doono, waxaanu naqaana oo kaliya Dadka Soomaaliyeed, dalka Soomaaliyeed, Afka hooyo ee Soomaaliyeed, walaalaha Soomaaliyeed shacabka Soomaaliyeed iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Marka la soo koobi Odhaahdan waa mid qoto-dheer , danta ugu weyna tahay in Soomaalida la kala Erdheeyo, lana kala fogeeyo, waa kelmed xumaan weyn oo khatar nacayb iyo cunsuriyad ah salka ku haysa.

Ugu danbeyn, qofkastoow waxaad kasbato waa loo makhraati , waxii aad warbaahin marisana umaddaa ujeeda, waxii aad meel madow Soomaali uga gaysatana Eebaa ujeeda oo waxkasta iyo midkastabe ah arka maqlaha ugu fiican cid wax aragta isla markaana maqasha.

Salmaan Hashi Dheere

Email.xaashi2008@gmail.com

Related posts

Diaspora has big role as Somalia rebuilds economy, global ties: finance minister

warsan

The Socotri Sovereignty Soliloquy

warsan

Ethiopia, Djibouti agree to refine road services, port operations

warsan