May 16, 2025
Cover

Jirkaaga U Naxoo, Cuntada Dalka Cun

Abriile 20, 2025

 

Alla mahadsane, qoomiyad walba dhulka meel buu ka dejiyey, nololna waa uga sameeyey. Annaga geeska Afrikow na yidhi dega, oo ilaashada, si aad ugu noolaataan. Keenna dunida maray, hubaal muu arag meel gayigeenna lala simo.

  Waa wacyigelin uu sameeyey wasiirka beeruhu

Waayoo waa fara ku tiris ama laba heli maayo qoomiyad (dal) dhul beeraad dhan (8.9M hecters), Xoolo 30M neef kor u dhaafay, (Geel, Lo, Adhi, Idoba le), bad noocyada kalluunku ka buuxo, xeeb 3,025 km gaareysa le, cimilo dhibaal ka fayow, duur-joog jaad walba le (wallow sokeeye dagaalku xadka ka tallaabiyey) iyo diinta naxariista leysu raaciyey.

 

 

 

Haddaad dunida martay, meelu waa qabow daran, khasbaaya 5 kiiloo dhara inaad tunka ku wadato iyo kuleyl daran, haddaanad qaboojiye dhex fadhiyin halis u ahaaneyso in maskaxdu ku qaraxdo. Dalka intaa Ilaaheedu isugu daray ayaa nasiibdarro qaaraan dunidu uruuriso ku nool, gaajana la il daran.

Haa, hubaal in sokeeye dirirka weli socda noo diiday inaan ladnaantaas Alla noogu deeqay ku gaaja baxnno, Sow inanga dada oo Alla ugu talogalay inuu xalliyo dhibaha hor yimaada. Mise dad ma nihin? Jabka aan is badnnay, waxa lacageystay duni ku qaraabata, gabbaadna ka dhigatay qolo ay ula baxeen ururrada aan dowliga aheyn ee caalamka (International non-governamental organizations) iyo kooxo kale oy gudaha ka sameysteen gacanna ku siiya xatooyada xoolaha uga uruura magaca bulshadeenna.

Wacad bey ku mareen inaynaan gacan-hoorsiga ka bixin oo iyaga ka sugno jadiinka wixii aan marin laheyn. Ciil miyaan qabi lahaa, waxa ay bixiyaan haddaan ku gaajo beelaayo. Waa kuwa nagu qanciyey in beerashada, kalluumeysiga iyo xattaa dhaqashada aan loo baahneyn. Waa qorshe macluul-ku-dil ah oo na la maagay, joogtana nooga dila qeybo badan oo bulshada ka mida, hooyada iyo dhallaankuba ha u badnaadeen.

Dalna isku filaasho cunto ma gaari karo, haddii aan dadkiisa lagu hoggaamin, horseedna loogu ahaan wadada wax soo saarka iyo tacabka. Hadda kaalmo iyo cunto la soo dhoofiyo weeye, waxa dadkeennu quuto innagoo le wasaaradihii beeraha, kalluunka, xoolaha iyo ilo kale nolosha wax nooga tari lahaa.

Ninna ma garan karo halka ay naga raacdaye, aafada kaloo na asiibtay, waa ta i nala colleysiisay milkiyaddeennii. Dalkii, afkii, dhaqankii, cuntadii, diintii iyo jinsiyaddii. Waxa wax laga naxa ah, naxdin kaliya maahee cabsiya, nacebka dhexdeennaa oo la moodo inuu noo wado inaan is-laba noolaan weynno, haddeyan horeba u bilaaban.

Dib baannu u dhigan inta kale’oye, aan waxoogaa jaleecnno halka aan cunno Somaalida kala mareynno iyo booska ay ku leedahay tubada cuntada geysa dheef-shiidka. Waxan ogaaneynaa marka ay 1000 kiilo oo baasta ahi marto tubadaas, suurowdee in10 kiilo oo masaga ama galey ahi ku garbiso baastada. Baastada ayaa markaa noqoneysa cuntada- dhaqameedka Somaalida.

 

 

Baastadu aad bey uga hooseysaa dhinaca nafaqada masagada ama galeyda, haddana iyadaan ugu cunis bada nahay, waayo suuq weyn bey ku heysataa Somaaliya. Sidoo kale, labada saliidood ee macsarada iyo cadeyda. Cadeyddaa loogu adeegsi badan yahay, haddana macsaradaa nafaqa badan dhibaalna yar, halka cadeyddu jidhka cuddurro badan ku reebto.

Xamar ka heli meysid makhaayad ku faaneysa asaligeenaan diyaarinaa oo xayeysiineysa, hayeeshee, badan kuwa ku faana, joogtana u xayeysiiya baastada iyo daafida. Sow nasiibdarro maaha inaad calooshaada ku riddo cunno ka waxyeello badan ta dalka ka soo baxda.

Baastada ama daafida calooshaa ku fariisata, soorta iyo caleenta maya, cuntada saliid-cadey lagu kariyo gaas waad isku hubtaa, macsaro gaas male. Doorashada adaa le, bal ogow laba jeerba waad dhacan tahay. Mar waxad noqotay shisheeye kalkaal dalaggiisii suntan ahaa iibsanaya, mar kalana waaba adiga isbitaalka iyo farmasiyaha u dhaxeeya.

Saddaxda wasaaradood ee cuntada noo qaabilsan, ta beerahaa ugu firfircoon, dhaqdhaqaadeedana la arkaa. Waxa in la bogaadiyo mudan wasiir maareeya oo muujiyey dadaallo badan oo wacyigelina, tusaaleeyeyna in dalagga dalku ka waxtar badan yahay qaar badanoo dibadda nooga yimaada.

 

WQ: Qorayaasha Warsan

 

 

Related posts

The US War on Terror Has Created as Many as 59 Million Refugees

warsan

UK-armed air strikes part of ‘pattern of violence against civilians’ in Yemen

warsan

The EU triggers legal action against the UK for breaking the Brexit deal

warsan