May 16, 2025
Cover

Dhulka Haddaad Noo Dhiseyso Maquunin Waa Rabnaa  

 

 

Haddaad la yaabtay “maquunita” bal sawiro xaaladda siyaasadeed ee maanta (Abriile 3, 2025ta). Waa maalinta qormadan maskaxda laga shiilaye, kadibna na bar waddada aad xalka u qaadi laheyd. Aan gacan kaa siiyee, bal weydiintan warcelin u hel, laga yaabee inay gacan kaa siiso “maquuninta” ujeedada loo adeegsaday. Cudurka na haya dawiisa annaga haddaaney naga imaan, weligeen bogsan meynno.

 

Amarrada dowladda marka la diido, diidmadaa cidda inay soo afmeerto tahay waa ayo? Dowlad aan gacan wax maquunisa laheyn dowlad ahaan meyso, dal xaaladda aan ku jirno ku jiraana ugaba sii baahi badan. “Dalku waa tala-wadaag” dood ah baa oogan, fallaaqada siyaasadduna soo celceliyaan, haahe, wixii xaaladdaada la falgeli kara, kuu xallinaaya arrimaha ku dhiba ee amnigu kow ka yahay, ayaa ka roon, tala-wadaag is-qabsi, sawaxan iyo looma dhama aan looga dhamaan.

Taladu maaha in awooddu hal meel ku uruurto ee waa in dowladdu yeelato awood ay ku fulin kadho ammarrada iyo sharciyada degsan, haddiibase mid tallda gacantiisa ku qata dhal-dhis ahaanayo waa nabad iyo caano. Jaantaa raganta aan la nool nahay dal laguma maamuli karo. Bal eeg dowladda dhexe iyo kuwa shuraakada la ah is-barbar yaac ka dhex oogaan iyo awood la’aanta federaalka. Maaha si qaran ku dhismaayo, mana mid gaajada looga baxayo. Waa in la helo waddo cakiranta looga bixi karo, dalkana lagu badbaadi karo. Awoodo kala sarreeya, is-maquuni kara, sharciga ku ijbaari kara ka garabaha nuuxuya baa qaran ku jiri karaa.

Madaxweynaa la doortay la yimid qorshe dhanna ha u dhaqaaqinta ka gudbinaya dalka, golayaasha sharci-dejinta ayuu dhaafiyey, doorasho codkaaga ku ciill-beela ayey taldu tahay. Xasarado ayaa la abuuray shisheeyuhu riixaayo, lana adeegsanaayo kuwa noo diir eg, dano qarameed iyo mid bulshona dan ka laheyn.

                           

       Fallaagada siyaasadda (mucaaraka)

Kooxihii siyaasadda la kowsaday gugii 2004ta, badankoodu iyagaa dhabarka iska soo taabanaayey illa hadda, kana ooday cid kaloo ku soo biidha ayuu sawaxanka ugu badani ka imaanayaa, waa kuwa isu heysata iyaga maahee inayan jiri karin cid kaloo hoggaaminta astaahisha, kaaga daranta dhamaantood waa damiinno siyaasadeed oo aan looga baran waxqabad iyo talo meel mara. Maaha in dheg jalaq loo siiyo.

                Laba umbey mid ahaan!

Inaan ku jirnno ha dhiman ha noolaanta hadda ama inaan inta dib isu dadeeynno talada danaheenna ku quman falgelinno, dunida la jaan qaadnno ama dhaqankan duur-joogta ka liita ku sii jirnno, oo noo wada in na loo taliyo amaba na la waayo. Dad inaan ahaanno hadduu go’aanku ahaado, kama fursaneyso inaan la soo baxnno hoggaan aragti fog oo doorsho ku yimaada, gacanna ku siinno cid kasta oo wadadaa nagu jarmaadineysa, noona sahleysa inaan xaqiijinno doorasho loo tartamo.

Aaranka siyaasaddu naceb, wax cusub iyo cidda wadda, haddii ay iska  dhex waayaan, danta qofeedna waa ta geesiyaal badan iilka u dirtay, qaar kalana la damacsan, dalkana curyaamisay.

Waddadaa codka sanduuqa, horseed waxa hadda noogu ah madaxweynaha talada haya, khattaro nafeed iyo siyaasadeena kala kulma waa soo barya. Waxa isu baheysatay shisheeye dana gurracan le oo horora iyo daneyste noo isir sheegta oo kaasi ku adeegto. Ingiriiska iyo EU-da kale, bushimaha bey wanaag naga tusaan, hoostana ableyda bey nooga xiiraan, iyagaana isku dubbarida ololaha lagu xagal-daacinaayo dadaallada xukuumaddu waddo, Imaaraadkuna dhaqaalahay la garab joogaan. Cadowgu wacad buu ku maray inaynaan godka ka bixin, waxase nasiibdarra ah, oo nasiibdarro kaliya maahee cabsi ah, in qaar naga mid ahi qeyb ka yihiin isir suulinta Somaalida lagu wado. Dadaalka ka muuqda madaxweynaha talada haya Somaaliga fiican sandulle waxa uu uga dhigayaa inuu ku taageero ololaha amaniga iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Ninkaa tuutaha ku giigsan, waxay u egtahay inuu Somaaliya u sahamiyey, una soo arakay dhul cosoba, dejina is leeyahay. Waxase muuqata owrka uu nagu raray inay ka buuxa kuwa garbha ka mudceeya oo cosobkaa noo diiddan. Lama garanaayo inuu ka warhaayo, dejinna doono inta aan xeedho iyo faldhaan kala dhicin, waxase hubaala inay yihiin khatar aan la dhayalsan oo u baahan in madaxweynaha looga digo.

Waa dabin

Madaxweyne, waxa daadsan dabinno aad loo adkeeyey oo laguu soo mariyey kuwa waraaqaha soo malmaluuga, shuruudahana xiray. Iska jir, ha u dabcin, dalkana ha ku celin halka aad taqaanno ee la baxay gole wada tashi balse gole fadhiid ah. Waa dabin lagaaga weecinaayo tubta aad ku waddo siyaasadda, amniga iyo dhaqalaha horumarintooda.

Madaxweyne, haddaad dalka dhiseyso bulshada Somaaliyeed waxba kama qabto inaad dalka gacan adag ku maamusho, lana kaashato cid kastoo danaheennu is gelayaan, diyaarna u ah inay safarkaa kula gasho. Si miinooyinka daadsan uga gudubto, kaasho, oo howgeli Somaliga fiican ee aqoonta, waaya-aragnnimada, diinta iyo Somaalinnimada kulansaday. Dhincyadaada waxa buux dhaafiyey kuwa aan waxba kugu kordhin mushaarka uun ilaashada. Waxad u baahan tahay dad taya le oo kaa saacida, kulana qeybsada howsha baaxadda le ee u muuqata inaad ku kaliyowday.

Waxa diyaariyey: Nur Cilmi

 

Related posts

Russia releases first batch of Covid-19 vaccine Sputnik V into public

warsan

Praying for the “usurped Jews” in the Grand Mosque… a political message or a departure from the text

warsan

Water Security and the GERD: Is Conflict Brewing on the Nile?

warsan