The Warsan
Cover

Is Barkanaanta Anshaxa Iyo Masiibooyinka!

                                                                     Axmed Cali Kaahin

 

Hadalka Culimada laga soo raro (haddii ummad dhaqankeedu tego way tegtay ummadaasi) way ku deysay jiritaan ahaan. haddaan soo koobno. Dadkeenii hore dad dun leh oo qab iyo qadarin Soomaalinnimo madaxa la taagaya.

Qur’aanka ummadda la rogaa ka buuxa dhacdooyinkoodii iyo sababtii oo keliya aheyd in Rabbi SWT ay caasiyeen hawadoodana raaceen, Ka dibna dabarkaa looga dhigay dhaabad lagu hakiyo kibbirka iyo xummaanta.

Habkooda dhaqan, iyo diimeed kuna faana kooda, kana faana ka Saan Caddaalaha oo macno habbaar u eekaa. Markay ninka Cad tilmaamayaan, oo hadda kuwooda liita waxa xun laga hiigsado, halka inta fiican indhaheenu arag.

Saan caddaale waa tilmaan liidid iyo quudhsi ninka cad dhaqankiisa iyo midabkiisa ba taasi oo aheyd han sare, in waxaad tahay markaad qadariso lagu qadarinaayo, qiimana yeelanayso, balse haddii aad huwan tahay kaad la tartamayso dhaqankiisa liidid iyo lahaansho uun buu dareemayaa ninkaad jilayso wixiisu.

Waana nooc addoonsi casriya oo carbisan kaliya shaasha’daha la soo mariyo casharada sumeysan ee saameynta xun ku reeba bulshooyinka ku bahaloobay hiigida iyo u hayaamida hannaanada hallawsan ee haadaanta dul heehaabaya.

Madaxweyne Diigool waxa uu ummadiisa faransiis u sheegay in barigii Jarmalku qabsaday in aan xoog lagu muquumin faransiiska, balse mushkiladu ahayd (in dhallinteenu, ay tummanayeen) oo baararka ee meelaha lagu caweeyo ee baashaalku cirkaa marayay, aadna u shidnaa. Maxaad u mallayn ummad islaam ah oo loo diidayna xummaan oo dhan dhawrsanaan na tahay astaantoota.

Sida Sunaha noloshu ku sugnaatay Aayad Qur’aanka ahna ku cad (ummad Rabbi swt. Ma Beddalo haddii aanay iyagu is beddalin.) Dhammaan dhaqanada iyo dhacdooyinka inaga soo fula sammaan iyo xummaan waa kuwo baanka inoo yaalla, qaybna la inagu qaadi karo haddii aynaan u noqon xaga Rabbi SWT.

Sida Aayado kale ku cad (xummaantii waxay ka soo daahirta Arlada iyo Badda waxay gacmaha dadku kasbadeen). Hadda Dulqaadka iyo deeqda iyo gallada Rabbi swt. Wax badan inaga dhaafayaa. Si joogto ah.

Balse, waxa jira heer la gaadho in dambiyada qayb dadka loo ciqaabo markay dabarka goostaan, daacadnimo iyo dadnimadana dulleeyee diinta iyo darriiqa toosan ka durkaan haddaan toobad darriiqa dib loogu noqon. Si dhibaatada loo awdo, biriigaa loo qabtaa markay is qaban waayaan Sheekh iyo Shariifna laga simaa abaal marinta iyo edbinta.

Haddii doonta la wadda badbaadin waayo degitaanka waa loo wadda siman yahay. Dulqaadka Rabbi swt. Haddaad hal kheyr sameyn waxa uu inoo libin laabaa ilaa toddobaatan jeer halka haddii dambi galno aan la qorin lana dhawro toobad keeno.

Sidaa daraadeed marka xuska iyo jaceylka iyo weyneynta Rabbi swt. Lagaga mashquulo adduunyo iyo raalligalinta iyo dherginta nafta waxa dhacda in badan la inoo dhiteeyo dhibaatada if iyo aakhiro. Taasi oo dadkeenu khubaro ku yihiin dhibaatooyinka laga dhaxlo xummaanta iyo ka fogaanta adeecida rabbi. Marka la xasuusto Dulcad iyo Darroor wixii ina geeyey may aheyn ciyaar.

Dhallinta hadda joogtaa haddaad tegto meelaha lagu caweeyo ama lagu qabto waxa loo yaqaan showyada, waxaad dareemaysaa kaaf iyo kala dheeri, barrigii Ilaahay Swt, inaga kala daadiyey waxa la gaadhay heer aad u liidata oo is qaawin iyo kibir in bariiska loola baxo jay iyo wax aan dhaamin,

Halka diraca wiilkuna ahaa huga dadka qaar, Balse ballaayadii way cammimtay cid kasta. Arlada Rabbaa swt. Leh in lagu caasina ciqaab buu u dhigay, amarku waa adeecid iyo ajiibid.

Maanta haddaan dab idhaah ma afkaa I guban, waxa heer gaadhay jahliga diiniga ah iyo u ban bixida dhallinta qaar heeso iyo is qaawin runtii xataa dadka qurbuhu ka xishoodaan. waxay xidhaan dhallinteenu wiilal iyo gabdhaba, iyo qaab is qurxin xadka ka baxsan oo xataa wiilasha aad la yaabayso. Waana darriiq halisa oo hore ummaddani u eeday.

Xataa noocyada dharka ma kala yaqaanaan nin aqoon dheer u leh tolmaha dharkaa yidhi waxaan arkaa dad ku labisan dharkii kiniisadaha oo waan yaabaa waar dharka qaarba goob iyo goley leeyihiine wax walba ha isku jufina.

Dumarku waa sharafta iyo karaamadeena, haddii way wanaagsanaadaan waa karaamo sharaf, in dumarku wanaaagsanaadaan waa wanaaga ummadda oo dhan. Ummaddana hooyada mustaqalku u wacnaataa waligood badhaadhe iyo bashbash bay ku reeyaan.

Qalinkii:  Axmed Cali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.cm

Afeef: Qoraha ayaa ka masuula maqaallada ka baxa Warsan, sinna siyaasadda majalladan xiriir ulama le

Related posts

Ethiopian police chief arrives in Juba for security talks

warsan

Hiiran Gorgortan Waaqaca ku fadhiya Gal!

warsan

Italy orders army to move bodies as coronavirus lockdown continues

warsan