The Warsan
Cover

Dowladdu waa inay joojiso diyaaradaha dalka ka soo gala dalalka cudurka COVID-19 ka dilaacay

Warsidaha Warsan waxa uu cod dheer dowladda, gaar ahaan wasaarraddeeda caafimaadka ugu sheegayaa inaan la dhayalsan waxyeellada curdurkan dilaaga ah ee Shiinaha ka soo bilowday, dunidana ku faafay. Dalku awood uu ku xakameeyo malaha, waa hubaal, bal waxa looga hortegi karaa in la wowdo meelaha uu naga soo geli karo oo ugu horreeyaan duullimaaadyada dalka ugua imaanaya dalalka Caabuqu ka jiro.

Diyaaradaha laga yaabo inay dalka soo geliyaan dadka cudurka qaba, waxa ugu horreeya Ethiopian Airlines iyo Turkish Airlines oo labaduba Shiinaha iyo dalal kale oo cudurka lagu sheegay weli taga, dadkana ka soo daabula. Faya-qabka dadkeeda dowladdu waa inayan qorqortan ka geli, sida caalamka kalaba yeelay. Daalkal horeumaray oo Talyaanigu ka mid yahay ayaa maareyn la’ oo dalka oo dhan go’ddoon geliyey. Taa inaagu ma awoodno, mana heynno awood dhaqaale iyo mid qalab ama dawo oo aan uga hortagnno cudurka. Dowladdu waa inayan il-gaara ku eegto xaaladda, ka hortaggana kaga badbaadiso shacabkeeda awalba dhib uusan u yareyn.

Warsan magazine

Related posts

Uhuru and Ruto fallout heads for Parliament’s soul

warsan

Turkey to donate 30 million dollars to Somalia

warsan

Qatar-Bahrain media war escalates after ‘offensive’

warsan