The Warsan
Cover

Doodda Mar Kale Midnimo

March, 2020 – Written by Editor:

Maxamed Baashe, oo ah suxufi, qoraa iyo suugaanyahan, isla markaana ahaa ciyaala Hargeysa qadiimi ah oo dhallintii xiligiisa ee sideetameeyadii qarnigii hore ka tilmaanaa; mar kalna ahaa dhalintii ka qayb gashay ololihii dhaliisha badnaa ee SNM; imikana ah qurbejoog ku dhaqan dhulka Ingiriis, ayaa dhawaan soo ban dhigay dood uu isagu koow ka yahay dadka hal-abuuray. Qormadan gaaban, waxa aan ku falanqayn doodda MKM iyo sida ilaa hadda looga fal-celiyay, iyo waxa ay ka tari karto wadahadallada Somaliland iyo Somaaliya.

Doodda MKM (mar kale midnnimo) ee uu Maxamed soo ban dhigay, oo qoraal iyo hadalba aan kaga bogtay, waxa ay leedahay – Soomaaliya iyo Somalilandba xaalad fashil ah ayaa ay dhex dabaalanayaan. Sidaas darteed, waa in dib loo eego waaqica ay labaduba ku sugan yihiin oo dhalanteedka labaduba ka baxaan, qorshe cusubna la abuuro. Dhinaca SL, waxa uu yidhi gooni-isu-taaggii ma shaqaynaayo, wax aan khasaare ahaynna ma looga dhici doono. Dhinaca Koonfurta waxa uu yidhi – soddon sannadood ayaa waxba la isku raaci waayay, oo la kala adkaan waayay, oo la is qancin waayay, oo Jihona loo socon waayay, sidaas darteed, waa in kubadda dhulka la dhigo. Waa in caqligu shaqeeyo oo caadifadda gees la iska digo ayaa lagu soo uruuriyay bayaanka mar kale midnimo oo saxaafadda bulshada iyo saxaafadda caadiga ahiba xoog u qaadaa-dhigtay.

Hadaba, amuurta xiisaha lehi waxa ay tahay, doodda MKM aad iyo aad ayaa ay buuq uga abuurtay bulshada dhexdeeda iyo fagaarayaasha lagu kulmo ee Reer-Somaliland gudo iyo debedba. Buuqqaasi run ahaan ma noqonin mid ku salaysan dood iyo dood ka hor jeedda, keliya waxa uu noqday amaba u battay aflagaaddo iyo shakhsi weerar aan caqli ku fadhiyin oo Maxamed lagula kacay. Qofka aan doodahan qayb ka ahayn ee dusha ka eegayaa waxa uu u malayn karaa in aanay jirin dood micno leh oo laga hor geeyo doodda MKM iyo Maxamed Baashe, taasuna waa nasiib darro inteeda leeg. Qofka dood micno leh haysta, ee isu qaba in uu dhinacii saxda ahaa joogo, sabab uu u caytamo ama u xanaaqo maba jirto.

Tusaale ahaan, waddanka UK ee uu Maxamed degen yahay, waxa ka dhex aloosan dooddo iska hor jeeda oo ururro la yaqaanno oo xafiisyo lehi ay riixayaan. Dooddahaasi ma aha uun kuwo siyaasadda maamulka waddanka ku saabsan, ee waa dooddo taabanaaya wax kasta oo jira ba. Tusaale ahaan, UK in ay Yurub ka baxdo oo waliba aanay wax cilaaqaad ah oo noocnaba ah la wadaagin qaar baa qaba, wayna u suurowday ilaa xad. Qaar baa qaba in UK lafteedu ay sii kala bax-baxdo, waana xisbiyo iyo ururo jira oo la yaqaan, wixii Scottland ka dhacay baana marag u ah. Qaar baa qaba in Boqoradda iyo qoyska Boqortooyada laga takhaluso gebi ahaanba, waana dood xooggan oo jirta. Qaar baa ku doodda, oo had iyo goor la soo taagan in madowga iyo guud ahaanba ajnabiga waddanka laga saaro. Sidaas ayaa wax kasta doodi uga taagan tahay, mana la is ceebsado ee waa la is qanciyaa. Bulsho in ay dooddo, oo wax kasta ka dooddo ayaa quman, laakiin hadii aad aragto bulsho dooddu ku adagtahay, oo sas ka qabta, waxa ay astaan u tahay in ay bulshadaasi jabayso.

Si kastaba, doodda MKM waa mid mudan in la rogrogo, oo amuurta dhinacyo kala duwan laga eego. Ma aha in fikir la isku qoonsado oo dadka qaarkii miyir-beel ku dhaco, hadii ay maqlaan wax aanay jeclayn. Waxa aanad jeclayn ayaaba ay dhici kartaa in dantu ku jirto, in aanay dani ku jirinna waa suurow, hadii aan la doodinse ma la ogaan karo wixii dan amaba dan darro ah. Tusaale ahaan, wadahadalka ay SL rabto in ay dawladda Fadaraalka ah la gasho, sinaba suurtagal ma u aha in waxa ay Hargeysa rabto oo 100% ahi ka soo baxo, sidoo kale waxa ay dhinaca kale doonayaan oo 100% ahi ma ka soo baxaayo. Taas micnaheedu waxa uu yahay, in ay dhinac waliba haystaan in ka badan hal dood ama fikradood oo kala horreeya, doodda Maxamed Baashe ee MKM- na waxa ay qayb ka noqon kartaa fikradaha ay SL miiska keeni karto, hadiiba wadahadal micno lehi dhaco.

Eeg, doodda ah nimanyahaw anaku waanu baxnayba ee warqaddii kala tegista uun saxeexa, taas oo dad badani ay u malaynayaan in ay tahay amaba ay noqoto saldhigga doodda SL, waa mid jaban oo aan sinaba suurtagal u ahayn. Dooddo kale oo aakhirka natiijada ka dhalan kartaa ay tahay Somaliland oo madax banaanaata, oo kalatag sharci ahi dhaco, waa jiraan, laakiin doodahaas kala duwan oo dhami waxa ay u baahan yihiin in marka hore la xooro, oo god lagu rido doodda bilaa micnaha ah ee ah anaku waanu baxnayba oo shaqo ma ku lihin dawladnimada iyo sharciyadda Muqdisho taalla, ictiraafkiina wuu soo socdaa oo waa sugaynaa. Taasi, waxa ay Somaliland ka xidhaysaa jid kasta oo ay mari lahayd, oo keeni lahaa in aakhirka la kala baxo, amaba wax cadaalad ku salaysan oo la isla ogolyahay la wada yeesho. Hadii dadka SL aanay dhexdooda ka wada hadlin, oo is waydiinin jihada loo socdaa in ay tahay tii saxda ahayd iyo in kale, oo qofkii yidhaahda fikrad cusub baan hayaana, si dadnimada ka baxsan loo aflagaadeeyo, runtii wax aan khasaare ahayni ma  soo baxaayo.

Al-muhim, warkuba waxa uu ku idil yahay – yaan la kala sasin. Yaan la kala ordin. Ha la dooddo, oo ha la is qanciyo. Besba.

QALINKII:  Maxamed Haaruun

Afeef: afkaarta ku soo baxda halkan, mas’uuliyaddeeda wax iska le qoraha, xil ka saaranna ma jiro Warsan

Related posts

Major Ethiopian political parties reportedly declined meeting with PM Abiy

warsan

UAE Owned Talc Investment, Del Monte Announced Banana Partnership in Somalia

warsan

PM Khayre to lead talks with Somaliland as Ethiopia’s Abiy Pursues Mediation

warsan