Nin aan inan la siin, mansab weyn lama siiyo
Waxa qoray: Khadar Jicsiin Nuux

Qof kasta waa masuul sida nabigeenu (NNKH) xadiiskan ku yidhi (Hooy! dhammaantiin waxaa aad tihiin xiljire, dhammaantina waxaad masuul ka tihiin waxii la’idiin dirsaday).  Masuuliyadda ugu hoosaysa ee qof qaado kana baxsan ta naftiisa iyo qoyska uu ka dhashaym, waa masuuliyadda guurka.

 

XAYEYSIIN

Diinta iyo akhlaaqda wanaagsan ayaa ah waxa ninku ku mutaysto in la aqbalo oo lagu aamino masuuliyaddan. Dhinaca kale haddii ay dhacdo in shakhsigaasi laga waayo diin iyo Akhlaaq wanaagsan dadku xaqbay u leeyihiin in ay gabdhahooda u diidaan sida ay diintu ina fartay. Masuuliyad-darrada awgeed.

Masuuliyad kasta oo ka sarraysa masuuliyaddan, waxa ay la wadagtaa shardiga akhlaaq wanaaga waxa ayna dheertahay karti iyo aqoon.

sidaas awgeed, waa inaan kursi la siin  nin aan inan la siin ama aan xilwayn loo xambaarin qof aan xil yar qaadi Karin.

Maalmahan iyo kuwa soo socda beelaha iyo xisbiyada Somaliland/ Somaaliya, waxa ay ku mashquulsan yihiin soo xulidda musharixiinta wakiilada shacabka iyo gole degaaneedka ee doorashada soo socota.

Haddaba si ay shaqada ay wadaan  u noqoto mid tawfiiqaysan ummadana wax wanaagsan loogu beero, waa in beelaha iyo xisbiyadu ka fogaadaan danaysi iyo indho la,aan qab-yaaldeed oo ah in qofka la sharraxayo  keliya lagu qiimeeyo in uu beesha xubin ka yahay iyada oon diinta iyo dhaqanka wanaagsan aan xisaabta lagu darsan.

Si xumaanta loo riixo maslaxad ummadeedna loo xaasiliyo, waxa waajib ah in beelaha iyo xisbiyadu ka digtoonaadaan kana xaragoodaan in bulshada ay hor keenaan dadka fusuqa ku caanka ah sida caadayste-khamri,dhileysi iyo tuug la bartey. Marna macquul maaha in nin aan dhisme qoys lagu aaminayn dhismo qaran lagu aamino. Sidoo kale waa dhaawac sumcadeed in beel ama xisbi ku sawirnaadaan dadka noocana oo xataa dimiqraadiyada reer galbeedku aanay xil u dhiibin.

Waxa hore loogu qoray Bandhige