The Warsan
Cover

Yaa Arkay Maal-qabeenkii Dalka? Waqtiga leydiinku Baahi Badan Yahay Waa hadda!

Musiibooyinku marka qoom khar geliyaan, qoomkaasi waxa bixiya saddax ka mida qeybaha bulshda.

A. Culimada

B. Maalqabeenka

C. Dhallinyarada

Maanta, waxa na dul taagan cudur saf u dilaaya dadka oo xataa waa innaga arkeyna kuwa awoodda dhaqaale is-bidayey inuu saf-mar u dilayo, maareynna la’a yihiin. Somaaliya, waxa Alla mahaddiiya inuu heerka saf-marka gaarin, Alla ma nagu gaarsiiyee, hayeeshee weli dad baa u dhimanaya, awoodda dowladduna waa mid kooban oo aan boqolkiiba 5% xataa ku filleyn culeyska cudurka.

Maanta, waa maalintii maalqabeenka qarankani soo kala caddaan lahaa. Illaa hadda lama maqal, lamana arkin maalqabeennada caanka mid yaboohay oo wax la taaban karo ku biiriyey sanduuqa taakulada marka laga reebo Hormuud oo waxooga ku yabooday, marka baaxadda shirkadda loo eegana noqonaya dhibic bad ku dhacday. Intaa ka badan bey shacabku ka mudan yihiin, waxayse dhaamaan kuwa weli aamusan ee darajadeeda ku jira. Maal-qabeenka Somaaliyeedow xoolaha aad heysato waa mid Alla ku eeganayo, sida iyo meesha aad ku bixisana lagugula xisaabtamayo. Dhibka maanta shacaka la gudboon waa fursaad aad Alle ugu dhowaan karto haddaad ka qeyb gasho sabata –bixinta iyo dadaalka shacabka loogu gargaarayo.

Walaal-kayow, Isbitaallada bukaannada wax ku biiri, saboolkana waxtar. Runtii kaaga kheyr badan daar dhowr dabaqa oo aad taagto, laga yaabee markaad dhameyso in nafta lagaa oofsado. Nin muddo tuugsigu camal u ahaa buu hal-qabsigiisu ahaa “Maxuu dhisayaa oo uusan ku hoyan doonin, maxuu uruurinayaa oo uusan cuni doonin” Waa la arkay, laakin wax ku qaadashadu yaraa. Aan isu naxariisanno, cirka ha na looka naxariistee.

 

Related posts

UAE lobbying behind registering of AJ+ as foreign agent in the US

warsan

Dutch seismologist predict the Turkey earthquake 3 days earlier

warsan

A Somalia will lead “Voice for Refuge Action Fund” in New York

warsan