July 31, 2026
Cover

Yaa Arkay Maal-qabeenkii Dalka? Waqtiga leydiinku Baahi Badan Yahay Waa hadda!

Musiibooyinku marka qoom khar geliyaan, qoomkaasi waxa bixiya saddax ka mida qeybaha bulshda.

A. Culimada

B. Maalqabeenka

C. Dhallinyarada

Maanta, waxa na dul taagan cudur saf u dilaaya dadka oo xataa waa innaga arkeyna kuwa awoodda dhaqaale is-bidayey inuu saf-mar u dilayo, maareynna la’a yihiin. Somaaliya, waxa Alla mahaddiiya inuu heerka saf-marka gaarin, Alla ma nagu gaarsiiyee, hayeeshee weli dad baa u dhimanaya, awoodda dowladduna waa mid kooban oo aan boqolkiiba 5% xataa ku filleyn culeyska cudurka.

Maanta, waa maalintii maalqabeenka qarankani soo kala caddaan lahaa. Illaa hadda lama maqal, lamana arkin maalqabeennada caanka mid yaboohay oo wax la taaban karo ku biiriyey sanduuqa taakulada marka laga reebo Hormuud oo waxooga ku yabooday, marka baaxadda shirkadda loo eegana noqonaya dhibic bad ku dhacday. Intaa ka badan bey shacabku ka mudan yihiin, waxayse dhaamaan kuwa weli aamusan ee darajadeeda ku jira. Maal-qabeenka Somaaliyeedow xoolaha aad heysato waa mid Alla ku eeganayo, sida iyo meesha aad ku bixisana lagugula xisaabtamayo. Dhibka maanta shacaka la gudboon waa fursaad aad Alle ugu dhowaan karto haddaad ka qeyb gasho sabata –bixinta iyo dadaalka shacabka loogu gargaarayo.

Walaal-kayow, Isbitaallada bukaannada wax ku biiri, saboolkana waxtar. Runtii kaaga kheyr badan daar dhowr dabaqa oo aad taagto, laga yaabee markaad dhameyso in nafta lagaa oofsado. Nin muddo tuugsigu camal u ahaa buu hal-qabsigiisu ahaa “Maxuu dhisayaa oo uusan ku hoyan doonin, maxuu uruurinayaa oo uusan cuni doonin” Waa la arkay, laakin wax ku qaadashadu yaraa. Aan isu naxariisanno, cirka ha na looka naxariistee.

 

Related posts

Disabled, fashionable: The British-Somalian defying the odds to showcase her collection at LFW

warsan

China brainwashing one million people in ‘Nazi 2.0’ re-education prison camps

warsan

Biden’s Problem in Yemen: The Houthis are Winning

warsan