Hooyo caawa saddex fidhiqo oo gaas ah maad inoo iibini barito imtaxaan kadis ah ayaan idinka qadaayaa ayuu macallinkii yidhiye. Hooyo haddii lacagta furinka baaqi inooga soo hadha waan inoo soo iibini ayey tidhi.
Dacaska, daasada aan ku fadhiisto iyo dirayska idlaaday ayaa aniga iiga dhignaa qalabka ugu wanaagsan ee qof hali karo. Dugsiga ayaan subax ku kalihi jiray duhurka marka aan soo noqodo hooyo ayaan meherada ay hadhuudh ku iibiso ka reebi jiray. Aniga ayaa hayn jiray ilaa inta ay ka gaadhayso fiidka markaas oo meherad la rafici jiray. Habeenkii markaan guriga ku soo laabta ee aan cashada yar hadba wixii aannu helo afka ku jiidno dadku hurdo ayey u dareeri jireen anigu se waxaan jecelaa inaan soo jeedo oo aan dersigii maanta raajaco. Hal saac anigoon akhriska wadin ayaa hooyo oo halkan agtayda fadhida oo qudurucsanaysa arkaa. Hooyo in yar baa ii hadhee iska seexo anigaa faynuuska bakhtinee ayaan idhaa. 8 jir ayaan ahay barad aan ku jirnaana waa buul. Waad garan kartaa haddii hurdo i qabto inaan degdeg u gami doono oo aniga oon daareesanayn aan faynuuska gacanta ma lugta ku dhufan karo. Sababtaa ayey hooyo hurada uga dhaartay intaan soo jeedo ee aan faynuuska kor fadhiyo.
Marar badan waxa dhici jirtay aniga oo bilaabin ka shaqaynt iyo xalinta layliyadii maanta la isoo diray in faynuuskuba dam yidhaa gaas la’aan dartii. Subaxii markaan dugsiga adaana macallinku yidhaa keena layligii. Kamaan soo shaqayn markaan idhaa isaga oo aan cabashadayda dhagaysan ayuu dhangad dabada ii qabtaa. Habeenka barrito imtixaan la qaaday weeye markaan hooyo ka codsado in fidhiqo dheerad ah oo gaas ah soo iibiso ama ay casarka iyadu meherada joogto.
Hooyo aad ayey uga warwari jirtay in waxbarashaday hoos u dhacado manay jecel lahayn in walashay oo 2 bilood jirtay markay maalintii ii dhan ka maqnaato caano(naas) la’aato sinkastanoobay u maarayn karto inay u maaraysobayet isku dayi jirtay kolay tidhaa inanta yar aan halkan ku hayee ii keen.
Noloshaas ayaan wax ku soo bartay. Waan koray oo kaalin galay hooyaday iyo walaalihii iga yaaraba garab iyo gaashaan ayaan u noqoday. Aniga oo yar ayaan shaqo galay aqoontiin heer master ayaan ka gaadhay. Maanta waxaan ka hawl galaa mid ka mid ah jaamacada iyo cisbitaalada waddanka.
Wakhtiga adage ee curudurka Koroono adduunkii dabray ee uu isku socodkii iyo is dhexgalkii bulshada xanibay ayaan ardaydii ka codsaday inay imtixaanka u qaatan shaqo guri oo ay ku soo diraan Gmailka. Mid ka mi ah ardaydii ayaa jaawabihii ku soo qoray warqad (bayad ) iyo qalin sawir ka soo qaaday oo iigu soo diray whats appka. Wuxuu kybsoondul qoray macallin gmail ayaa iga xun ee halkan ayaan kuugu soo diray jawaabihii imitaxaanka.
Waxaan ka cadhooday in aanu raaci qaanuunkii ahaa inuu ku soo diro Gmailka. Haddii aan furay sawirkii ayaan arkay mise jawaabaha qalin iyo warqad ayaa lagu qoray, mise miisba laguma dul qorine wax ka hoosaysa waa cawo oo warqadu cawda ayey dul saran tahay.
Waxa ii caddaadatay in waxa meesha ka jiraa uu ka weyn yahay in gmail la’aan. Waxan ogaaday in ardaygani aanu computer haysan, iska daa computer aanu awooddin inuu waxa ku qorto warqad A4 ah waan sababta uu warqada bayaadka ah oo qiimo ahaan ka riqiisan tan A4ta helitaankeedu ka fudud yahay u adeegsaday.
Dhacadadani waxa i xasuusisay waayihii iftinka iyo ilaysku iibka igu ahaa. Waxaan xasuustay waagii ay hooyada fidhiqada gaasta ah tukaanka inay ka soo amaahato isku dayi jirtay ee ay mararka qaar waji gabax kala soo noqon jirtay isaga oo mulkiiluhu ku leh tii shalayba maad bixine maxaan maanta kugu daymiyaa mid kale.
Waan hubaa ardaygan hooyadii hadday awood amase ay jirto cid amaahinaysaa inay soo amaahan lahayd Koronto, Koombitar iyo walax kasta oo waxbarashada ilamaheed muhiim u ah.
Imisa yaa maanta gurigooda Computer yaala, imisaa maanta internet xawaare sare leh oo heli kara? Imisaa awood u leh in ay casharada soo daabacan oo ay soo galiyaan gmail.Tani waxa ay ina tusinaysa in wali dad iftiin raadinayaa jiraan.
Waagaa dadku isku wada darajo ayey ahaayeen oo carruurta dugsiga dhigataa daasado ayey kuwad fadhiisan jireen.Dhamaantayo dacas ayaan wada xidhan jiray. Balse maanta dadka qaar wali noloshii ayey ku jiraan dadka qaarna baabuur gaashaman ayaa dugsiga lagu keenaa. Khudrada bariiskooda lagu dalacana Dubia in laga keenaa laga yaab qaarna wali dab ma shitaan oo gaajad ayey la daris yihiin.
Nolosh taayir/shaag rogmanysa, saraynta iyo hoosayntana saaxiib ayey u tahay oo garanamaysid maalinta dhiishadu hilan tahay iyo maalintaad waxaad dhadhamiso waayeyso.
Aynu is gargaarno oo keen wax hayaa ka baahan ha quudiyo. Keen maanta ilmo waxbarashad ka bixin karaa ha ka bixiyo keena carruur yar xitaa inay casharkii loo soo dhigay fahamaan ka caawiso wax weyn ayuu baxsatay.
“Hooyaday waxaan ka bartay si kasta oo duruftu kuugu adag tahay inuu jiro qof kaa sii baahi badan oo mar walba gargaarkaaga iyo garabkaaga u baahani”.
Rabbi hooyooyinkeenii u halgamay jiritaankeennna raali ha ha k noqodo.
Meelo badan ayaa fatahaado la soo sheegayaa alle masiibooyinka dadka ha badbaadiyo.