The Warsan
AnalysisCover

SABAB HA U NOQONINA IN DOORASHO QABSOOMI WEYDO

 

May 17, 2021

Farmaajo kursiga banney maayo illaa doorasho looga qaado ama la maquuniyo. In la maquuniyo laba dhaxal ayaa ka dhalanaya:

  1. In horta la laayo kumayaal, la bara-kiciyo boqolaal kun oo Xamar deggan.
  2. In dowladnnimada la waayo, oo taladu cid kale gacanta u gasho, kadib marka isuma-taliso diiwaanka la noo geliyo. Waxa la yidhi, laba talo oo isku mida haddey kula gudboonaadaan teebaa la qaataa? Waxa la yidhi, ta ugu waxyeello sahlan.

Xamar, waxay ku sigatay inay is-dhexqaaddo, weydana mansabkeeda magaala-madaxnnimo, oo laga yaabi lahaa inay qalaafato qarannimada. Waxa taa baajiyey Alle, kadibna waxa abaalkeeda le labada dowlad-goboleed ee Hirshabeelle iyo galmudug madaxdooda. waxay dhashay in Farmaajo tanaasulo, kana soo laabto damaciisii hore ee kororsiga. Hadda wasiirka kowaad ayaa xilka doorashada dhabarka u ritay, illa haddana, waxa la mooddaa inuu waddadii miraha hayo.

Labada talo ee na horyaal, waa dagaal iyo doorasho. Hubaal in talada fiicani tahay doorashada, hayeeshee, waxad mooddaa in durba iyadii cillado loo yeelaayo oo shaki laga abuuraayo awoodda wasiirka kowaad.

Mucaaradka oo iyagu horseed ka ahaa shaqaaqadii qarka noo geysay burburka ee kalliftay in Farmaajo tanaasulo kuna soo dhowaado shuruudahii mucaaaradka iyo sidii loo gaari lahaa doorasho inay dhacdo ayaa qoraallo sida muuqata aan loo dhameyn baahinaya, cilladeynaya, shaki gelinaya madaxbannanida iyo howsha uu hadda uun bilaabay wasiirka kowaad.

Sida muuqata haddii mucaaradku ku kalsoonaan waayaan, fursadna siin waayaan wasiirka kowaad ama la yimaadaan shuruuddo fulintoodu adkaato oo laga yaabo inayba ka baxsanaadaan mashruuca doorashada, waxa lagu noqon doona shaqaaqadii dabka dhalisay ee Alle naga badbaadiyey. Maxay noqon, haddiiba markan uu tanaasuli waayo Farmaajo oo uu go’aansado inuu damaciisa u dhega nuglaado? Waraabahaad laba geed ka bixisay, godka loogama daba tago. Dagaal ka filo.

Fursad dheemana ayey mucaaradku heystaan ay uga mira dhallin karaan arrinka, haddii ay u maareeyaan si taxadar iyo xilkasnnimo ku jiro, si loo xaqiijiyo danta wadareed iyo gaareed. Dagaalkii  mucaaradku la galeen Farmaajo wey uga guuleysteen, {guusha marbaa baqo lagu daraaye} waa inayan fursada daaqadda ka tuurin, naftooda iyo ta dadkoodana khatar gelin. Mucaaradku, waa inay ku baraarugsanaadaan inay jiraan quwado isu diray, kuna bahoobay ineynaan ka kicin halka aan naallo, saaxibtinnimo aan dibnaha dhaafsiisneynna muujiya. Nabadi wax kaama dhibtee, shar u foojignow!

Joojiya qormooyinkan iska soo daba dhacaya iyo wax kastoo turunturro ku ahaan kara howsha wasiirka kowaad wado, oo garab u ahaada si uu kalsooni ugu guto howshiisa, si doorashada aad dooneysaan dhaqsi ugu dhacdo.

 

Nur Cilmi (Wasugeh)


Statements, comments or opinions published in this column are of those of the author(s) and do not necessarily reflect the editorial policy of Warsan magazine. Warsan reserves the right to moderate, publish or delete a post without prior consultation with the author(s). To publish your article or your advertisement contact our editorial team at: warsan54@gmail.com

Related posts

Kidnappers released one hundred villagers in Nigeria

warsan

The ‘Danish model’ of exploiting migrant workers

warsan

Wagner, shadowy Russian military group, ‘fighting in Libya’

warsan