29.1 C
New York
June 5, 2020
Analysis

Marti ahaan meyno

Cabdislaaan-Ceeryaamo

Tuesday May 05, 2020cad

Waa wax  in geedku ka wax- soo-saar sarreeyo qofka Soomaaliga ah.

Iska cun….Iska guurso….Iska dhal…..Iska xamaalo…iska raaxayso…Jiifo, soo kac…Qubayso, bax! ayaa adduunka bari caada ka noqotay..Geedku wuu dhashaa… Dhintaa, dhacaa ama dhuux adag buu yeeshaa oo si qab leh buu u tooxaarsadaa. Waayaha qaraar iyo kuwa aan ahayn buu toos ula falgalaa. Waayo-aragnimo aan lala ogeyn, buu uruursadaa. Sida qofka ayuu qaddarta sugaa, balse nolosha ayuu wax la taaban karo, ku biiriyaa. Yaraantiisa rajo wax-soo saar, buu la soo fiixaa. Inta uu yaryahay buuna quud ku afuriyaa garaadlaha iyo garaadlaawaha. Socod-meerto-nololeed, oo aan qofna dulmin, qofna diln ama boobin ayuu caadiyanba leeyahay. In uu qof nooleeyo ama harac qabow hoos-geliyo, ama bahaahin afka u buuxsho, ama indho diif leh iyo qalbi daallan carceersho, mooyee waa dulmi-ka-saliid.
Waa wax cad in geedku ka wax- soo-saar sarreeyo qofka Soomaaliga ah. Waana igu gef in aan qof la barbar-dhigo, balse waxaa jira duul ka sarreeya dhanka wax-soo-saarka. Qolada galbeed, xilkoodii dhab ayay u guteen iyagoo dhirtii lafteeda adeegsanaya. Taas macneheedu ma aha in ay dadka kale ka garaad iyo dadnimo sarreeyaan, balse waa xil-gudasho iyo tartan dhexdooda ka jira.
Haddii maskaxda ku jirta, jirka ninka ama gabadha Soomaaliyeed geedka lagu rakibi lahaa, oo dabadeed, awoodda dhaq-dhaqaaqa iyo hal-abuurka loo idmi lahaa, dhirtu waxa ay dunida ku harqin lahayd wax-soo-saar tiro beel ah oo tayo leh. Sida ay haddaba uga haqab-tirto ayada oo bandow-nololeed oo dabiici ah ku jirta. In kastoo dhirta la’aanteed noloshu aanay jiri lahayn, haddana murugo wayn bay igu abuuraysaa sida dadkaygu marna dunida galti ugu yihay, marna marti. Sida aan halkaan ugu liidanno Ilaahow aan naartana ugu liidannaa, oo sida aan u raaxo jecelnahay Jannada noogu aruuri. Rabbow noogu aruuri!
Inta badan, meerta nololeedda qofka Soomaaliyeed yididiilo kuma billaabato sida tan geedka. Waa qof ciyaarta ka soo billaaba laba jirka, ilaa dhimashadana baashaalka joogteeya. Tusaale ahaan, dhallaankeennu inta badan nolol qaraaxaysi iyo rabitaan nafeed ku dhisan bay ku ababaan. Shan jirku, dheel gaar ah buu leeyahay, balse xirfad gaar ah ma lahan. Xiiso kubbadeed buu leeyahay, balse xiiso hal-abuur ama curineed ma yeesho. Baskoolad caag ah, qori caag ah, toorreey, FAAYE! FAAYE! buu ku soo ayaamo-baxaa. Waa waxa ugu horreeya ee uu ku adduun barto. In lays dilo, dadkana la dilo ayuu darsaa, waayo? waa waxa ugu fudud ee uu xiisayn karo ama dareenkiisu aqbali karo, halka wiilka galbeed buug sheeko carruureed ah iyo aalado maankiisa dhisaya lagu ciyaarsiiyo.
Kolkuu qaangaaro: Jacayl, hees, kubbad, alfis, weero, galmo, filin wareeg iyo sheeko-goobeed baa amminta ka booba. Dhowr iyo labaatan jir markuu yahay, hadduu guursa karo wuu guursadaa. Wax xoogaa dadaal buu muujiyaa. Karti laba jirkii badda quustay, buu jamallada xeebta ah ka baytiyaa. Rajo kol hore maskaxda ku wareertay, dabadeed hayaantay, buu ka daba holoqsadaa. Shaqo raadin iyo Mushaar-ceyris buu galaa. Mar wuu helaa, marna wuu waayaa. Hadduu waayo, murug iyo himillo xumi ayuu qol iskula soo xiraa. Sariirta ayuu dhafoorka saaraa, dabadeed ku fikiraa, goor aan goori goor ahayn buu kaligiis isla hadlaa iskuna hadlaa. Hadduu waxbartay waa sidaas, hadduusan barrana xaalkiisu ka sii xun.
Dunida iyo dadkaba wuu dhaleeceeyaa, nasiibkiisana wuu ka been-sheegaa—Haddii biilku u tooso, mushaarku joogto u soo dhaco, oo uu hawo-deegaaneed xasillan helo, maqaaxi buu fariistaa. Shaah iyo sheeko ayuu barraxdaa…Kala qarin dumar iyo kifaax dheer buu galaa …boqollaal iyo kumannaan doollar buu dalxiis ku gala…Wuu isl-baxaa, islana kor-ahaadaa, qof aanu weligiis noqon buu noqdaa, noloshana miisaan u gaar ah buu saartaa. Ilaa iyo afartan ilaa kontonka maalinba siduu ku arko ayuu ku xugmiyaa. Foolka ay leedahay buu isu yeelaa.
Tusaale ahaan: Hadday kulushahay ma qoslo, hadday qabowdahayna ma xanaaqo. Konton markuu yahay, xoolo badan buu aruursadaa. Hadduu helo, hoteellada ayuu iska fariistaa, sida xayi nimo leh ayuu wixiisa u cunaa. Sheeko odoyeedda buu halkaas kaga qayb galaa. Siyaasad waalan buu lafa-guraa, isagoo daallanna wuu ka soo hoydaa. Dhanka kale, hadduu sabool-yahay, biibitooyinka yaryar iyo meelaha shaahoodu jabanyahay, buu fariistaa. Asaaggiis buu sheekada kala qayb galaa<<Shinbirba shimbirkiisa ha la duulo, qof walba kan la sheeko ah ha loo daayo>>Shaaha waa laga dhiibaa. Marna wuu diidaa, isagoo is-gobeynaya, marna wuu oggolaadaa isagoo qab muujinaya. Weligaaba shaah islaameed qab ku cab. Salaaddu ma seegto ama way dhaaftaa. Safka hore lagama waayo, in kastoo aan mar walba safkaa la helayn.
Hadduu waxbartay waa caynkaas, hadduusan baranna nolol taas ka sii fool-xun buu ku dawaqaa. Tusaale ahaan, haddii uu Odoy miyi ama kuray baaddiyood yahay, meerto nololeed in yar ka dawan tan magaalada ayuu leeyahay. Hadduu da’yaryahay, waa mar uu ciyaar tumo ama Tuula-joog yahay. Waa jeer uu beer falo ama geel raaco. Inkastoo ay howl-nololeed asasaas ah tahay, haddana intaas oo kaliya dunideenna iyo wax-soo-saarkeenna waa ka eber boqolkiiba. Wiilkaas kol hadduu abeesoobo, ama waayeeloobo, nolosha soo dhicinteeda dhanna uma dhaafo. Dhab-u-noolashaha ayuunbuu qaayibaa. Duruufahiisana, gaar buu ula legdamaa.
Si guud, socod-meerta nololeedda aqoonyahanka iyo aqoon-laawuhu way is-garbinayaan ee is eegan maayaan. Waa laba meerto oo aan wax soo saar badan lahayn, in ay nolosha la hertamaan, marna ku raaxaystaan bay isku mid ka yihiin. Si kastaba ha ahaatee, Sidee baan ugu noolaannaa adduun aynu wax-soo-saarkiisa daawadayaal ama adeegsadayaal aan qiimi lahayn ka nahay? Oo sideen u aadnaa jaamacado iyo iskuullo aan lagu hormarinayn hibooyinkeenna? Waxa ugu yar ee na loo soo dhoofiyo, waa Ilka fanjaqis. Waayeel, aqoonyahan, arday iyo da’yaro sidaan u nahay ugama xumaanno adeegsi-findhicileedka shisheeye. Waa laysaga uur-sanyahay ee lagama uur-xuma isaga iyo in kaloo dalka lagu farsamayn karo.
Nolol baashaal ku billaabata kuna dhammaata, miyaannu ku noolaanaynaa intaannu jirno? Sidee?! Sidee?! Sidee?! Geedka aan dhaqaaqin iyo gacma-lugoolaha, indho-dhagoolaha, San-ku-neeflaha kartida badan iyo karaamadaha la huwiyay waa in ay wax soo saar isku mid ah dunida ku maansheeyaan. Ciddii wax-soo-saar yeelan waysana waxa ay gabtay xil wayn oo nololeed. Marti ka ahaan meyno hibooyina nagu dhex-tayimoobay…Dhaqso waa in aannu u kululeynaa, si aan oodkaca iyo shaxaruurta ula baxno.. Ugu danbeyntii, waxa aan bogaadinayaa dadka aan maalinna harsan, habeenna hurdin. kuwa tirada yar ee wax soo saarayna, mahad ballaaran baan u jeedinayaa. Duco ayaan u tebinayaa…Taariikhdana waa ay geli doonaan… Aqoon-kaashatadu ha is-dhiirrigeliso, da’yartana ha dhiirrigeliso, si aan adduunkeenna u qurxin
Cabdislaaan-Ceeryaamo
Muqdisho, Soomaaliya
whatsapp.com:-0617617184
Shekeeye288@gmail.com
Waxa maqaalka hore loogu qoray Hadhwanaag Media

Related posts

Coronavirus: Africans accuse Europeans of ‘coronising’ continent

warsan

Gobtii la Gumeeyey!!

nur

In Africa, social distancing is a privilege few can afford

warsan

Leave a Comment