The Warsan
Popular

MADAXWEEYNE MARNA HA AAR-GOOSAN

 

Madaxweynaha dowllad-goboleedka Somalida ee Itoobiya

 

Mustafa Muxummad Cumar, waa 45 jir dhowaan inuu madaxeyne ku meel gaara ka noqdo dowlad-goboleedka Somalida ee Itoobiya loo doortay. Illa iyo 2020ka ayuuna ahaan doonaa waqtigaasoo golaha shacabka dowla-goboleedku u codeyn doono cidda dhowrka sano dambe xilka hayn doonta. Cumar, markii la dooranayey xubin kama ahayn xisbiga dowlad-goboleedka, saas oy tahay haddana, wey u codeeyaan Xisbiga, waxa hadda guddoomiye loo doortay Axmed Cabdi Maxamed “ Ilkacasse”. Ilkacasse, waxa uu beddelay ninka aadka looga baqi jiray, haddana ku jira jeelka Addis, Cabdi Maxamuud Cumar. Madaxweyne Cagjar, hadda waxa loo doortay ku-xigeenka xisbiga talada gobolka haya ee ESPDP

Waxan la caddeynin sababta uu u qaadan waayey kursiga madaxtooyada Ilkacasse, ha ahaatee, xog-ogaalku, waxay leeyihiin, Ilkacasse, waxay aad isugu dhowaayeen madaxweynihii hore, iyadoo bey leeyihiin ay jiraan arrimo ku xeeran oo dhinaca sharcinnimadiisa ah iyo is-qabqabsi xooggan, oo ka dhex jiray xisbiga markii loo codeynayey madaxweynaha.

Xog-ogaalkan, ayaa isdoo kale saadaalinaya, in in laga yaabo Cagjar inuu xisbiga iyo hey’adaha dowladdaba ka sifeeyo taageerayaashii madaxweynihii hore, si uu u xajisto kursiga. Waxa soo baxayey warar le, waxa durba xilkii xubinnimo xisbi iyo duqnnimaba laga xayuubiyey duqeyddii Qabridahar iyo Godey. Calanka dowla-goboleedka ee Madaxweyne Cagjar dib u soo nooleeyey

Madaxweyne Cagjar, waxa uu ku suntanaa mucaaradnnimo, mar dambe isu beddeshay cadaawad keentay inuu gobolka ka caro. Waxa, uu si aan gabbasho laheyn ugu eedeyn jiray madaxweynihii hore, ku tumasho dhinaca xuquuqda Aadana ah iyo ku takrri-fal awoodeed, oo ka dhigtay bey leeyihiin bahal dilaa ah oo aan cidna cafin. Taageerayaasha Cagjar ayey la tahay inuu noqon karo madaxweyne wanaagsan. Oo la mahadiyo.

Awol Allo, oo macallin ka ah kulliyadda qaanuunka ee jaamacadda (Keele University School of Law) ayaa le “waxan Mutafa Cumar aqiinnay ugu yaran laba sano, aad baanan ugala sheekeystay siyaasadda gobolka Somaalidu degto, Itoobiya iyo gobolka guud ahaan. Ma garanayo qof ka garaad sarreeya, ka dadnnimo fiican, oo hoggaanka dowlad-goboleed-kaas uga fiican, oo hoggaamin lahaa”.

Ururka ONLF, waa ay taageersan yihiin, laakin, waxay ka biyo-diidaan faragelinta la sheegay inay dowladda dhexe ku waddo, iyagoo kula taliyey in umuuraha  gobolka loo daayo dadka u dhashay inay si xora u maamulaan umuurahooda u gaarka ah.

Warar mar dambe soo baxay, ayaa waxay sheegayeen in xisbiga (ESPDP) uu durba xisbiga ka eryey soddomeeyo xubnood (30) oo lagu eedeeyey fal-dembiyeedyo ka dhana xuquuqda Aaadanha, oo u muuqata in sifeentii bilaabatay.

Madaxweyne Cagjar markii la magacaabay, tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday, waxay aheyd inuu soo celiyo Calankii Wdastuurka ku qorna ee ay ka dhex muuqatay xiddigta shanta geesood le iyo magaca dowlad-goboleedka, oo uu amray inuu ahaado “Somali state”. Mar uu hadlayna waxa uu yiri; “CIDNA KA QARIN MEYNNO SOMAALINNIMADA-YADA” axa laga warhayaa, in maamulkii hore dhibaato geystay, haseyeeshee, go’aanka ugu fiicani, waa inaan la aarsan. Qofkii aarsada, isaguna, aarsi suge umbuu ahaan. Qiimaha uu cafisku ku dhex leeyahay diinteenna xaniifka ah, waad mid ammaanaya qofka cafiska kaashada.

Maqaalkan dhexdiisa aan kaaga codsado madaxweyne, inaad xataa cafiso madaxweynihii xilka ka tegay, haddana xiran. Waxan weliba kugula talinayaa, innad isaga laftiisa, inta ay maxkamadi xukumeyso xaqiijiso in si aadamnnimo loola dhaqmo, oo aan la jidh dilin. Xukuumaddaada ayey taasi ka saaci doontaa in daqarradii uu maamulkaasi ka tegay, si sahlan loo dhayo, adigana waxay kadhigeysaa hoggaamiye dadka u siman, marka xataa lagu daro taageerayaashiisaa. Waxa la ogaanayaa inaad dhaanto isaga. Waa haddii aannad booga hore xogin. Marna ha aarsan

Mustafa Cagjar, Isku duwe, ayuu ka soo noqday xafiisyada Qaramada Midoobay ku laheyd Muqdishu, Harare, Imaaraadka iyo Kenya. Ka horna dhowr jago ayuu ka qabtay dowlad-goboleedka Somaalida inta aanu ka cararin. Cilmiga dhaqaalaha ayuu shahaadada hore uga qaatay jaamacadda Addis Abeba. Ta labaadna, waxa uu uga qalin jebiyey dhaqaalaha beeraha, jaamacadda Imperial Collage, London.

Waxa diyaariyey: Cabdifataax A. Barkhad

Related posts

Gobtii la Gumeeyey!!

nur

Iyada oo arkaysa!

nur

ARE SOMALIS LOSING THEIR IDENTITY?

warsan