The Warsan
Cover

Kenya Deriska Maxaa Ku Diray?

 

Saaxib waad dooran kadhaa, laakin cidda diris ku noqoneysa ma dooran kadhid. Sannado badan, Kenya marka duray haleelo, waxa qaadi jiray deriskeeda oo dhan. Hayeeshee, doorkan, waxay u egtay, in deriskeedu dhabarka u jeediyey, af-xirna ka sameystay duraygeeda, si aanu ugu soo gudbin.Tansaniya, Ruwanda, Ugandha, Somaaaliya iyo hadda Itoobiya midna dabka kalama qaataan ama xiriirkoodu waa aad u qabow. Kenya waa go’ddoon. Koofur Suudaan, oo Kenya ay mar ka aheyd wiil Jubba loogu jecel yahay, iyada xargabka Kenya wey ka af-xiratay.

Dadka Koofur Sudaan hadda lamaba tusin karo Kenyaanka, waayo waxay qaadsiiyeen oo u waarideen cudurrda sida xun u dilooday (Kenya) ee ah musuqmaasuqa, laaluushka, been-abuurka iyo daroogada. Iyana albaakey xidheen. Buruundi waxba kama duwana deriska Kenya khaatiga ka jooga.

Kenya, mar bey aheyd dalka ugu dhaqaalaha xooggan mandiqada, maanta laakin, caloosha ayuu dhulka ku hayaa, oo xataa, hey’adaha dhaqaalaheedu, waxay la haraahirayaan culeysska ka heysta deynka aan meel loo meel deyin ee xukuumadda Uhuru ka qaatay dibadda iyo gudaha.

Sannad miisaanyeedka soo baxay 2021ka, waxa lagu sheegay in deynka Kenya uu lugta la galay 7.06 Trillion oo dhigma 65% wax soo saarka dalka. Dalku qarka waxa uu u saran yahay inuu dabooli waayo mushaarka shaqaalaha, horena meelo badan mushaar loogama qaato.  Dowladdu, waxay xaddidi laaday sixir barar xowli ku socda oo dalka meelaha qaar sababay macluul baahday, Turkaanaba ha ugu darnaatee.

Mar bey Kenya ahaan jirtay xarun-goboleedka loogu jecel yahay xagga maal-gashiga iyo ganacsiga, maantase waa gabaahiir xoolihii lagala baxay, mid dambana aan la gashan. Somaalida oo aad u maaligelisay, hadda waxay u wareegtay Turkiga, Ugaandha iyo Somaaliya.

Kenya muddo ayey ku naalooneysay nabadgelyo kuwa badan oo dhinacyadeeda ah aaney heysan, maanta nabadgelyadu faraha ayey ka baxday, Kenyaankuna joogto ayey ugu dhintaan nabadgelyo la’aan awgeed meelo badan oo dalka ah. Xuduudda dhinaca bariga iyadu maba maamusho. Barasaabka Mandheera Cali Roba oo mar hadlay ayaa yiri; xigasho, “50% gacanta nooma jiro degaanka Mandeera”.

 

Dhaxalka faragelinta Somaaliya

 

Dalka labadii nine isaga dambeeyey xunkiisa laga bilaabo 63-2002kii, siyaasaddooda arrimaha dibaddu, waxay aheyd mid ku dhisan sidii dalku uga badbaadi lahaa dabka hareerahiisa ka shidan iyo inaan faraha lala gelin umuuraha dalalka deriska oo colaado qaarkood ka oognaayeen iyo in magangelyo la siiyo kuwa hantida badan ka xada deriska colaaddu ka shidan tahay. Hantidaas laga soo xaday dalka deriska ayaa cirka ku daray dhaqaalha Kenya, maantana waxa dhulka geliyey siyaasad xumida Kibaaki ka soo bilaabatay ee fragelinta deriska (Somaaliya) illaa haddana uu u wado ina Kenyaatta, oo si waxshnnima ah ugu joor-fara xeerarka caalamiga ah ee dunida kala haga.

 

Ina Kenyaatta male culeyskii siyaasadeed iyo garasho ee  Kibaaki oo malahu yahay, haddii Kibaaki maanta madaxtooyada Kenya ka arrimi lahaa, ciidamada waa kala bixi lahaa Somaaliya oo waxa uu garowsan lahaa dhibaatada nabadgeliyo ee Kenya maanta cagaha kula jirto inay faragelintii Somaaliya kow ka tahay.

Kenyada maanta siyaasaddeeda arrimaha dibaddu waa fashal gebe-dhacleyneysa oo jaha wareeran, go’aamo is-diiddana qaadata waqti walba. Daawo siyaasadda Uhuru ee ku aaddan Somaaliyada uusan dhanna u badbaadin ee mar baryootameysa, mar goodineysa marna ka aarsaneysa shacab magan galay oo waxba galabsan.

Uhuru ha daawado muuqaalka baraha bulshada ku jira ee looga hadlayo markii tolkii (Kukuyu) u qaxeen Somaaliya 50-60kii iyagoo ka cararaya gumeysataha Ingiriiska (Mau Mau years) iyo go’aankii dowladdii Somaaliyeed qaadatay markii la weydiiyey, waxay ka yeeleyso qaxootiga Kenya (Kikuyu) markii xiriirka labada dal xumaaday.

Somaliya go’aankeedu, waxa uu noqday sida muuqalka ku cad in qaxootiga Kenya aan la celineyn, ka iskii u noqonaya maahee, Somaaliyana dhowrtay heshiisyada caalamiga ah ee qaxootiga ka yaal.  Caqligey ka suurowda in 500,000 oo qof in  lagu raro 14 maalood? Waxay ka suurowdaa oo kaliya siyaasadda aan meel loogu hagaago laheyn ee Uhuru uu  ku hoggaamiyo Kenya. Somaliya, waxa la gudboon inay aad uga foojignaato siyaasadda aan miirka qabin ee Uhuru, oo wax kasta laga filan karo illa la helayo Kenya iimaanku ku soo noqday ee nabad kula noolaata deriska, farahana kala baxda shu’uunta deriska.

Qormadii: Nuur Cilmi (Wasuge)

Related posts

United States of Africa — Dream gone with The Brotherly Leader?

warsan

Will corruption at the African Union Commission ever end?

warsan

Uhuru pauses speech during Magufuli’s funeral mass after Muslim call to prayer

warsan