The Warsan
Cover

Hiiran Gorgortan Waaqaca ku fadhiya Gal!

 

22 Janaayo, 2021

Diyaarinta: Nuur Cilmi Xalane

 

In la midoobo talo fiican ayey aheyd, cudud dhaqaale iyo mid bulsho baa ka dhalan karay, haddii si fiican loo maareeyo. Waxay aheyd in arrimaha dhiinacyo badan laga darso, xisaabtan dhabana wax lagu kala goosto, si sheegasho dambe looga hortago. Beledweyne iyo Jowhaar si aan ka fiirsi badan laheyn ayaa lagu mideeyey sannadkii 2016kii, madaxweynihii ugu horreyeyna xilka waxa uu hayey wax sannad ka yar. Labada gobol, waa dhul qaniimo Alla ku galladay, muhimad jograafiyeedna le.

Hiiraan waxa la qiyaasay xoolaha jooga inay gaarayaan 1-2 milyan oo neef, oo kuwa la dhaqdo ah. Duur joogta cidna ma tirin. Dhul-beereed tacabka ku fiican iyo webi aan gurin oo joogto u waraabiya dadka, xoolaha iyo dhulkaba Alla waa ugu daray. Jograafiyadda Hiiraan, waxay Hiiran ka dhigtay meel halbowle u ah ganacsiga, isku xirka gobollada dalka iyo jaarka.

Sh/dhexe, muhimaddeeda dhaqaale astan waxa u ah inay nasiib u heshay in laga dhiso warshaddii ugu horreysay ee nooceeda ah oo Afrika oo idil lagu arko oo sokor soo saarta sannadkii 1929kii, magaalada jowhar.

XAYEYSIIN

Dhul-beereedka qasabku ka bixi jiray bedkiisa waxa lagu sheegay 100-150km oo isku wareega. Xoolaha iyo wax soo saarka beeraha cid ku heysata waa dhif. Sannadkii 1963-4, waxa la geed-qaaday dhul—beereed baaxadle oo Shiinuhu ka beereen bariis oo Somaaliya aan hore looga beerin. Maanta waa gobolka dhinaca bariiska ugu wax soo saar badan. Badda ayuu qeyb mugle ka heystaa oo siineysa muhimad gaara.

Gobollada qaniimada le, dadkoodana lagu qiyaasay 2-3 milyan oo qof ayaa maanta macluul dugsada oo safaf-dhaadheer ugu jira raajin waqtigii la quudan lahaa kadib maray oo WFP u qeybiso. Waa hey’ad wacad ku madhay inaanu kobcin wax soo saarka gudahu, seexisana kuwa danaha gaarka ah ilaashada ee loo diro inay ka badbaadiyaan dadka, dhiirrigeliyaanna beeraleyda.

Hirshabeelle, sannadkii 2016kii ayaa madaxweynihii ugu horeeyey loo caleema saaray, wax ka yar sannad kadibna albaabka ayaa farta loogu fiiqay. Waa Cali Cabdulaahi Cosoblee, mar uu hadlay kadib ridistiisii, waxa uu eedda huwiyey Ra’iisal-wasaarihii isna xafiiska laga ceeriyey ee Xasan Cali Kheyrre. Sebtambar, 2017kii ayaa madaxweyne kale loo doortay H/shabeelle, 4 sannadood oo uu xilka hayey laba dhagax oo uu isi-saaray lagama dhaxlin, markii uu xilka tegay ee aheyd Noofembar 2020kii.

Dowllad-goboleedka Hirshabeelle, waxa hadda xilka loo tiriyey madaxweyne-ku-xigeenkii labadaa madaxweyne ee kor ku xusan- Waa Cali Cabdulaahi Xuseen (Guudlaawe). Guudlaawe, waxa uu dhaxlay “Hal nin gurrani tumay dhanna uma fayooba” dowlad-goboleed looga tilmaan qaadan karo, hayeeshee, isaga waxa la soo gudboonaaday oo mushkilahaa u raacay kacddoon shacab oo ka soo burqaday gobolka Hiiraan ee la midoobay Sh/dhexe oo uu Guudlaawe ka soo jeedo, sababtana waxa loo aaneeyey doorashada sidii loo maareeyey iyo cabashooyin wax qabasho la’aan salka ku haya.

Haddii Guudlaawe shacabka Hiiraan ku eedeynayaan madaxweyne maxuu u noqday?  Ma qabato. Waxa habboon in reer Hiiraan is-weydiiyaan sababta ay ku waayeen madaxtooyada? Labada madaxweyne ee hore, waxay ka yimaaddeen Hiiraan, waana waqtigaa, waqtigii dhibaatooyinka ugu ba’ani soo mareen gobolka, qaxa daadadku keenaan ee magaalada B/weyne ku joogtoobay iyo maamul-xumo halkii ugu hooseeysay oo gobolka joogto u aheyd ha ugu darnaadeen.

Shacabka dantoodu waa inay adeeg waxbarasho, caafimaad, amni iyo horumar helaan. Madaweynaha iyaga ka soo jeedaa hadduu intaa horseedi waayo, waxa u dhaama mid aan ka soo jeedin oo noloshooda beddela, hor-umarinna u keena.

Madaxweynaha hadda laguma eedeyn karo mushiladaha is-dul fuulay ee shacabka dowlad-goboleedka cusleeyey, waayo isaga masuuliyaddu toos uma aayan saarneyn oo waxa uu ahaa madaxweyne-ku- xigeen, madaxweyne ku-xigeenna waxa uu qabtaa, waxa madaxweynuhu u diro. Meel ka soo qaad male, wararka suuqa ee le “Mayee isagaa awoodda maroorsaday”.

Haddii xaalku sidaa yahay, kacddoonka Hiraan dadka hoggaaminaya, waa inay waaqaca wajahaan, gartaan halka laga qaniinay iyo kacddoonka waxa u fuli kara, kadibna wadahadal waaqacaa-ku fadhiya qorqortan ku galaan, lana galaan madaxweynaha la doortay. Muhimaddu maaha cidda kursiga ku fadhida ee magacaaaga wadata, muhimaddu waa wax qabad iyo in saboolka lala dagaallamo, qaniimada dalka ku jirtana looga faa’ideeyo bulshada. Kuwii hore midna ma keenin.

Guudlaawe in laga diido maaha, eed uusan laheynna loo tiiriyo, waxa ka habboon in la tijaabiyo, khaladaadka jirana leysku dayo in isaga lagu saxo. Madaxweyne Guudlaawe waxa laga rabaa inuu miir ku wajaho xaaladda, ka fogaaado wax kasta oo xaaladda uga sii daraya, adeegsadana cidda ugu habboon ee wax ka tari kadha murugsanaanta jirta. Maquunin xal kuma imaanayo, kala fogaasho iyo naceb-bulshada isu gala weeye natiijado.

Shaki kuma jiro madaxweynuhu inuu xog badan ka hayo dhibaatada Hirshabeelle halka ay bilaabato iyo meesha ay ku dhamaato, hubaalna weeye inuu is-beddel horseed u noqon kadho. Waa haddii uu beddelo sidii ay wax ku socddeen, oo uu la yimaado aragti iyo dad cusub oo ka gacan siiya himalada gaaristeeda. Kama maarantid inaad himilo iyo yool aad hiigsaneyso jiro, si aad taas u heshana, waa inaad hindisto qorshe cusub oo xalka ku gaadho iyo kaadiriin aqoon u le howsha.

Hoggaamiyaha fogaan-aragga lihi, waaka weheshada aqoonta iyo xigmadda duulka u saaaxiba, howl geliya kuna maareeya gudashada howshooda.

Madaweyne Guudlaawe, waxa uu dhashay sannadkii 1974kii, Jowhar. Dugsiga h/dhexe, waxa uu ku dhameystay Jowhar. Shahaadada sare waxa uu ka qaatay jaamacadda (Somali International University).

Agaasimaha maamulka lacagta ayuu ka soo noqday maamulkii Maxamed Dheere (AHR), 2001-6kii. Barasaab ayuu gobolka ka noqday 2014-16kii. Madaxweyne-ku-xigeen ayuu u noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Hirshabeelle yeelato, 2016kii. Mar kale ayuu madaxweyne ku-xigeen u noqday madaxweynihii labaad ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare 2017kii.

Madaxweyne Guudlaawe, baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa aqlabiyad ku siiyey madaxtooyada Hirshabeelle inuu majaraha u qabto 4ta sano ee na soo haysa. Hambalyo madaxweyne.

 

Nuur Cilmi waa soo saaraha majallada Warsan magazine ee saddax billaha ah, isla markaana tifatiraheeda ah

Related posts

International Community Funds Israel’s Abuse of Jailed Palestinian Minors

warsan

The Modern History of Islamophobia Starts in Israel and Ends in France

warsan

The dark side of agriculture and food on environment and society exposed

warsan