The Warsan
Cover

Faallada Warsan: Maanta Waa Maalintii Midnnimada

 

Weligeenba cadow waannu laheyn, qarni aan colaad iyo Aafooyinka dabeecadda is-food saarin taariikhdu ma diiwaan gelin. Cadowga waxan ku soo dhaafnna, libintana ku heli jirray midnnimo iyo iskaashi, jiritaankeenana ku sugnnay. Maanta midnnimadaas dhaawac baa gaaray, bal maalinba maalin bey ka xumeyde, maanta cadow dabeeciya oo aad u halisa ayaa sanka nagu haya. Hareeraheenna gumaad ayuu ka wadaa, dunida kalana(weliba ta hore u martay) waxyeelladu ugu daran. Cidna ma uu qaddarinayo, taajir iyo sabool, madax iyo shacab. Xaalkeenna isaga warrami meynno, wax kasta waa nugul nahay, saas oy tahay, haddana dad is-dhiiba ma nihin. Inaan ka guuleysanno cadowga shardi waxa u ah inaan gacmaha is-qabsanno, oo midnnimo ku wajahnno.

Farriintu, waxa weeye inaan dhinac isaga riixnno khilaafka siyaasadeed ama ugu yaraan hakinno inta aan dagaalka badbaadada ku jirno. Ma joogto maanta Waqooyi, Koofur, Bari ama galbeed, waayoo cudurkani cid walba halkeeduu ugu tegaya.  Maxaa nala gudboon? Taladu waxa weeye:

1. In hoggaanka maantu horseed noogu noqdo dagaalka, dadkana u abaabulo sidii looga hortegi lahaa, iyadoo aan nolosha dadka cidhiidhi looga dheyn, ammarro aan meesha qaban wadcyigana ka shidaal qaadaneyn la soo saarin. Xukuumadda waxa laga rabaa inayan dadka u soo bandhigin macluumaadka caafimaad ee dhiillada sida, sida dadka looga ilaaliyo cabsida iyo walaahowga. Waa in wasaarradda caafimaadku taxaddar weyn ka sameyso warka shacabka la quudinayo, howshadana u xilsaarto dad xil kasa oo waaya-araga, aqoonna u le howsha. Ha laga digtoonaado in la soo saaro ammarro xannibaya isu-socoda, haddii aaney lama huraan noqon.

2. Mucaaradka waxa laga doonayaa inay xukuumadda dadaalkeeda gacan siiyaan oo aan goldaloolladeeda yool siyaasadeed lagaa dhigan. Maanta maaha maalintii goolalka siyaasadeed la kala dhalin lahaa, waa maalin sabata-bixin dadka la doonayo xukumo.

3. Shacabka waajib waxa ku ah inay fuliyaan awaamirta caafimaad ee xukuumadda ka imaanaya, gacanna ku siiyaan sidii ay gudan laheyd waajibka saaran. Majallada Warsan waxay qeyb ka ahaaneysa sidii cadowgan looga guuleysan lahaa.

Related posts

Sudan requests international mediation over Ethiopian dam

warsan

Stitched Lips! Hundreds of Migrants Are on Mass Hunger Strike in Belgium

warsan

Therapy in the Middle East Needs a Non-Western Approach

warsan