December 16, 2019
Analysis Economics Popular

Aynnu Ducaysanno

 

Goortu waa casar, goobtuna waa gudaha Masaajid ku yaal Hargeysa. Dad tiradoodu boqollaal kor u dhaaftay ayaa heegan u ahaa in ay faralka gutaan. Waxa dhinacayga midig ku tukanaayay oday da’ ah oo maryo cascas oo sunuftii abaartii naahuurada ahayd ee jiilaalku sankayga daandaansanayso. Waxay ahayd sunuf aan ka dhalan fayo-dhowr xumo iyo basarinnimo la mid ah ta lagu arko reer-magaalka badhkood, bal se ka dhalatay cidhiidhiga joogtada ah ee dareeraha nolosha (biyaha) ee ka jirta dhulka Hawdka. Waa la salaamo-naqsaday, dadka badankoodiina waa ay oogsadeen sidii ardey dugsi-Qur’aan oo hor-joogahoodi (kabiirkoodi) ugu tiraabay “fantashiruu!” {kala dareera !}; ka dibna mid wal oo dadkii ka mid ahaa dhinaca irridaha ayuu ula hulleelay jaamahiisii (kabahiisii). Soddon gu’ ka hor, qof kasta oo Hargeysa ku noolaa, muuqaalkaasi ma uu u ahaadeen mid la soo dhawaysto, foolasha (wejiyada) dadkana waxa uu ku sunti lahaa af-kala-qaad iyo giirasho. Ha yeeshee, aniga oo meeshii cabbaar ku sii negaa, ayaa odaygii, isagoo amankaagsan uu weydiin iila holladay:Kuye: “Adeer durraamashadii (ducadii) miyaa la

iska daayey?” Aan idhi: “Oo adeer xagee ayaad ka timid, miyaanad magaalka joogin?”

Odaygi waxa uu ii sheegay in socdaalkiisani  ahaa kii ugu horreeyey ee uu weligii Hargeysa ugu soo kicitimo, si uu u booqdo Cisbitaalka  Manhal,  si indhaha loogu fiiqo.

Intii aannu (labadayadu) ku gudo jirnay is-dhaafsiga labadaas waydiinood, waxa uu odaygu kor u hayay labadiisa baabaco. Waxana uu u eekaa sidii qof tebaya wax uu yiqiinnay, oo mar weheshi, mar waano, marna ruux-korin u ahaa. Waxa kalena ma ay ahayn e, waa DUCO-WADAREED uu tan iyo yaraantiisii madal kasta oo arrin lagu maaraynayo, mayd korkii, mawlaxooyin iyo mag la go’aaminayo iyo Masjid kasta gudihiisa ka maqli jiray, midhaheeda sida maanshaallida u macaanna u raaricin jiary maankiisa, ka dibna laga dareemi jiray korkiisa iyo kalkiisa raad muuqan kara.

Waxa kale oo uu xasuustay marka uu wadaadku ducada marinaayo (siiba Af-Soomaali) oo la arki jiray dhegaysteyaasha oo dhadhansanaaya erayyada la suugaaneeyey (loo dhigay qaab suugaaneed) – taasoo dhalisa in maankooduna u socdaalo isla markaana mayracado kolba kobta ugbaadsan ee uu wadaadku u tallaabsho. Haddaba, wax kale iyo kuma garatid e, saansaanka ka muuqday odaygaas, waxa uu u dhignaa sidii wadaad u soo hoyday reer, oo si gobannimo leh loogu loogay neef shilis, aane se maraqii loo raacin!

Isla  goobtii  aan  fadhiyay, hadalkii odaygu waxa uu igu xambaaray in aan isha mariyo Masaajidka gudahiisa, iskuna howlo (si daandaansi ku jiro), bal inaan ogaado inta qof ee iskood u ducaysanaysa – anigoo tilmaame ka dhiganaya gacmaha kor loo taagayo. Waxana aan dhaafin waayey tirada dadka qacmaha kor u haya (ducaysanaya) shan qof oo keliya!

In la xooro duco-wadareedka salaadaha lagu daba cidhbin jiray waxa ay la kowsatay intii uu bilaabmay fufka dhaqdhaqaayada cusub ee Islaamiga ahi, isla markaana ay ka hana-qaadeen carriga Soomaaliyeed.

Waxana hab-dhaqankaas (duco-wadareedka) lagu suntay in uu yahay wax diinta lagu soo daray (bidco). Bulshada Soomaaliyeedna waa ay hoggaansantay – taas oo ay culimada dambe ku xoojiyeen dooddoodii in ducada keli-kelida ahi ka dheerad (fadli) badan tahay midda wadareed– maxaa yeelay: halka uu Imaamku keligii ka ducaynayo, ayaa qof kasta oo ka mid ah jamacu uu naftiisa iyo ummadda Muslimka ahba u ducaynayaa.

Waa arrin wanaagsan haddii taas la helaayo. Ha yeeshee arrinka ii muuqday kama uu duwanayn “wax tarso, wax beel ayey keentaa.” Horrayso iyo dambayso, ma aanan u dhaadhicin quluubta dadka, bal se haddii aan ku tago in gacmo-fidintu tilmaame u tahay durraamashada (ducada) waxa muuqata in ducadii

laga dayriyay Masaajiddada gudahooda. Intii odaygaasi arrinkaas igu baraarujiyayna waxa aan naftayda ugu sheekeeyaa “Aar malaa Soomali meel kale loogama iman e, AYNU DUCAYSANNO”.

 

Axmed Ibraahin Cawaale

Related posts

3 share Nobel Prize in economics for ‘experimental approach’ to solving poverty by Jeff Stein

warsan

Ma Saadaad-Kii Geeska Afrikaa

nur

Qatar’s cost of living declines 0.84% year-on-year in October

warsan

Leave a Comment