The Warsan
Cover

Axmed madoobe goormuu garan doonaa inuu dhul barwaaqo, omos u beddelay, dacwadna maalin uun la oogi doono

 

 

Sidan ayuu ahaa

 

Goormuuu Axmed dareemi doono inuu horseed ka yahay, dhul saxaraha inuu dhaxal- siinaayo jiilasha soo aaddan. Axmed nin culuma ah weeye, kitaabka Allana wax badan bowsaday, lagama filey inuu tacadiga muggaa le raalli ka noqonaayo, waayo dhirta noola aadane iyo xoolaba le ayaa nolol ka hela.

 

 

Sidan ayaa loo beddelay-lama degaan

 

Duur joogtii dhuulkaa camiri jirdhay, maanta xabadi kama joogto, aadana degan badankooda oo Axmed u nasab-sheegto wey ka qaxeen, haddii cid ku hadhay jirtana oon iyo daaq la’aan baa gondaha u taal.

Kismaayaan ka dhoofineynaa!

 

Qofka nasiib u hela inuu Axmed la fariisto, waxa hor imaanaya qof u eg inay aad u dhibto dhibaatada Somaalida heysata guud iyo ta lixaadka le ee taal halka uu maamulo, awood uu isbeddel ku keeno haddu 

 

                                Kuwan (KDF) ayaa looga faa’ideeyaa, kuwii lahaana xeryaa lagu ooday!

 

heyn lahaa, xaalku sida uu yahay uusan ahaadeen. Isma qabataduse waxay tahay, taa uu hayo muu adeegsado, oo ugu yaraan dekadda ka joojiyo in jawaan dhuxuli ka dhoofto.

Axmed, waxa la gudboon inta uu weli nafta hayo, inuu dabaqateeyo xoorka haray, haddiiba wax ka sii nool yihiin. Xusuuso waalkeyow aayadda le “mid kastoo raaca ah, wixii la raaciyey isagaa xil ka saran yahay”. Alla ha ku duwo.

 

WQ: Muwaadin ka xun waxyeellada

 

Related posts

Burhan’s decision to dissolve the Rapid Support is evidence of confusion

warsan

Nervous Qatar: the political boycott impedes gas supplies to Europe

warsan

Telephone Service Begins Between UAE and Israel Amid Deal

warsan