8.6 C
New York
March 28, 2020
Cover

Xaajada Somaaliya & Somaliland, Xeer-beegti bey rabtaa

Haddii ay Soomaaliya doonayso in ay Somaliland la heshiiso (midnimo ama kala go,’) waxa lagama maarmaan ah in si qaran loo derso, looga tashado, loogana hawl-galo qaabka heshiiskaas lagu geli karo. Hab qaran waxa aan ula jeedaa xukuumadda markaa jirtaa geeddi-socodkaas garwadeen haba ka noqotee, in saamileyda arrintani ay khusayso ay iyana wada-hadalada qayb ka ahaadaan, talana ku lee yihiin hannaanka wada-xaajoodka loo dhaqaajinayo (tusaale ahaan, waa in Soomaalida ka soo jeedda Somaliland ee midnimada aaminsan, hoggaanka deegaanada Sool iyo Sanaag iyo Puntland-ba) laga tala galiyaa qaabka loo abbaarayo wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Sidoo kale, waa in inta saamaynta leh sida culumada, ganacsatada, hoggaanka dhaqanka, bulshada rayadka iyo aqoon-yahanka ay qayb ka ahaadaan talada guud iyo farsamada Somaliland loola xaajoonayo. Si kale haddii loo dhigo, xukuumadda markaa jirta oo kaliya hawshaan kuma filna, masuuliyadeedana kaligeed ma qaadi karto ee arrinta midnimada ama kala go’u waxa ay u baahan tahay in loo talo-badsado.

Sidoo kale haddii Somaliland ay doonayo in ay Soomaaliya la heshiiso (kala go’ ama midnimo) waxa ay iyana u baahan tahay xukuumadda markaa jirta garwadeenba ha noqotee, haddana, in ay talada ka qayb-geliso dhammaan wax-garadka iyo saamileyda Somaliland, gaar ahaan qaybaha bulshada ee saamaynta leh, sida xisbiyada mucaaradka, ganacsatada, aqoon-yahanka, bulshada rayadka, culumada iyo hoggaanka dhaqanka ee dhammaan deegaanada Somaliland – bari, bartame iyo galbeedba.

Waxaa iyaduna mudan in maanka lagu hayo, dadka ku nool Soomaaliya iyo Somaliland boqolkiiba 70 waxa ay da’ ahaan ka yar yihiin 30 sano, markaas labada dhinacba waxa ay u baahan yihiin in ay wada-xaajoodka iyo meeshii loo guurayo kaalin muuqata, mugna leh ka siiyaan muwaadiniinta aqlabiyadda ah ee da’yarta iyo da’da dhexe ama wixii 30 sano ka yar.

Weliba, waayeelka ama inta ka weyn 65 sano tirada dadka Soomaaliya iyo Somaliland waxa ay ka yihiin boqolkiiba laba!; haa!, waa sidaas, waa 2%!, marka waxaa looga baahan dadkaas tirada yar in ay ogaadaan in hawshaan aysan iyagu go’aankeeda lahayn, aysanna talo guud maahee ku tala bixi karin, oo go’aanku uu u yaallo inta badan ee boqolkiiba 98-da kale.

Ajaanib xal ma hayaan ee waa in xeer-beegti la helo

Jamhuuriyadda Soomaaliya in la isku celiyo ama in Somaliland ay noqoto waddan gooni u taagan, waa arrin ku xiran dadka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaliya iyo Somaliland. Abiy Axmed midnimo ma keeni karo, iyo Erdegon toona ama Switzerland; sidoo kalana, Imaaraad ama Ameerikaan iyo Ingiriis midna kala go’ ma hirgelin karaan, sideedana, maba habboona, in waqti-badan la isaga dhumiyo, tuhun ah in ajaanib ay xalkeeda hayaan, xaajo, dhab ahaantii, gacanta Soomaalida ku jirta.

Abiy Axmed
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa doonaya inuu dhexdhexaadiyo Muqdisho iyo Hargeysa.

 

Weliba, khilaafka Soomaaliya iyo Somaliland laguma xaliyi karo wax aan ahayn, in ay gacanta la galaan xeer-beegti iyo xeel-dheerayaal, (ahlul-xalli wal-caqdi) ama dadka ay tahay in ay taliyaan; waana in hawsho xallinta khilaafka la siiyo waqti ku filan, si ay u bax-naaniyaan waxgaradkaas.

Sidaas darteed, qaabka ugu habboon ee xal loogu heli karo khilaafka daba-dheeraaday horumarkana dabraya ee Soomaaliya iyo Somaliland, waa in labada dhinac ay abuuraan laba guddi qaran, joogto ah oo ay ku jiraan cid kasta oo aan laga maarmin, lana siiyo muddo ugu yaraan saddex ilaa shan sano ah si ay xal waara u keenaan, iyaga oo soo hormarinaya talooyinka iyo xalka si dhib-yar loo hirglin karo labada dhinac-na ka gadmaya, isla markaana wixii aad loogu kala aragti duwan yahayna dib u dhigaya.

Sida muuqata labada dhinacba, guddiyada hadda jira waa guddiyo xukuumadeed; haddii xal waara, oo loo aayo la doonayo, waa in hawsha loo xilsaaro guddiyo qaran ama lagu dhan yahay. Tusaale ahaan, waa in baarlamaanada labada dhinac uu midkiiba soo xulo laba mudane, oo iyaga matala hawshana ku habboon; sidoo kale Aqalka Sare iyo Golaha Guurtidu waa in ay soo xulaan midkiiba hal mudane ama labo, xukuumaduhu waa in iyana soo xulaan laba qof oo miisaan leh kuna habboon hawshaan, culumada laba dhinac waa in ay iska soo dhex-saaraan dhan kasta laba sheekh ama caalim, ganacsatada labada dhinac waa in ay ka yimaadaan dhiniciiba laba wakiil, hoggaanka dhaqanka waa in ugu yaraan Somaliland ay soo dirsato laba wakiil, Soomaaliyana labo kale.

Maxaa Soomaalida Soomaaliya la gudboon?

Inta badan (haddaysan dhammaantood ahayn), Soomaalida Soomaaliya waxa ay doonayaan in Somaliland ay Soomaaliya ku soo noqoto oo gacal-doonkii Somaliland hayey markii ay calanka keeneen 1960 mid la mid ah ayaa weli koofurta ka jira, oo midnimo ayay doonayaan. Maaddaama ay dowladdii Soomaaliya burburtayna, Soomaalida Soomaaliya ama midnimo doonka ah, taladu uma urursana. Si kastana, xaalku ha noqdee, midnimada ay Soomaalida koofureed doonayaan, afar waddo ayaa lagu raadin karaa;

(A) In awood dhaqaale, mid milateri, mid siyaasadeed iyo mid diblomaasiyayeed loo isticmaalo in Somaliland looga quusiyo gooni-isu-taag laguna ogolaysiiyo midnimo, waana taas midda uu Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey dowladda Farmaajo (marka laga reebo istic-maal awood milateri);

(B) Waxaa kale oo ah dariiq midnimo lagu raadin karo, in Somaliland loo hoydo, la raalli geliyo, la xaal-mariyo, magdhow la siiyo, loona yeelo wax kasta oo ay midnimo ku aqbali karaan, koofurna ay ku aamini karaan; ama in loo yeelo sidii ay 1960-kii yeeleen iyo kabadan. Qaabkan midnimo-doonka ahna ilaa iyo hadda dadka ku qanacsan ee Soomaaliya, bannaanka si muuqata iskuma keenaan.

(C) In adduunka la garabsado, oo ama dhex-dhexaadin ama culaysin, ama qancin uu adduunku Somaliland ugu soo celiyo midnimada Soomaaliya; waa midda aad mooddo in ay dadka qaarkii Abiy Axmed ka filayaan.

(D) Waxaa iyana hannaan 4-aad ah in sida aan kor ku soo sheegay wadahadalada loo xil-saaro, waqtina la siiyo farsamo-yaqaanno, xeer-beegti iyo samatalis ah, bulshadana si dhab ah u matala, kuwaasoo idman (with mandate), si wada-xaajoodka caqli loogu galo, loogana fogeeyo caadifadda iyo xifaaltanka siyaasiyiinta iyo duqeyda tirada yar, iyada oo mustaqbalka iyo danta guud iyo midda jiilalka soo socda mudnaanta hore la siinayo.

BaarlamaankaLahaanshaha sawirka, baarlamaanka Somaaliya

Soomaalida Soomaaliya waxa ay u baahan yihiin in ay is-weydiiyaan 4-taas waddo oo midnimo lagu raadin karo, midda ay doonayaan ama ay u arkaan in ay ku wajihi karaan Somaliland. Hadda waxaad mooddaa in marba mid lagu dayayo, taasina horayna uma shaqayn, mana shaqayn doonto; kudday ma shaqayn doonto.

Somaliland maxaa la gudboon?

Somaliland waxa ay gooni isu-taag ku dhawaaqday ku dhawaad soddon sano ka hor. In kasta oo wixii aqoonsi lagu heli lahaa sida ciidan, xudduudo ay ka taliso iyo doorashooyin dimuqraadi ah ay hirgelisay, haddana adduunku ma aqoonsan in ay jirto dowlad madax-bannaan oo Somaliland la yiraahdo. Haddaba, Somaliland waxa ay u baahan tahay in ay is-weydiiso mashruucaas, madax-bannaani-doonka maxaa ka hirgalay; haddase, rajada in uu hirgalaana xagee ayay maraysaa; haddii aqoonsigii uu u eg yahay mid aan isa soo tarayn, maxaa la gudboon ama xaggee ayay Somaliland halkaan uga dhaqaaqaysaa, waayo horumar dhaqaale, maal-gashi dibadeed iyo kaalmo wax-ku-ool-ah oo caalami ah ayaa idilkood u xanniban xaaladdan aan kala go’ iyo wadajir toona ahayn ee Soomaaliya iyo Somaliland ay 30-kii sano ee la soo dhaafay ku sugun yihiin.

Su’aashu waxa ay tahay, malla gaarey xilligii ay dhammaan qaybaha bulshada Somaliland is-weydiin lahaayeen xaggeen u soconnaa, iyada oo maanka lagu hayo dadka badankiisu (70 boqolkiiba) in ay dhasheen gooni isutaagga kaddib, ayna dhici karto in ay leeyihiin dano ka duwan kuwa duqayda (shaqo, nolol, horumar) ama ay hayaan fikrado cusub.

a.Lahaanshaha sawirka, baarlamaanka Somaaliland

Dhanka kale, cabashada Somaliland ay Soomaaliya ka qabto mid la nooc ah ayaa waxaa qaba deegaanno Somaliland ah oo ku doodaya in aysan go’itaan doonayn balse ay doonayaan in ay Soamaaliya ama Puntland ka mid ahaadaan, sida qaar dadka ku nool gobolada Sool iyo Sanaaag iyo Somaliland-ta kalaba. Maxay Somaliland jawaab u haysaa, doodda iyo cabashooyinka deegaanadaas iyo guud ahaan beelaha darafyada, oo markii horana aan SNM ahayn, xukuumddii Siyaad Barre-na aysan xasuuqin, Soomaaliyna doonaya.

Si kale haddii loo yiraahdo, haddii ay Soomaaliya diyaar u noqoto in ay ka gar-baxdo Somaliland si caqliga iyo caddaaladda ku salaysanna ay ula garnaqsato, Somaliland diyaar ma u tahay dadka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo aan go’itaanka doonayn in iyaga ka garbaxdo, si caqliga iyo caddaaladda ku salaysan.

Ugu danbayn, soddon sano ayaa la maqlayey doodda inta mayalka adag, ee halku-dhigoodu yahay ‘gooni-isu-taaggu waa muqaddas’ iyo kuwa dhigooda ah oo ku dooda ‘gobolada woqooyi’ iyo ‘ma goosan kartaan’, ee su’aashu waxay tahay: culumada Soomaaliya iyo kuwa Somaliland hawshaan masiiriga ah aragti ma ka leeyihin, ganacsatada iyagu fikir malleeyihiin, aqoon yahankuse afkaar hawshaan ku saabsan ma hayaan, dhallinyarada todobaatan boqolkiiba ah oo laba deegaanba ku nool iyagu maxay doonayaan.

Anigu waxaan arkaa sida ugu hobboon in ay tahay in guddi bulshada oo dhan matala, xeer-beegti ah oo muddo saddex sano ilaa shan sano ah haysta hawshaan in loo madaxbanneeyo. Sida kaliya oo – midnimo ama kala tag midkay noqotaba – lagu gaari karaa, waa in hawsha dad ehel u ah ay galaan, si miyir ahna looga baaraan degaa.

Hadda 30 sano ayaa Somaliland iyo Soomaaliya ka dhuntay, ee soddon kale yaan la lumin. Waqtiga dhumayaana kama lumayo, Abiy Axmed iyo inta tirada yare 65 sano ka weyn, ama kuwa 30-kii sano ee tagey xarig-jiidadka ku jirey, ee waxa uu waqtigu ka lumayaa waa dhallinyarada 70% kiiba ah ee ku nool Soomaaliya iyo Somaliland.

Xaajadu, waa xaajo weyn, xeer-beegtibay rabtaa

Qalinka:  Cabdirashiid Khaliif Xaashi

 

Maqaallada ku soo baxa majalladan, mas’uuliyaddooda waxa iska le qoraha, sinna xiriir ulamale siyaasadda majallada kamana tarjumayaan

Related posts

At least one wounded in US embassy rocket attack in Baghdad

warsan

Turkey faces US sanctions over missile defense deal

warsan

US for the first time registered over 130 deaths in a day due to coronavirus

warsan

Leave a Comment