April 29, 2025
Cover

Warsidaha Warsan Maxaad Ka Taqaan

WARSSIDAHA WARSAN IYO KA UU YAHAY

 

 

 

 

ABRIILE 16, 2025

 

Ta nagu saabsan

Warsan waa warside 25tan gu jira. Nayroobi ayaa lagu daah furay dabshidkii 2000kii, isagoo markaa ahaa warside toddobaadkii mar soo baxa oo ka kooban 12 bog waraaqaha fidsan. Afka hooyo ayuu ku soo bixi jiray, siduu haddaba ugu soo baxo. Hey’ado shisheeye oo howgeli jiray Somaaliya, bal Nayroobi deganaa ayuu la shaqeyn jiray. Weligood na mey odhan howl idiin dirsan meynno haddeydnaan afka la wada yaqaanno wax ku soo qorin ( Ingiriisi), bal afka hooyo baabey ka baran jireen.

Majallad waxa uu isu beddelay gugii 2015kii, welina waa majalladii iyo afka hooyo. Meereeye lagu magacaabo: thewarsan.com ayuu leeyahay, dhowr afna ku aqrisan kadho.  Somaali ahaan meynno, haddaan afka weynno. Ma ilaashanna?

 

Soo socotada iyo filashadeenna

 

Waa innaan ahaanno halka laga cabbo, lagana qeybiyo wararka siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada ee koonkan, si dhow Somaliya. Ayan na hoggaamin danta gaarka ahi, ta guudna sanka uga tolnaanno.  Ahaanno warbaahin u dhaxa bulshada, ammin sugan warka ku siisa, ku wargelisa, kulana fal-gasha, afka hooyana ku korisa.

 

Ruuxa hab-dhaqankeenna

Waxan wargelinaa, hagnaa, hoga-tusnaa  horweynta siyaasadda, aqoonyahanka  iyo howl-wadeenka  maareeya siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Waxan ka dignaa gabood-falka dhaqaale, garsoor iyo siyaasadeed. Ma cabsanno, gabbanno, kamana leexanno u hiilllinta dulmanaha. Dulmigu diiwaanka nooguma jiro, haddii nala dulmiyana sharcigaan ku aarsanna.  Si hufan ayaan ugu adeegnaa kuwa nala macaamila goor kasta, meel kasta iyo xaalad kasta, si ka fiican cid walbana waa u dhaqagelinaa  Warbaahin bislaata ama ganacsi bulaala, waxa u lama huraana howl-wadeenno karti, aqoon iyo hal-abuur le. Waannu nahay, astaanta-yaduna, waa soo dhoweyn diirran, is-garabsi, qaddarin iyo wada-shaqeyn.

 

Doonisteenna:

Dhowrsanaanta afka hooyo doorka nooga aaddan inaan qaadanno ayaa mudnaanta hore noo laheyd, noona le. Akhristayaasheenna inaan  war sugan waraabinno iyana waa noo mudnaan kale. Xog dhoodhooba ma soo gudbinno.  Mid haaadsan ayaan gudbinaa, oo gudbinnaa waqtiga ku habboon, si kuwa nagu xirani ay ugu jaan-gooyaan go’aamadooda siyaasadeed, ganacsi iyo mideed.  Garasho iyo xeeldheeri gaara baannu u leennay baahiyaha xogeed ee kuwa wadaanteenna biyaha ka suga.  Warsan waxa aqriya horweynta siyaasadda, howl-wadeennada, barayaasha tacliinta sare, ardada, ganacsatada iyo shisheeyaha booqda meereeyaha Warsidaha Warsan oo le qeyb afafka Ingiriiska, Carabida, Fransiiska soo beddesha.

 

Sidee na loo helaa

 

Warsan joogto ayaa looga helaa meereeyadeeda (website), saacad-saacadna waa loo raraa, adoo u aqrisan kara afafka Somaaliga, Ingiriiska, Carabida iyo Faransiiska  Saddaxddii bilood mar ayaa la daabacaa, afka hooyana waa uu ku soo baxaa. Warsan maaha kuwaad badanaa ku aragto waddoonyinka, goobaha ganacsiga ama xafiisyada dowladda oo kale, hayeeshee waa warsida il-qabad le oo si fiican loo naqshadeeyey, haddana sida xog ay soo uruuriyeen, gorfeeyeen,  habeeyeen, saxeen, qorayaal ku xeeldheer afka hooyo, cilmiga warbaahinta ugna dambeeyeen, tifatirayaal sare  iyo mid guud  hubiya inta aan bulshada loo bandhigin. Xogta warsan lagu raray waa mid aan qeybna dhaafin oo koobtay wax kasto la falgala nolosha aadanaha.

 

Ma dooneysaa inaad Warsan wax ku qorto?

Warsan wax aka go’an, diyaarna u tahay inay la shaqeyso, qaadato, tababarto qorayaal cusub ama kuwa hore u soo shaqa galayba. Sidoo kale, waxay soo dhoweyneysa kuwa doonaya inay wax ku qoraan majalladda gaar ahaan aradada dhigata am aka qalin jebisay kulliyadaha warbaahinta, sharciga iyo cid kasta oo dooneysa inay wax qorto, tababarato ama majallada soo socotada ka mid ahaato. Hadda si gaara waxay u dooneysaa tifatirayaal oo xuubsiita tifatire guud, kana mid ahaada qoyska warsan  soo socotada haddii Alla idmo.

  

Ma aragtay, ma maqashay, mise laguu sheegay Warsidaha Warsan

Warsan waa warside shan iyo labaatan gu jira, afka hooyana ku soo baxa. Xogta uu sido maaha mid ku cajis gelineysa, bal waa mid aad macaansan doonto, misana kugu qalabeyneysa xog aad uga go’aan qaadan karto umuurahaaga ganacsiga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Yaa aqriya warsidaha Warsan?

Warsan waa saaxiibka bulshada qeybaheeda oo dhan. Horweynta siyaasadda illaa hooyada khudaarta. Waa cilmi, madadaalo, farriin qaade, dugsi (Afka hooyo laga barto), curiya, bare, difaace, wacyi- geliye, toosiye haddana dhise.

Ma ku barnnaa suuqa, ma kuu gadnnaa alaabta kuu raseysan, ma dhisnaa magaca ganacsigaaga, adeeggaaga, xirfaddaada, hawse siyaasadda ma ka qabtaa?

 

Warsan bogaggeed sida farsameysan loo naqshadeeday ee il-qabadka le,  meereeyaheeda saacad saacad loo raro farriintaada Alleylehe ku filan.

Ku xayeysiiso bogagga Warsan iyo meereeyaheeda oo hel 3 bilood oo bilaasha, Tuwiterka iyo faceboogga.

Wadad ana soo gasha waa: warsan54@gmail.com ama wac 0616460132

 

Related posts

Sudanese PM warns country will implode unless US sanctions are lifted

warsan

From Ethiopia to Yemen, a perilous migrant route to endless misery

warsan

Mosquitoes: there’s malaria, plus 5 other diseases they pass on to humans

warsan