The Warsan
Uncategorized

Milgaha Saxfiga

Xubin rag isku waajahay, hadday xaylka ka caddaato Afku wuxuu la xoogyahay, Magliga xawda kaa jara`e  Rabbi naxariistii Janno ha siiyee waa Gabaygii (AHUN) Halgamaagii Salaan Carabey

Aan ku bilaabo ciwaanka maqaal-kayga Milgaha Saxafiga waa laba erey oo macno ahaan kala duwan, balse marka la mataaneeyo walaaloobi kara, isla markaana uu akhristuhu si fudud u fahmi karo macno ahaan iyo u-jeeddo ahaanba. Haddaan gudaha u galo u-jeedada farriintaydu siddo. Saxaafaddu waa mindi laba afleh oo loo adeegsan karo duruuf kasta iyo waayo kasta oo nolosha kamida. aynu ku horrayno Milgaha saxafiga looga baahan yahay waxaa kamida sida: aqoonta mihnaddan uu u ban-baxay, Dacaadnimo inuu bulshada ugu adeego, akhlaaq ahaan inuu iska dhiso, inuu leeyahay wariyuhu Hal-abuurnimo uu wax ku cabbri karo, saadaalin karo, Mala-awaali karo.

 

Qofka waxa Been ugu Filan isaga sheega wax aanu hubin

Luqadda uu isticmalayo waa inuu garan karaa ereyadeeda TOGAN, iyo kuwa TABAN-ba Tusaale ahaan Hooya-day way Dhashay, iyo way Umushay

waa isku macne waana hal-luqad oo waa Somali laakiin way ku kala duwan yihiin asluub ahaan iyo damiir ahaan midna dhagta iyo damiirka ayaa soo dhawey-naya midna way diidayaan.

Milgaha saxafiga waxaa kamida inaanu lahayn qof jeclaysi waayo shaqsiga aad jeceshahay ee siyaasiga ah ama fannaanka ah, dadbaa neceb taas kasoo horjeed-keeda kaad necebtahayna dadbaa jecel, waa inaad yeelataa bar-kulan kuu gaara oo aad ku qarin karto waxa laabtaadu rabto haddiise aad maalinna aad tidhaahdo Muse Biixi uma qalmo wasiir Barrina aad tidhaahdo wuxuu qalmaa Madax-weyne dadku ma waalna caruurna maaha waxaadse u sheegtay shaqsi-yaddaada liidata. Taas macaheedu maaha inaad fikirkaaga cabbiri weydo balse Wariye fikirkaagu yaanu is duqayn.

Milgaha saxafiga waxaa kamida in loo kala saaro saxafi ka hawl gali kara Fogaan-arag (TV) iyo saxafi ka hawl gali kara Idaacad, ama wargays. Nin indhacas, Ilkacas, ama ilko la´a iyo mid aan xammilayn Koron-tada indhaha ka haysa oo marka uu TV-ga soo fadhiisto aanay ishiisu fadhiyin Milgo ahaan waxaa uu ku fiicanyahay inuu ka hawl galo wargays ama Idaacad. Balse saxaafadda Somalida waxaad ku arkaysaa intan iyo in ka badan. sharcigii iyo noloshii waxaynu dhaafsannay nolol maalmeed kooban, taas oo sababtay in qofku shaqo aanu hibo u lahayn uu xuurtaysto.

Milgaha sxafiga waxaa kamida marka waraysi qaadayo inuu lahaado ujeed-do cad oo kulmisa su`aashiisa waa inuu garankaraa qofka uu waraysanayo awood-diisa, aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa taasi waxay u saamaxaysaa in bulshadu fahanto ujeedada barnaamikiisa balse haddaad shaqsi waraysato Midab Cad ama Madaw oo uu ku yidhaahdo aqoonsiga Somalilad gacantayduu ku jiraa maaha inaad bulshada jaah-wareer ku riddid ee waa inaad leedahay xirfad aad ku muujin karto beenta iyo runta. adiga oo aan ka tagayn asluubta shaqsinimo isla markaana liqaya caadifadda niyaddaadu rabto.

Milgaha saxafiga Muslimka ah waa mid ka xajmi iyo culays weyn ka aan ahayn Muslim-ka Nabbigeennii Suubbanaa Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa aha ahaatee Wuxuu yidhi “Qofka waxa Been ugu Filan isaga oo sheega waxaanu hubin“ Marka been laga hadlayo waa eray fudud balse qiime ahaan aad u liita qof ahaan iyo Qaran ahaanba waxa uu dumin karaa wax badan oo wanaagsan cay waxa ugu filan BEENAALE Wariye waxa kuu habboon inaad hubsato warka aad u shaeegayso bale haddaad la soo booddo War DEGDEG ah. Hadhowna noqdo huf iyo been ogow lagu baraye laguuma noqon doono.

Milgaha saxafigu waa mid ka tarjumaya Milgaha Qaranka tusaale ahaan haddaad adiga oo garaabo ka dhargay oo waliba ay kaa muuqato sida ragga qaar aad shaashad soo fadhiisato ilduufkaaguna bato waa laf jab. taas macnaheedu waa ummadda aad u warramayso inay kaa liidato.

Waxaad arkaysaa wariye shaashad fadhiya oo u gacan taagaya dadka daawanaya ama qaabka uu gacmaha u fiiqayaa ay tahay anshax xumo. run ahaan umaan qalin qaadan inaan dhaliilo bar-baarta saxaadda socod baradka ah, ee aan badhkood sxbka dhaw la`ahay balse waxaan rabaa itaalkayga inaan saxo.

 

Inkasta oo aqoontayda Jaamacadeed ay tahay sharciga haddana sharciga iyo Saxaafaddu waa Lammaane aan kala maarmin oo midba si bulshada ugu adeego waxaan jeclahay in la saxo saxaafadda haddii kale iyagaa khaladkooda sharci iyo dhaqan inooga dhigi doona.

MaxamedAadanTarabbi

tarabi07@hotmail.com Bulay571@gmail.com

Related posts

Qatar, Somalia ink network agreement

warsan

CENTRAL BANK OF KENYA UNVEILS NEW GENERATION CURRENCY NOTE

warsan

Missed contract documents are caused by floods, fire says Ali Korane

warsan