The Warsan
Cover

Dr Gaboose oo isu abaabulaya madaxweynaha lixaad ee Somaliland

Dr Maxamed Cabdi Gaboose waa nin ka faa’iidaysta fursadaha jira,isla markaana marka uu arko inay jirto fursad uu siyaasadda ku soo gali karo aan dayacin hadii aanu wakhtiga ka hiilin.

Gaboose waa nin siyaasada jecel,isla markaana hamigiisu yahay inuu mar uun fuullo kursiga ugu sareeya ee Somaliland, Waagii u horeysay ee ururada la furayey 2002 waxa uu samaystay ururkii Sahan oo ragwaaweyn oo calculus ku jireen, waxa uu doorashada ku galayey kitaab quraan ah inuu dalka ku xukumi doonno si ay dadku u taageeraan, haseyeeshee waxa ka hor yimid culays dibadeed iyo mid gudeed oo lagu reebay ururkiisa.

Cabdilaahi Jawaan oo gudoomiye ku xigeenka guddidii doorashooyinka ee wakhtigaasi ayaa ii xaqiijiyey wakhti aan waraysanayey in si toos ah loo reebay oo lala dagaalamayey, sidaasna uu ku hadhay.

Waxa uu mar kale furtay urur la odhan jirey Qaran, taas oo madaxweyne Rayaale xabsiga u taxaabay kuna eedeeyey inuu furtay urur aan sharci ahayn, wixii maalintaasi ka dambeeyey waxa uu heshiish la galay Axmed Siilaanyo oo hogaaminayey xisbiga KULMIYE, waxaanu u ballanqaaday inuu furi doonno xisbiyada isna uu taageero, sidii buu ku noqday gudoomiyaha ololaha ee bariga ee KULMIYE, markii uu kulmiye guulaystay waxa uu noqday wasiirka arrimaha gudaha, markii ururada dib loo fureyna wuxuu isku casilay inuuu furto urur la magac baxay ururkii UMMADDA.
Mar labaad waxa ku dhacay turan turooyinka siyaasadda, waxaana la soo saaray ururkii WADDANI oo xukuumadu wadatay, halka ururkii UMMADDA oo ka shacbiyad badnaana uu hadhay, waxayna u muuqata in la reebay maadaama aan la dhayalsan Karin mucaaradada Gaboose.

Wixii ka dambeeyey dhicitaankii ururkiisa wuu ka nastay siyaasadii, waxaana ugu dambaysay markii uu sheegay inuu siyaasadii ku aasay malko durduro oo uu ula jeeday in cadaaladii iyo dimuqraadiyadii Somaliland god lagu aasay.
Gaboose sidaas uma tagina waxa uu waji iyo xeer u dhigtay deegaankiisa, waxaanu ku biirey ururkiisa iyo taageerayaashiisii xisbiga WADDANI oo soo baxay, isaguna siyaasadii ka nastay si uu usoo kabo dhaqaalihii kaga baxay siyaasadda.

Ujeedadda ugu weyn ee maanta ka hadlaysay waxay ahayd damac kaga jira xisbiga WADDANI inuu musharax ka noqdo, mar hadii uu musharax Cirro hadhay inuu xaq u leeyahay in isna markiisa la tijaabiyo, isla markaana marxaldan adag ee lagu jiro uu yahay qofka kaliya ee u barbar dhigi kara madaxweyne Biixi maadama isku jabhad iyo isku local yihiin, isla markaana ay is far fahmi karaan.
Mar hadii mucaaradadii Cirro saamayn ku yeelan wayday raga ka soo horjeedda in booska loo baneeyo oo uu isagu gilgili karo, waxaanu hadalkiisu daarna tijaabo muujinaysa awoodda uu shacbiyada ku dhex leeyahay iyo sida loo dareemi karo hadalkiisa, taas oo u rumowday marka laga eego baraha bulshada oo shalay u kala xidhnayd.
Waxaanay arrintani iftiiminaysa Loolanka xaafadeed ee ka dhex jira xisbiga WADDANI iyo inay jiraan dad doonaya in la bedelo musharax Cirro si dhiig cusub oo la jaanqaadi kara siyaasada cusub ee KULMIYE.

Hadalka Gaboose waxay ahayd fariin ku socota deegaanada uu u badan yahay taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxayna daarnayd saddex ujeedo:
1. Mid dhoolatus ah oo uu muujinayey inuu hadalkiisa gaadhi karo meel fog iyo in muddo la hadal hayn karo hadaladiisa.
2. In deegaanka uu ka soo jeedo u tuso inuu siyaasada qaaxaysan ee kulmayahan dambe ku dhaqmayo la fahmi karo isagu, isla markaana uu yahay nin wax iska dhicin kara oo siyaasad loo qarin Karin, ragan ay is hayaana si fiican isku yaqanaan wax badana ka filan karaan.
3. In lagu abaalmariyo go’aankiisi hore ee ahaa inuu cudud iyo xoogba ku taageero WADDANI mar hadi uu hadhay,isla markaana u ugu dhego nuglaaday taladii deegankiisa usoo jeediyeen in maanta cid walba oo deegaanka ah uga dhow yahay musharaxa xisbiga, sidaas darteed abaalkii hore loo guddo, taas oo marka geedka hoostiisa lagu celiyo garta la qaado uu Gaboose noqon karo qofka ugu dhow ee Cirro bedeli kara hadii la isla qaato in la bedelo oo qof kale aanu hungureyn Karin.

Sidaas darteed, waxa uu Gaboose qiimeeyey isna tusay in aan madaxweynaha lixaad lagu haysan, markuu arkay qodobadan: Mar hadii uu Cirro 40% codadkii dalka ka helay,xaaladan lagu jirana aanay dadku raali ka ahayn, dadka aad u cabanayaanna ay yihiin kuwii codadka badan siiyey KULMIYE, wasiiradda madaxweyne Biixina la dhaliilsan yahay inuu haysto jaanis badan oo kubaddu banaanka u taallo.

Qore: Barkhad-ladiif

 

Masuuliyadda qoraalkan waxa iska le qoraha, sina ugama tarjumeyso siyaasadda Warsan

Related posts

Former Turkish PM says his 2013 visit to Gülen was ‘authorized’ by Erdoğan

warsan

Finland’s first Somali-born MP

warsan

Egypt willing to resume dam talks with Sudan, Ethiopia

warsan