The Warsan
Editorial

AWOODDA SIMAN HA KALA SARREYSIIYO

Nur Cilmi (Soo saaraha)

Xaq maaha in sidan lagu noqdo

 

 

Madaxweynihii doorashada looga adkaaday Feberaayo, 8dii, 2017kii, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirar loo fariistay Kismaayo iyo Xamar, bilihii Janaayo iyo Febraayo, 2016kii,  isaga iyo madaxda dowlad-goboleedyada isku mari waayeen habka doorashada loo gelaayo. Labadaraale, waxa la loodin waayey macallinka tacliinta sare ee siyaasiga noqday Cabdiweli Gaas. Gaas salka dooddiisu, waxay aheyd, ha laga gudbo 4.5ka.

Gaas, berigaa, hab-dhaqankiisa, waxa laga sawiran karay inuu isagu yahay federaalka. Garoowe ayuu u duulay isagoon heshiiska saxiixin. Waqti dambe, Garoowi, waxa uu ka soo saaray inuusan la shaqeyneyn federaalka yaal Muqdisho.  Xasan oo aan wax qorsha ah ka yeelan xakameynta awoodaha, xarga-goostay ay colkani ku wiiqaan awoodda federaalka ayaa arrinka ku waday xaal-mastuur, gacan xidhani la socoto.

Colkani, si ay Xasan hurdada ugu diidaan, mar walbana isu hoos keenaan shisheeyha ayey xulafo la noqdeen dalalka deriska iyo deeq-bixiyeyaasha kow ka yihiin. Marka muran yari yimaadaba, waa u baaqaba in miiska la keena awood kale oo dhexdhexaadisa. Xeeladdaasi, wey u meel mari jirtay, shisheeyuna raalley ku ahaayeen kala celintooda. Xasan maaheyn nin marna iskuma mashquulin inuu fahmo, oo ka dabaasho kaarkan ay marsadaan duwalka deriska iyo kuwa quudka aan ka sugnno ee gabaadka ay ka dhigteen, laba farood u taago.

Siyaasad qunyar-socoda oo la daaqda jilicsanaan iyo kursi jacel uu aad ugu dadaalay inuu ku soo noqdo ayuu ku dhameystay waqtigiisii. Colku (madaxda-dowladaha gobollada) iyagoo libaaxya ah ayuu Farmaajo kursiga fuulay. Farmaajo, goldaloollada ay federaalka ka dhabar jebiyaan mid ka mida ayuu bilowgiiba ooday. Ra’iisal wasaare aan iyaga meel kula shaaheyn,  Somaalinnimona ka ureyso ayuu keenay. Shaki miyaa ku jira Somaalinnimadooda?. Calaamado Somaali-diida sow kuwa muujiya maaha, dad badan baa le. Ood kale, ayey haddana ku xireen qolada federaalku daaq ay hawada ka qaadan jireen.  Dowladihii loo dacwoon jiray ayaa loo daba maray, oo si ku dhac le loogu sharraxay in federaalku yahay halka ay ka go’do talada dalku 85%, dantooduna ku jidho.

Qolyahaa dacwada qaadi jiray, waa garowsadeen in xaalku sidaa yahay. Sow ma cadda in saanaddu yaraatay, meel laga soo kordhiyaana muuqan, haddii laga reebo kaalmo aan buurneyn oo khaliijka ka timaada. Shirkii Kismaayo ee xiriirkii wada shaqeynta lagu jaray iyo go’aanka dowladdu qaadatay ee ah, waqtigaa xallin doona, khataraha laga muujinaayo inuu soo wado balaayo horle iyo kala carar, maaha mid waaqaca ka turjumaya. Sabahan awgood:

  1. Golaha CIC (waa golaha mideeya madaxda dowladaha gobolladee), hadda waa Afar. Waare waa la xareeyey, waana ballanfurkii ugu horreeyey, oo ku dhacay golaha. Xaaf laftiisu, waxa uu ku taagan yahay dhulka siimoow ka dhergay, oo halis u ah inuu kol dhow la dumo.
  2. Laba ka mida (DG) doorasho ayaa qarka u saaran, inay ku baxaanna, suurowddee. Weliba Gaas rajadiisu, waa mid aad u yar, baa la leeyahay. Shariif Xasan oo taba badan oo siyaasadeed lagu yaqaan, khatarta uu la saaxibka yahay hadda, waa mid halis gelin karta.
  3. Derisku jacel badan uma qabaan inay riixaan khalkhal siyaasadeed oo bariga uga soo furma. Isbeddelka Itoobiya saameynta uu ku yeeshay geeska, waa mid u sad-burinaaya federaalka.
  4. Shacabka Somaaliyeed taageeradiisa waa ay lumiyeen, kadib qodobka ah (awood saddaxaad hana dhexgasho) kolkii ku dareen qodobadii ay soo saareen 9kii Sebtembar, 2018ka.

 

MA SIDAN AYAA LAGU KALA JOOGAYAA

 

Maya. Qodobada qaarkood, ee warmurtiyeedka ku jiray, waa xaqiiqo jirta, federaalkana waajib bey inay xal u keenaan. Amniga, waxa ku dhacay hoos u dhac weyn, oo khasbaya in hey’adaha amniga iyo hoggaamintoodaba qalliin ballaaran lagu sameeyo. Dowladda Farmaajo, sida xigmad Somaaliyeed tiraahdo, Guusha baqa ha ku dareen. Wadahalka fursad ha la siiyo. Haddii laga caal waayo, federaalku, ha ka dhur sugo doorashooyin ballansan, welibana gacan ha ka geysto sidii loo heli lahaa hoggaamiyeyaal ku kalsoon Somaalinnimada iyo in xalku gudaha ka yimaaado. Golayaasha shacabka, sidii  loo marin lahaa sharciga federaalka iyo awoodaha la kala yeelanayo, waa inay xukuumaddu dardar geliso. Guddoomiyeyaasha laba gole, hurdada ha ka toosiyeen xubnaha, oo facaal ka dhigeen. Awoodda siman ha la mkala sarreysiiyo.

 

 

 

 

Related posts

Pledges to Somalia should be delivered

warsan

A LOST IDENTITY

warsan

Kansarka Qanjidhka

nur