May 16, 2025
Cover

Astaanta Qaranka Yaa Adeegsan Kara, Goormaase La Adeeqsan Karaa?

 

Qaranka cid kasta xil uma siddo, cidda sharcigu igmaday ayaa magaciisa ku hadli kadha, aqbkiisana adeegsan kadha. Laba astaanood oo haddana mid isku ah ayaa qaranka tusmo u ah. Waa calanka oo marna (Waraaqa) farriimaha diristooda hey’adaha dowliga ahi adeegsadaan, marna (mara) badanaana hey’adahu soo bandhigaan marka dabbaaldegyada loo xafladeynaayo ama martida la qaabilaayo.  Sida sharcigu dhigaayo, cid aan wakiil ama hey’ad dowladeed aheyn ma adeegsan kadho, haddaan amar ama fasax dowladeed loo heysan.

 

Labadaa tusmo ee calanka qeexitaankoodu waa sidan:

 

  1. Mid waa ka labada shabeel ee waranka ku taagan sidaan, xeyndaabkana ku jira
  2. Iyo ka marada midabka badda le, xiddigta shan geesoodka lahina dhexda kaga taal.

Is-dhex-qaadkii gadaashii, sida wax walba halkoodii looga rujiyey ayaa tusmadanna loo bililiqeystay. Indhahayagu waa kuwa haya fallaagada siyaasadda oo tusmadaa adeegsanaya kuna dira farriimahooda.

Urur siyaasadeed tusmo le, mid hoggaamiya ayaa haddana tusmadii qaranka farriimaha ku gudubsanaaya (tusaale Madaxweyne ama wasiir kowaad hore).

 Qaar kale, oo aan weligood xil-dowladeed qaban ayaa iyana adeegsada. Dadka dhaqanka noocaana le, ma waxad mooddaa inay kaliya yihiin dadka caadiga, maahee, waxa jira kuwa ku raran waraaqaha (Master-ka, PhD-da) oy aheyd inay gartaan inay ku jiraan fal-dembiyeed halisa, iska waaniyaan oo ka laaabtaan, badanaana xil haya.

Mid baa le “oo heedhe duulkan maxaa looga waayey mid dhibaha nagu joogtoobay mid ka mida noo xaliya”. Waxa jooga tiro aan la koobi karin oo noo sheegta siyaasadda inay ka qalin jibiyeen, haddana odoy siddeetan (80) jira u daba fadhiya xallinta dhibaha siyaasaddu oogto. Calanka, sidoo kale, si aan loogu talogelin waxa u adeegsada kuwa xilalka sare haya (wasiirka illaa agaasime-waaxeedka inta u dhaxeysa).

Bal gal xafiisyadooda mid ka mida, waxa dhex qotoma calanka jamhuuriyadda, halka la joognaa waa Somaaliya, yaa faalleyn u jeedada, hubaal inuusan ujeeda uu u keensaday caddeyn karin.. Madaxda dowladdu marka ay dalka joogaan mar un bey is-dhinac dhigi karaan calanka- waa marka ay qaabilayaan mid noo dhalan. Sidoo kale, markey safrayaan oo la kulmaan madaxda dowladaha kale.

Danjirayaasha ayaa rasmi loogu oggol yahay in calanku xafiiskiisa dhex qotomo, waayo dal shisheeye buu joogaa. Adoo Somaaliya jooga, ku jira shaqada caadiga ah, xilkaad doonta hay, uma baahind calanka inaad ku lamaansanaato.

Kuwaa ku libista, miisaska cuntada ku sharaxa iyo siyaabo kaloo calanku uusan u qalmin.

Madaxtooyada, fulita iyo sharci-dejinta xil ayaa saran sidii arrinta xalkeeda loo heli lahaa, amarrana looga soo saari lahaa. Haddii laga fursan waayo calanka waxa la suraa halka laga soo galo wasaaradaha ama hey’adaha kale, waana halka ku haboon in lagula hadlo shaqaalaha ama ardada marka la doonaayo in waddaniyadda la xusuusiyo.

 

 WQ: Qorayaasha Warsan

 

Related posts

African Union announces failure of latest talks on Ethiopia’s Nile Dam

warsan

Somalia and Kenya’s diplomatic disputes create collateral damage

warsan

EU’s inhumane border ‘pushbacks’ are against Geneva Convention of 1951

warsan