16.9 C
New York
July 31, 2021
Cover

Aan Cunno Cuntada Dalku Soo Saaro!

 

Waxa diyaariyey oo dgiirrigelinaya wasaaradda beeraha Jamhuuriyadda

—————————————————————————————————————————————————————————–

Hordhac

Soomaaliya waxay ku taal geeska Afrika waxaana xuduud la leh Kenya dhanka koonfur, dhanka Galbeed Itoobiya, dhanka Waqooyi Jabuuti iyo gacanka cadmeed, dhanka Bari Badweynta hindiya. Waxay udhaxaysaa loolka 2 ° koonfur iyo 12 ° waqooyi, iyo dhigta 41 ° iyo 52°.  Dalka Soomaaliya waxaa uu leeyahay xeebta ugu dheer geeska Afrika cimilada Soomaaliya sannadka oo dhan waa kuleyl aan darnayn. Guud ahaan bedka Soomaaliya waa 637,660 km2 oo 30% kamid uu yahay dhul lama degaan ah oo aan ku habbooneyn wax-soo-saarka beeraha, 45% waa  dhul ku habboon xoola dhaqashada  14% waa kayn ama keymo, inta soo hartayna 13% (8.1 million ha) waa dhul beereed. (Hay’adda Cuntada iyo Beeraha, 1995). Soomaaliya waxay leedahay labo webi oo waaweyn oo kala ah; Wabiga Jubba iyo Wabiga Shabeelle. Labadooduba waxay ka soo bilaabaan dhulka buuraleyda ah ee Itoobiya oo Soomaaliya usoo gooya dhanka koonfurta iyo bariga ee Badweynta Hindiya. Muuqaalka guud ee dalku wuxuu ka kooban yahay inta badan dhul dooxa ah oo u janjeera dhinaca Badweynta Hindiya ee bariga iyo Gacanka Cadmeed ee waqooyiga.

—————————————————————————————————————————————————————————–

Somali Staple Food Crops at Risk | SATG | Somali Agriculture Technical Group

Soomaalida waxaa lagu dhiiragelinayaa in ay cunaan Cuntada dalka, taas macnaheedu waa in la isticmaalaa cuntada lagu beeray dhulka nafaqada dabiiciga ah leh.  Dunida oo dhan waxaa ka socda dhaqdhaqaaq sii kordhaya oo lagu doonayo in lagu cuno raashiinka dalka laga soo saaro ee looyaqaan “Cuntada Dalka”.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira su’aalo badan oo ku saabsan siyaasadaha ama dhiiri gelinta isticmaalka cuntada dalka, iyada oo la wada ogyahay in faa’iida badan oo dhinaca caafimaadka iyo dhaqaalaha ay leedahay dhiirigelinta isticmaalka cuntada dalka. Hababka wax loo soo saaro maahan qodobka kaliya ee go’aamiya sida ugu fiican ee loo cuno cuntada debiiciga ah marmarka qaar waxaa mus’uulka ah tiknooloojiyada loo isticmaalo wax-soo-saarka beeraha, taas oo ah midda kaliya ee joogtaysa soo saarista iyo bixinta cuntada dadweynaha. Guud ahaan, cunista cuntooyinka dalka, oo loo soo saaray qaabab ku habboon deegaanka iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyad saaxiib la ah deegaanka, ayaa ah mid faa’iido iyo horumar u leh deegaanka, dhaqaalaha iyo guud ahaan bulshada. Maqaalkani wuxuu ujeedkiisu yahay inuu wax ka qabto arrinta la xiriirta isticmlaalka cuntada dalka iyo inla helo xasilooni iyo sida loo suurta gelin karo arintan.

1.    Shaxda dheelitrika cuntada

Shaxda dheelitirka cuntada waxaa sameeya FAO, waxana ay ka soo xigatay bixinta iyo isticmaalka cuntada wadamada adduunka, waxaa laga soo aruriyaa cuntada gudaha laga soo saaro iyo cuntada lasoo dhoofiyo wadanka oo laga jaray cuntada la dhoofiyey, calafka xoolaha ama mida aan dadku cuni karin oo loo qeybiyey tirada dadweynaha.

Xogta shaxda dheelitirka cuntada waxay bixisaa macluumaad ku saabsan celceliska helitaanka qofkiiba, taasi waxay si fudud ula xiriirtaaa tirada cuntada ee gaareysa isticmaalaha (macmiilka) (cabirka helitaanka).

Shaxda dheelitirka cuntada, marka laga hadlaayo isticmaalka cuntada qofkiiba ee dadka wadanka, xaqiiqdii, taasi ma matasho qadarka cuntada la cunay, oo waxay ku dhawaad had iyo goor ka dhigi doontaa qiimeyn xad dhaaf ah xaga cuntada marka la barbar dhig sahannada cuntada ee heerka shaqsiyeed.

 

Xogta Shaxda dheelitirka cuntada ma bixineyso macluumaad ku saabsan kala duwanaanshaha ka jira aagagga wadan ama inta u dhexeysa kooxo-hoosaadyo kaladuwan oo dhaqan-bulsho ah. xogtaas waxaa bixiyey shaqsiyaad ayadoo la isticmaalaayo sahminta cuntada ee qeybaha kala duwan ee heer qaran.

Si loo go’aamiyio saameynta bulshada, juquraafiga iyo deegaanka, waxaa lagama maarmaan ah in la baaro xogta ka soo baxda sahannad noocaan oo kale ah.  Shaxda dheelitirka cuntada ma bixiso wax tilmaan ah oo ku saabsan kala duwanaanshaha ka jiri kara cuntada ay cunaan kooxo kala duwan oo bulshada ah.

 

2.    Faa’idooyinka isticmaalka cuntada Dalka

Baahintii ugu dambaysay ee barnaamijka guud ee nidaamka cuntada dalka waxay dhiiragelisay xiisa gaar ahna u yeeshay macaamiisha iyo soo saariyaasha cuntada dalka.  Barnaamijka heer Federaal, dowlad goboleed iyo heer deegaan ee dhiiragelinta isticmaalka cuntada dalka loona qoondeeyay ilo dhaqaale oo taageera wax-soo-saarka gudaha taasoo suurta gelinaysa sarana u qaadeysa isticmaalka cuntada Dalka. waxaana laga filayaa inay dhaliso faa’iidooyin dadweyne oo hadda ka maqan nidaamka suuq-geynta.

Cambuulo iyo Maraq (Rice with Adzuki Beans in a Spicy Tomato Sauce) | The Somali Kitchen

Qiimeynta kharashka, faa’idooyinka, iyo cawaaqibyada aan la filayn ee suuqyada cuntada dalka ayaa siin kara talo gelin ku habboon qaabaynta barnaamijyada ku lug leh cuntooyinka dalka.  Waxay sidoo kale soo saareysaa xaalad ku haboon astaamaha cuntada dalka inay yihiin aalad kharash-ku-ool ah oo lagu fulinayo himilooyinka siyaasadeed.  Haseyeeshe, saameynta nidaamyada cuntada dalka way adkaan kartaa in la garto sababtoo ah qayb yar oo cuntada ka mid ah oo la soo saaray laguna cunay suuqyada cuntada ee deegaanka.

File:Jowar‌ Sorghum.jpg - Wikimedia Commons

Waxaa hoosta laga xariiqayaa in nidaamka cuntada dalka ahi ay leeyihiin awood ay ku soo saaraan faa’idooyin kale ee dadweynaha. Waxaa la soo jeediyay in nidaamka cuntada dalka ay yareyn karaan halista badbaadada cuntada iyadoo la daadejinayo wax-soo-saarka.  Cunista maxalliga ah ayaa loo arkay inay tahay hab lagu caawin karo ilaalinta dhul beereedka iyadoo loo oggolaanayo bulshooyinka cusub inay yagleelaan beero ku yaal aagagga magaalooyinka.  Faa’iidooyinka kale ee dadweynaha waxaa ka mid ah horumarinta raasumaalka bulshada, ilaalinta noocyada kaladuwan ee hide-sidaha abuurka, iyo tayada deegaanka.

3.    Keydinta Cuntada Istiraatiijiga ah

 

Keydka galeyd, massagada ama digirta

 

Keydadka cuntada istiraatiijiga ah waxay samaysaa goob lagu nefiso oo u dhaxeysa aqoonsiga suurtagalnimada in cunto yari heer qaran ah ama mid gudaha ah ay dhacdo iyo sameynta qabanqaabada lagama maarmaanka u ah yareynta saameynteeda, taas oo noqonaysa safka koowaad ee difaaca la qabsiga xaaladaha degdegga ah ee la xiriirta cuntada, taas oo sida caadiga ah ay sababaan abaaraha, daadadka, duufaannada, dhulgariirrada, dalagyada oo fashilma, cayayaanka ama cudurada owgood iyo sidoo kale sababaha ay dadku sameeyeen, sida dagaalka iyo colaadda sokeeye.

 

Aasaasida iyo dayactirka Keydka Cuntada Istiraatiijiga ah waxay ka timid dhacdooyinkii horaantii 1970-yadii markii abaar dabadheeraatay ay ka dhacday wadanada Saaxil, taasoo ay keentay musiibooyin isdaba jooga oo ku habsaday dalagyadii soo go’i lahaa ee gobolka oo dhan. Xaaladda murugsan waxaa uga sii daray hoos u dhac ku yimid wax-soo-saarka firilayda ee adduunka oo dhan taasoo keentay in sicirka uu kor uga kaco heerarii caadiga ahaa. Iyada oo helitaankeedu xadidan yahay iyo qiimahuna kor u kacay, ayaa bulshada deeq-bixiyayaasha ayeey awoodi kareen bixinta xaddi kooban oo gargaar cunno ah taas oo keentay in dad badan oo gobolka ah ay soo food saartay macaluul. Saamaynta dhacdooyinkan waxaa sidoo kale laga dareemay dalal kale oo badan oo ka hooseeya Saxaraha Afrika kuwaas oo, gabaabsiga iyo kharashka awgood, ay ku adkaatay sameynta saad ku filan oo loogu talagalay cuntada loo baahan yahay in lasoo dhoofsado si loogu kabo hoos-u-dhacyada wax-soo-saarkooda.

Si loo yareeyo dhacdooyinka noocan oo kale ah in ay mustaqbalka kasii daraan, dowladaha dhowr dal oo nugul, iyagoo la tashanaya bulshada deeq-bixiyayaasha, waxay bilaabeen horumarinta barnaamijyada looga golleeyahay hubinta helitaanka cunto ku filan dadka ay dhibaatadu saameysey iyo horumarinta istiraatiijiyadda sugnaanta cuntada qaranka. Waxaa xoogga la saaray soo jeedinta kaydka firilayda aasaasiga ah ee wadamada Saaxilka ee nugul si ay diyaar ugu ahaadaan isticmaalkiisa haddii ay dhacdo xaaladaha degdegga ah ee la xiriira cuntada mustaqbalka.

CILMIGA BEERAHA | gaaguure

Kaydadkan looma jeedin inay la tacaalaan xaaladaha degdega ah oo dhan, laakiin waxay ahayd inay bixiyaan baahiyaha aasaasiga ah ee dadka ay dhibaatadu saameysey inta lagu gudajiro waqtiga loogu baahan yahay diyaarinta helitaanka cunto kale. Waxaa si guud mudnaanta loo siiyey in la hubiyo helitaanka wax ku filan dadka reer magaalka ah, (dadka suuqa ku tiirsan, maadaama loo malaynayo in dadka reer miyiga ay haysan karaan kaydad ku filan, ama haddii kale loo sameeyay sahay ku filan oo ay ku daboolaan baahidooda aasaasiga ah ee cuntada, sida iyada oo loo marayo soo saarista dalagyo kale oo abaaraha u adkaysta. Intaas ka dib, waxaa la xaqiiqsaday inay jiraan kooxo nugul oo ka mid ah dadka reer miyiga ah oo waliba ay tahay in lagu daro marka wax laga soo saarayo keydka.

Dhammaan waddamada bariga iyo geeska Afrika (oo uu ku jiro waddanka soo dhoofsada cuntada ee Jabuuti) waxay yagleeleen ayna hawl geliyeen keydka cuntada istiraatiijiga ah ee qaranka oo leh sababo kala duwan oo loo arko inay ku habboon yihiin inay u adeegaan danta qarankooda. Ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee keydka Istiraatiijiga ah ee cuntada ayaa dalalku ku kala duwanyihiin: guud ahaan ujeeddooyinka waa in beeraleyda laga ilaaliyo saameynta siyaadada ah ee soo bandhigidda wax-soo-saarkooda xilliyada cimilada wanaagsan (taas oo ah in laga iibsado beeraleyda oo lagu keydiyo marka ay jiraan soo bandhigid badan ee suuqyada); iyo / ama siidaynta cuntada marka ay timaado cunto yaraanta (si loo helo safka koowaad ee difaaca la tacaalidda cunto yaraanta) oo loo sii daynayo qoysaska aan suuqa tegi karin ama aysan suuqyadu sifiican ushaqeynayn sababo badan awgood.

 

Cambuulo iyo Maraq (Rice with Adzuki Beans in a Spicy Tomato Sauce) | The Somali Kitchen

In kasta oo inta badan keydka Istiraatiijiyadeed uu ilaaliyo keydka firilayda, hadana waayo-aragnimada laga soo qaatay dalal kala duwan ayaa muujineya inay lagama maarmaan tahay in lagu daro noocyada kala duwan ee cuntada si loo hubiyo in ka-faa’iideystayaasha la beegsanayo inay ku qanacsanyihiin dhaqanka cuntada iyo sidoo kale cunnooyinka nafaqada leh ee muhiimka ah sida caana booraha, digiraha oo si fudud looga heli karo keydka gudihiisa. Cilmi baaris dhowaan lagu sameeyey Itoobiya ayaa muujisay in quudinta xooluhu ay sidoo kale qayb ka tahay keydka degdegga ah ee sugnaanta cuntada oo loo qaybiyey xoolo-dhaqatada. Kaydka waxaa la siiyaa lacag (dowladda iyo deeq-bixiyeyaasha) si ay ugu iibsadaan qaybta hore ee badarka (ama cuntada iyo calafka) oo ay go’aamisay hay’adda dowladda ee ku habboon. Lacag dheeraad ah ayaa sidoo kale loo hayaa si loo ilaaliyo keydka, badanaa in le eg inta markaas kaydsan  si loo ilaaliyo keydka.

4.    Maareynta cuntada gargaarka ee bani’aadannimo

 

30kii sano oo lasoo dhaafey, Soomaaliya waxay sanad walba wajahaysay dhib inta lagu guda jiro xilayada aan beeraha wanaagsaneyn iyo xasarado nafaqo iyo cunto oo ay sababeen abaaro, fatahaado iyo isbedello badeecooyin iyo colaado la xiriira khayraadka iyo siyaasadda. Noocya kala duwan oo cunto gargaar ah ayna ka mid yihiin cuntooyinka iskuulka oo loogu talagaley goobaha dalka ay ka jirto cunta yarida si loogu dhiirageliyo in caruurta si joogta u tagaan iskuulka, shaqo raashiin ku bedelasho ( gargaar cunto oo shuruud leh), qaybinta cuntada shuruud la’aan oo loogu talagaley bulshada ay dhibaatooyinka saameeyeen iyo bixinta lacag kaash  ah si loogu ogolaado si barakacayaasha dalka gudihii iyo ka faa’iideystayaasha kale ay u daboolaan baahyahooda kala duwan si guud oo wax ku ool ah.

Shaki la’aan, cuntada gargaarka waxay badbaadisey nafaf malaayin dad ah kuwaas oo u dhiman karey qaajo iyo nafaqadaro haddii aaney dibadda ka heli lahayn kaalmo cunto lakiin walaaca uga badan ee ka jiraa cuntada gargaarka ayaa ah suurtagalnimada ah in cuntadaan ay waxyeeleyso nolosha beeraleyda saboolka ee gudaha dalka, taas oo abuureysa niyad jab ku yimaada wax soosaarayaasha, una horseedeysa hoos u dhaca waxsoosaarka cuntada gudaha iyo waxyeela ku timaada nolosha beeraleyda dalka taas oo ay sabab u tahay badeecadaha ku soo qulqulaya suuqyada iyo hoos u dhac ku yimaada sicirka. Tira badan oo ah cunta gargaar oo loogu talagaley mudada fog waxay waxyeeleen kartaa waxsoosaarka gudaha, taas oo ay ka dhalankarto faqriga oo kordha ayna abuuri karta cunti yari muda fog ah ayadoo ay ugu wacan tahay kororka ku tiirsanaanta cunta gargaar ah.

Halka guud ahaan, hirgelinta iyo isku-xirka gargaarka bani’aadannimo ay hoostagto Wasaaradda Arimaha Bani’aadannimada, qaybta sugnaanta

Somalia Stability Fund: August 2015

cuntada waxay leedahay mas’uuliyadaha farsamo si loo xaqiijiyo in cuntada gargaarka aaney wax yeeleyn waxsoosaar cuntada dalka, waayo haddii aanan si wanaagsan loo maareyn cuntada gargaarka waxay yeelan doonta saameyn aan la mahdin sida lagu arkey wadamo kale kuwaas oo ka mid yihiin:

  1. Bixinta gargaar cunta waqtiga beeraaha la goosto waxay la tartami kartaa dalagyada dalka taas oo dhalin karta wax yeela ku timaada wax-soo-saarka dalka gudihiisa ah iyo jahwareer ku yimaada sicirka suuqa maxalliga. Jahawareer ku yimaada sicirka cuntooyinka gudaha waxay ku qasbi doonta in beeraley badan ay joojiyaan beerashada dalagyada aasaasiga ah sida galleyda iy masagada
  2. Badi gargaarka cuntada wuxuu imaadaa goor dambe oo ay xaaladda soo hagaagtey, kaalmada noocaan ahna aan baahi badan loo qabin. Soo daahitaankaan waxaa ka dhalan kara in aan waqti munaasabka laga jawaabi waaayo musiibo bani’aadannimo ee deg degga ah, halka isbuucyo ama maalmo guduhooda in bulsho nugul oo badan ay u dhexeeyaan nolol iyo geeri. Si ay wax uga qabtaa dhibaatooyinkaan, qaar ka mid ah hay’adaha aan dowladda ahayn iyo kuwa qaramada midoobey waxay bilaabeen bixinta lacago kaash ah.
  3. Haddii aan la caddeynin sababa badan aawadood (kana mid yihiin nabadgeliyada, helitaank iyo lojistikada), gargaar cunto (masago iyo galley) waxaa laga soo iibin karey beeraleyda dalka halkii laga soo dhoofin dalka dibadiisa. Ka iibsiga dalka gudihiisa wuxuu sare u qaadayaa waxsoosaarka gudaha kaa oo si dadbanna ugu faa’ideynaya qaybaha kale sida baakideynta, raridda iyo dejint, iyo gaadiidka

5.    Gabagabo

 

Soomaaliya gudaheeda, waxaa jira caqabado badan oo hortaagan dhaqdhaqaaqa cuntada dalka, laakiin waddammada iyo gobollada kale waxay muujiyeen in arrimahaas wax laga qaban karo oo guul ganacsi laga gaari karo. Wax-soo-saarka dalka ee ugu muhiimsan waxaa soo saara maareeyayaal ama maamulayaal haysta xirfadaha iyo aqoonta loo baahanyahay si loo haqab tiro baahiyaha macaamiisha. U gudbinta iyo gaarsiinta awoodahan qeyb ballaaran oo dadweynaha ka mid ah ayaa waxaa lagama maarmaan ah in diiradda la saaro barnaamijyada wax-soo-saarka ee dalka gudihiisa iyo kuwa gobollada, gaar ahaan dhiiri gelinta isticmaalka cuntada dalka iyo xoojinta xeerarka badbaadada ganacsiga. Caqabadaha ugu waawaayn ee gaarista heerka nafaqada wanaagsan waxaa ka mid ah caalamiyeynta (cawlamada) iyo magaalaynta. Isbeddelada ku dhacay hababka isticmaalka cuntada ayeey sababtay magaalaynta, taas oo saamayn weyn ku leh helista cuntada ee adduunka, suuqyada iyo ganacsiga. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay kor u qaadista nafaqada ee dalal badan oo soo koraya oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

 

Waxa diyaariyey: Wasaaradda Beeraha Somaaliya

Related posts

Kenya’s northeast civilians targeted by both jihadists and the state

warsan

10 Somali refugees died for starvation, COVID-19 in Uganda

warsan

Tension in Kenya as patients keep off hospitals amid COVID-19 fears

warsan