December 5, 2025
Cover

“Teendhada haddaad diiddo, federaal kalaannu dhiseynnaa”

November 16, 2025

 

Xubno ka mida madasha qaar badanoo ka mida warbaahinta aan xil kaska aheyn bey quudiyaan weedho hanjabaad, goodin iyo cabsiin sida, federaalka sharciga ahna loo qasddo. Tabaabushaha socda ee aan qarsooneyn, madashuna bud dhigaha u tahay, waxa qorshuhu yahay in federaalka laba mid la kala dooradsiiyo oo ah.

 

“TEENDHADA AMA FEDERAAL CUSUB”.

Haddaad tahay mid daawanayey habdhaqanka siyaasiy-inta qurba joogta u badan ee kolba sallaanka siyaasadda soo fuulayey guyaalkii tegay, badankooduna ayba soo qabteen xilalka ugu sarreeya qarabkan ibtiladu asiibtay, waad garowsan suragalnnimada taladdaa kharribaadda cuskan ee duul duuleysa. “Cadkaanow ku cunay ama ku ciideeyey” dal iyo dad laxa jeclo kaa heyso looma quudho, mid sadbursi doonaya umbeyna ka suurowdaa. Siyaasiga maanta jooga ee ardaaga siyaasadda ka muuqda, madashana u badan, sallaanka waxa soo saaray saddaxda madaxweyne ee iska soo dhaxlayey madaxtooyada tan iyo gugii 2008dii illaa gugan 2025ta.

Dadka dhaliila waxqabadkooda intey xilka hayeen, waxay qabaan in midkoodna uusan laba dhaxa oo la mahadiyey dadka iyo dalka isu dul saarin, beddelkeeda hanti badan lunsadeen. Aqoonyahan ka mida kuwa aadka u dhaliila ayaa ku sifeeyey, odhaahda le “macal cune muuqan doonee”.

Madasha waxa ka mida xubnno laba horjooge oo maamula labada cidhif ee Bariga iyo Koofurta dalka, aadna ugu xidhan shisheeye dana gurracan ka le qarankan, haddana wixii aay doonaan ka fuliya labada magaalo ee ugu weyn gobolladaa. Bari, waxaaban qarsaneyn in shisheyuhu uga duulo dal dalkaan muddo saaxib dhow ahaayeen, federaalkuna daawasho ku baadhi-taaro.

Madaley, jacelka mansabku hadduu idiin wado inaad dalkan aad xaaladdiisa ka warheysaan ka burburisaan inta  yaree u yabyaban, bal is weydiiyoo yaad Xukumi doontaan? Haddii sidoo kale loollanka idiin kala dhexeeya madaxweynaha talada haya, idiin riixi doono dowlad dibad-jooga, laba kanshaba waad lumin doontaan:

A- Idinkoon heli doonin meel aad ku fulisaan riyaddiina
B- Iyo idinkoo lumiya shacbiyadda dadka, siyaasaddana si fudud uga baxa. “Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa”. Ruuga talada.

WQ: Daljire ka xun sida wax loo wado

Related posts

African leaders must stop shaming their citizens and get to work at home

warsan

Russia warns U.S. warships to keep off Crimea ‘for their own good’

warsan

Why young Africans try their luck in Saudi Arabia

warsan