December 5, 2025
Cover

HIRSHABEELLE DHIIG CUSUBEY U BAAHAN TAHAYU BAA

Nov.15, 2025

Haddaad tahay mid kursiga iyo caloosha buuxiya abaalmarintaadu waa xilkoo lagaa fududeeyo, xabsina laguu dhaadhiciyo. Amaano waa dhowris iyo ku simd gacanta dambe. Ammaanadii haddaad lunsato, kama duwanaaneysid, waraabe ido raacay, dembigase waxa kula wadaagaya, hubaal kii xilka kuu sahlay. Mid waliba xil iskma qaadee, ku aan qaadi karin hadii loo dhiibo, ari weer galay kama duwana. Weydiintu waxa weeye, hadduusan qaadi karin maxaa loogu dhiibayaa marka horeba?

Laba dano ayuumba mid laga leeyahay:
1- In lagu adeegto, wixii la rabana laga qunsado
2- In lagu waxyeelo bulsho aan waxba galabsan oo dano gurracan lagu fulinaayo.

 

Bulshada H

Bulshada Hiiraan darxumadan waa mid joogto ku ah

 

Bulshada degta inta u dhaxeysa Galmudug iyo Banaadir waxad moodeysaa amay u muuqataa in lagu fulinaayo qorshe meel dibadda ka ah laga abaabulay, loona adeegsado kuwa u isir sheegta. Sooyaalkeeda ka soo bilowda gugii 2016kii iyo kuwa taladeeda iyo maamulkeeda soo hayey markaad qooraansato, wax aad ka naxdo, xanuun bandanna kugu reeba wax aan aheyn ku arki meysid, kana maqli meysid. Waxyeello kasta ee dunidan la keenay waa lagula kacay bulshada halkaa degta, haba ugu darnaado gumaadka nafeed iyo hantiyeed ee Hiiraan ku dhaca.

Kaa daadegi meyso, sida uu waxyeellada muggaa le markhaati uga ahaan karo ugana dhex fulin karo mid u dhashay carrigaas bulsho uu u nasab sheegto, welibaana ugu faraxsanaan karo. Waxaanda sidoo kale sifeyn karin bulshada gabood falka intaa la eg lagu wado, kana falcelin. War ileen balaayow goortaad daqarka geysaneyso sooma muujisid.
Ma naxayaal gumaadka bulshadooda laac dhaafsada ayaa xilalka buuxiya, iskuna bebeddela, welina u ciil qaba.

Waa xaafad Jowhar ka mida

 

 

Waa mashruuca kuwaa daaha gadaashiisa ka maamula ku gaaraan mansab siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Iilka ayaa loo diray dhowr kun oo wiil, tira laba jibaartana naafo ayey derbiyada la daadsan yihiin. Gooha qaxootigu waa mid cirif walba laga maqlaayo, daryeelana haba sheegin.

Kuwii horseedka ka soo ahaa gumaadka dhacay, cidna aayan wax iska weydin ayaa weli u ciil qaba gumaad dame oo lagula kaco bulshada laba gobol. Waa kuwa hadda ololaha ugu jira inay sii maamulaan ama isku beddelaan qaar cusub oo gumaadka kala qeyb galay. “Yaa turaab, Aleysa minkum rajulun rashiid”

Federaalka, waxa looga fadhiyaa inay shakhsiyaadkan ka fogeeyaan Hirshabeelle haddii la doonayo in bulshada halkaa degta la sabata bixiyo. Federaalku haddu oggolaado inuu dib kuwaa ugu celiyo Hirshabeelle, waxa loo aqoonsan doo-na inay qeyb ka yihiin, kana soo ahaayeen gumaadka la geystay, welina aan cidna loo ciqaabin. Hirshabeelle waxay u baahan tahay qalliin deg deg ah, takhtarkeeduna waa madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweyne mididaada kaga badbaadi Hirshabeelle dowdarka isu baheystay ee dabargoynta ku wada bulshada halkaa degta.

Waa biyaha laga cabo Jowhar

 

Horjoogayaasha fulinta, maamullada hey’adahooda adeegga iyo kuwa sharci-dejinta qololo uga waxyeello badan, wax qabad daayo sooma marin. Waxa la mida kuwa laamaha federaalka Hirshabeelle ku matala, oo si dadban iyo si toosaba ugu gacan yeesha waxyeellada labada gobol.
WQ: Faarah X. Warsame

Related posts

South Sudan recalls ambassador to US, amid peace problems

warsan

American fascism?

warsan

Ethiopia distributes 96 billion Birr new currency notes

warsan