LUULYO 11, 2025
Nolosha aadanha iyo sida uu noloshiisa ula falgalo kuwa falkiga ayaa waxa laga wariyaa inay dhif iyo fara-ku-tiris tahay in la helo laba maskax oo isuku si wax uga aragta arrimaha doodaha iyo muranku ka oogmo, hayeeshee, waxa jirta bey leeyhiin tu saddaxaad oo labadaa walaaleysa, oggoleysiisana in dhan loo wada jeesto.
Waa door u gaara qofka laga helo cunsurrada hoggaaminta ee jaheeya, is-dhexgeliya garashooyin is-diiddan kana soo saara isla heli iyo wadar-oggol. Maskaxda saaran hoggaamiyaha waa mid dhegeysi badan, garasha durugsan, dulqaad iyo naxariis badan, aragti dheer, misana xallisa umuuraha murga ee is-mari waagu hareeyo. Waa mid jacelka Alle ka buuxo, hayina, isla weynnida iyo kabirkuna diiwaankiisa ka saaray, og in xisaabtan jiri doono. Waa aamin hanti la wada leeyahay ka nabad gasho misana daljira oo aan cadow kalkaal aheyn.
Waa ka isku wada doqonka iyo nin karmeedka. Waxay yiraahdaan sebenkani waa kii dowdarka iyo arkaa-qaadka, dagaal-oogaha iyo deb-shidka. Dhexdaan u naal.
Madaxweyne tunka, waxa kuu saran xil aad u siddo bulsho gaareysa Afartameeyo milyan (40 milyan) oo isku weheshada magaca Somaali, dunida halkuu doono ha ka joogo, wallow sokeeye warjeefku keenay is-diidanaan wiiqday midnnimada, tahay dhab taal Somaaliga, adigaana ugu horreeya ka ay isu-uruurinteeda xilka weyni ka saaran yahay.
Dalku waa kii waqooyi iyo koofur ahaa, maanta gidaar baa labdii dhex yaal, cid jebisana weli lama helin.
Ka warran gidaarkii hore haddii laba kale haddey qarka u saaran tahay inay ku biiraan (laba bii’adoodba ha ku kala jiraane). Hubaal inaad meelo badan isaga eg tihiin hoggaamiyaha aan sare ku tusmeeyey. Waxad u egtahay mid doonaya inuu Somaaliyada maanta mid ka qurxan u dhaafo bulshadan dulliga in loo qoray la moodo, hayeeshee, iyadu isu qortay.
Madaxweyne hubaal inaad ka warheyso dhaqdhaqaaqa shisheeyuhu riixaayo ee ka socda Bosaasso iyo Kismaayo. Labada hadda waxa maamula Imaaraadka oo ta Boosaaso ugu duula dal aan sebenno saaxibbo dhow aheyn, welibana xafiiskaaga dawacyad keenay. Bosaaso isha waxa looga hayaa xuutiyiinta oy iska kaashadaan Imaaraadka iyo sirddoonka Yahuudda (Mossad).
Ka warran haddey Xuutiyiintu damcaan inay dhulka la simaan Bosaaso intey ku qaadan kadho. Waa u daqiiqad. Dagaalka Bariga dhexe ayaan dhexda u naal iyo ka Imaaraadka u gaara ee Sudaan lagu duminaayo. Ta Kismaayo Imaaraadkaa xidhay oo danahiisa gurracan ku fushada iyadoo dowladdaadu wax kor joogteynna ku laheyn.
Ubucda maqaakani, waxa weeye, labada nin (waa Deni iyo Axmede) xaawil, oo ergo u dir xalkeedana hel inta aaney belo ta hadda ka qara weyn dhexda noo dhigin. Ergadu yeyan noqon dad lagu yaqaan ardaaga siyaasadda maanta. Dir dad bulshada magac ku le, dana siyaasadeedna aan dhex goobeyn oo tu Somaalinnimo u adeegaaya. Alla ha kaa saacido.
WQ. Tifatiraha
