December 5, 2025
Cover

AAN SHEEGO HADDAY SIXID HORSEEDAYSO!

Luulyo 8, 2025

 

Waagoon ii baryin ayaa leygu wargeliyey in hooyadey aad u xanuunsaneyso, Waxan ka soo qaaday halkii ku xanuunsaneysay oo dibadda ka ah Xamar. Markiiba goobaha caafimaadka mid ka mida ayaan ula cararay. Saf dheer kadib, takhtarkii na loo diray baan u galnnay, aad noomuu wareysan, warqad iyo qalin buu boobay. Dhiigag, raajooyin iyo baaritaanno kale ayuu noo diray. saacado kadib, dib baan ugu gallay. “Wax badan ma jiraan, hooyo daawadan u gad, dibna iigu soo celi” ayuu la soo booday. Daawadii hooyo ma mahadin, kuba darsatay, cabsi iyo welwel dheeriya ayaa na galay, talo waa nagu cakirantay. Ma ku noqonna mise mid kalaan tijaabinnaa baa nagu soo nonoqotay.

Garan weynnay go’aan aan qaadanno, kase fursan weyday inaan bal isagii wargelinno. Saacado tacaba kadib, waannu hor fariisannay, u warrannay. “Daawadaan u beddelayaa” ayuu yidhi. Amar doodi aaney ka furneyn weeyoo sidiisii u qaadannay, daawa cusunba waa u iibiyey hooyo. Hooyo soo tar male, ma dawadaan tayo laheyn ma aqoonaan jirin. Cid kaaga jawaabta male. Talo nagu caddaatay, talada inaan badinney noqotay. “War yaa nagu dhaama mid fariida oo dadku ammaano”. Na la tilmaan, oo safka dheeri ileyn goob walba waa ka jiraaye, magaaladu waa wada bukaan socod iyo jiif mid loo wado.

Wadadii dheereyda ee haddana jeeb marinta badneyd marnnay. Baaritaankii waxa laga aqriyey in hooyo qalliin u baahan tahay. Naxdin ii gaara. Maahi mid hodona, nolosha ayaan maareeyaa. Waxa i hor yimid weydiimo doora, “tolow muxuu odhan doonaa, ma awoodi doontaa qiimaha qalliinka iyo kuwa kale”.Gabdh baa yaboohisay hooyo cidda ka wakiila, “waa aniga ayaa la booday” soo dhaafna wey raacisay. “Hooyo waa qalliin sow lama socotid” dhegteydey ku dhacday, “haa” inaan irdhi iyo in kale ma ogi. Laba kun iyo shan boqol oo doolar (2500$) baa qalliinku yahay ee diyaar ma u tahay? Waagaa igu baryey, “ha iyo maya” midna iima fududa. Hooyana waa inay qalliin hesho, tiradaa lacageedna meel kuma ogi.

Waxan isku duubay saaxiib hore oo aan ka codsaday inuu lacagtaa iga shubo, halka aan deganahayba aan u xaraashee. Leyga shub, hooyo la qal. Toddobaad markey isbitaalka jiiftay, xanuunna halkii uu jiray uga yimid hooyo ayaan wareysi ugu tegay takhtarkii. Kuye baaaritaan cusub (diagnosis) oo dambe ayaan u diraa, si aan u ogaado ciladdu halka ay ka jirto ee shirkadda arrimahaa qabata ee nagu dhegan u gee. Waa tu kale oo shaqo loo abuuraayo. Shan boqol (500) go’o.

Waraaqihii markaan ula galay oo uu cabbaar kala bixbixiyey, qaarna iftiinka gaarka ah ku eegay ayaa intuu waraaqihii is hoos dhigay dhabanka qabsaday. Ogaaday in xaal culus yahay, taan u dhigtayse mey aheyn. Kuye halkii aan qalay baan uga soo tegay waslado buka oo u baahan in dib loo soo jaro, mana aha howl aan qaban karo. Oo yaa qaban karaaya? Waxan ugu yeedhayaa takhtar aan shaqo wadaag nahay oo shisheeye ah, nagana aan fogeyn, waxana ku fuuli doona qaraamaad kale oo takhtarkaasi qaadanaayo oo iyana ahaan laba kun oo doolar (200$).

Hooyo dibaa loo qalay, lacagtiina waan bixiyey, hooyana saacado kadib teedii ayaa timid, waana aasay. Maaha sheeko aan abuuray ama maqlay oo aan xumeyn ula jeedo, waa xaqiiqa aan taabtay. Suurowdee in la helo dad badan oo wadadeyda maray, iskase aamusay. Sii qarin kari waayey.

 

Maamulka Warsidaha Warsan baaritaan uu uga dabtegaayo saxnnimada dhacdadan xanuunka le, waxa uu
ku ogaaday inay sax tahay. Waannu aragnaa cabashooyin la mida badanaase hubintey ku haraan. Joornaalku wax aanuu hubin bulshada uma soo bandhigo.

WQ. Codka Dulmanaha

Related posts

When the World Is the Enemy

warsan

Can We Trust the WHO?

warsan

UAE hosts sanction fleeing Russian oligarchs

warsan