January 6, 2026
Iraan waa dal dunida galbeedka naceyb gaamuray looga hayo. Qaar ka mid ah dowladaha Carabta ayaa lagu cabsi-geliyo in mansabkooda waayaan haddii aysan raacin amarka ah: “ila nac ka aan naco”. Amarkaas wuxuu saameyn ku yeeshay saboolka dibadda laga quudiyo oo u nugul cid kasta oo amarka bixisa, maadaama dambiisha tuugsiga wax lagu rido ay ka timaaddo.
Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ee dhisneyd 2016-kii ayaa eriday diblomaasiyiintii Iraan u joogay Xamar iyadoo loo cuskaday dembiyo aan si dhab ah loo caddeyn, eryintoodana loogu gabbaday. Qaar baa ku doodaya in go’aanka Soomaaliya ku xidhay safaaradda Iraan uu ahaa culeys ka yimid dhinaca Sacuudiga, kadib markii Iraan iyo Sacuudigu isku maandhaafeen dilka mufti Shiica oo Sacuudiga aad looga yaqaannay. Colaaddii ka dhalatay dilka muftiga iyo ficil-celintii Iraan waxay keentay in Sacuudigu xulafadiisa ku dirqiyo inay xiriirka u jaraan Iraan. Soomaaliya waxay noqotay dalkii ugu horreeyey ee Sacuudiga arrintaa kula safatay, Iraanna macasalaameysay. Sacuudigu wax yar kadib dib ayuu u kabay xiriirkii uu la lahaa Iraan, halka Soomaaliya ay weli u dudeyso.
Odhaahda “Anaa nacaye ila nac-da ah” waxaa soo dhiibay reer galbeedka, Yahuudduna ka adeegtay, si loo burburiyo hubka lagu tuhunsan yahay in Iraan heysato. Waatii Iraan la duqeeyey si loo fuliyo qorshaha ah inaan la arag waddan Muslim ah oo awood leh. Qorshahaasi waa mid innaga dul taagan oo muddo badan wakiillada Yahuudda ee Carbeed ay naga dhex wadeen.
Iraan waa dal miisaan culus ku leh siyaasadda dunida baaxaddeeda leh. Dowlad sida annaga oo kale ahina ma habboona inay si indho la’aan ah ula safato xulafooyinka maanta dunida ka jira. Waxaad mooddaa inaan ka leexannay siyaasaddii dhexdhexaadnimada ee aan muddo ku soo caana-maallay. Xiriirka Soomaaliya iyo waddan kasta oo kale waa muhiim, balse xiriirka aan la leenahay Iraan wuxuu leeyahay taariikh qarniga dhaafaysa. Difaaca bulshada ku abtirsata diinta Islaamka Iraan waa kow; colaadda iyaga iyo Yahuudna salkeedu waa maxaad u gacan siisaa kuwa gumaada Falastiin, Suuriya, Yaman, Lubnaan iyo hadda oo Soomaaliya lagu hamineyo in loo soo raro gumaadkaas.

Bulshadeenna dhegta ayaa loogu shubay in Shiicadu ay na Shiiceynayaan, kadibna waxaan isu kala safnay oo seefteenna isula bixinay. Haddana ma kala safneyn oo Sunni-Sunni kale ayaa bireynaya. Iraan waa dal Islaama oo badanaa aan gelin shu’uunta dalalka kale. Haddii ay dhacdo in waxa lagu eedeeyo wax ka jiraan, waxay ahayd in la masaafuriyo shaqsiyaadka arrimahaas ku lug leh, ee ma ahayn in safaaradda salka loo rujiyo.
Dhacdada hadda gobol ka mid ah Soomaaliya Yahuuddu ku aqoonsatay, cambaareynta Iraan waxay ahayd midda ugu horreysa ee ka timid dal Muslim ah oo aan gacal sokeeye u naqaan. Madaxweyne, Iraan shacabkeenna dembi na dumiya kama gelin. Kuwa qeybinteenna safka hore uga jira ee la wada yaqaanno ayaa safaaradahoodu naga dhex furan yihiin.
Waa kuwa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in Yahuuddu maanta tiraahdo: “Hargeysa waan aqoonsaday.” Waa UAE oo Kismaayo, Boosaaso, Xamar iyo Berbera noo fadhida, qeybinteenna gacmaha kula jirta. Maamullada Kismaayo iyo Garoowe eeg sida ay ugu milmeen, una fuliyaan siyaasadaha UAE-da ee gayigeenna. Weydiintu waa: Hargeysa yaa xigaya? Armey kuwa sarana xigayaan? Allaa og.
Talo iyo Fariin Siyaasadeed
- Dib u fur xiriirka Iraan: Soomaaliya waa inay dib u soo ceshataa xiriirka diblomaasiyadeed ee Iraan, si ay uga faa’iideysato miisaanka siyaasadeed iyo taageerada Muslimiinta caalamka.
- Dhexdhexaadnimo siyaasadeed: Waa in aan ku laabanno siyaasaddii dhexdhexaadnimada ee aan ku faani jirnay, halkii aan ku milmi lahayn dagaallada xulafada.
- Ka hortag kala qaybsanaanta gudaha: Ummadda Soomaaliyeed waa in loo sheego in khilaafaadka Sunni iyo Shiica aysan ahayn mid innaga dhex yaal, balse ay yihiin qorshe dibadeed oo lagu kala qaybiyo Muslimiinta.
- Ka digtoonow faragelinta Carabta iyo reer galbeedka: Dalalka Carabta qaarkood iyo reer galbeedku waxay ku lug leeyihiin kala qaybinteena, taas oo ay ku fulinayaan danahooda gaarka ah.
- Xaladdu siday tahay kama maaranto inaad go’aan qadhaadh qaadato. Xarigga Imaaraadka jar, ka Iraana xidh
Warsan magazine
