5.3 C
New York
November 24, 2020
Commentary

Ayax Teg Eelna Reeb

 

Bishu waa 21 Juun 2019. Gaariga aan wadanno waxaa Soomaalidu ugu yeertaa Nooha, balse magaca uu Japan uga yimaado waa Noah. 6 Waduhu ku jiro baan ku saarnayn. Wiil iyo gabar kursiga dambe bay xarrago ugu joogeen. Aabbohood iyo nin da’ yar gabadha oo 21 ahna ka weyn kursiga xiga bay barakaadeen. Saddexda isdhashay waa reer St. Paul, USA—halka inanku yahay reer Chicago, USA. Wadaha keligey oo Canada deggan baa hore ku weheshay.

Magaalada Sheekh baan habeenkii u soo hoyannay. Buuraha Sheekh si wanaagsan baan u soo daawannay.

Huddisa iyo Laalays xawaare ayaan ku soo dhaafnay. Laboduba sooyaal dheer bay leeyihiin. Laalays waxaa ku dhashay Eebbe ha u naxariistee boqorkii codka, Maxamed Suleemaan Tubeec. Haddana, heesta ay ka xalladiso Hibo Nuuro “Laalays dusheediyo laan gebi ka lulatiyo” waa caan.

 

Waayihii Berbera ay Ingiriiska saldhigga u ahayd, 1884-1900, bilaha Juun-Agosto, Ingiriisku waxa uu xagaabax u tegi jirey Huddisa. Kolkii gaarigu halkaas ila marayey, xusuusahaas igama maqnayn. Sheeko ahaan ayaanba ula wadaagay qurbejoogtii ila socotay.

Tan iyo goortii la soo gaaray 1889, Soomaalilaandi waxaa laga maammulayey India—oo Ingiriisku gacanta ku hayey, gaar ahaan magaalada Calcutta (James Fergusson, The World’s most dangerous place: Inside the Outlaw State of Somalia, 2014, page 244).

Xeebta Batalaale ee magaalada Berbera—oo laami gala loo sameeyey baan lixdankoo daqiiqo ku daashoonnay. Biyaha hadda loogu yeero Gacanka Cadmeed sooyaal ahaan waa Gacanka Berbera. Ingiriiska ayaa u baxshay Gacanka Cadmeed kaddib 1839. Waxaa loo yiqiin “Baxar Al Berber (biyihii Berberta)” lamase hubo in Carabtu ku dayatay badmareen Giriig ahaa (Periplus of the Erytharean Sea)—iyo in iyaguba ay Giriigga horti xeebaha Soomaalida imaan jireen magacana baxsheen—iyada oo ta dambe u badan—in kasta oo qoraalkiisu ka caansan yahay cid kasta.

Isla maalintaas, 21 Juun 2019, Hargeysa iyo Berbera dhexdeeda—oo Hargeysa aan u soo soconnay, goor barqo ah aayaan ku aragnay Ayax dhulka ku habsaday (eeg sawirka soo socda).

Maahmaahda “Ayax teg eelna reeb” waxa ay ka baxday deegaannada Mudug ilaa Hiiraan dhankeeda waqooyi ilaa Hawd. Maxamed Ayax Dhowre aaggaas ayuu wax ka degi jirey. Waxa uu ahaa maalqabeen miyi, gabyaa, aftahan, deeqsi haddana geesi. Gabaygiisa ugu caansan waa Quursidiid. Miraha gabaygaas waxaa ka mid ah:

 

Qabbaannimo haddaad

Iga rabtiyo ii qasaal marada

Qerykaas Eebbahay iguma qaban

Qoodhay xeradeeye—isaga oo meelna ku leh:

Qab qab dhaafay baa labo qolo

Qaran ku weydaaye

Qabkaad Mudug la joogtaan

Rag waa isku qatalmeysaane…

 

Cabdullaahi Axmed Cabdulle (Azhari), qoraaga Burburkii Bulshada iyo Barakicii Duuliyeyaasha—oo sheekooyinka Maxamed Ayax Dhowre si wanaagsan u haya ayaa oranaya:

Murtida qudheeda waxaa baxshay nin la oran jirey Cigaal Caymo, oo Ayax maslaxaad sarbeeban ugu tegey inta lagu gartayna laga diiday. Kaddib, markii uu aal ka waayey ayaa Cigaal Caymo yiri, “Ayax teg eelna reeb.” Waa run oo Ayax Dhowre waxa uu Soomaalida kale u sheegay in Mudug ay tahay deegaan xasarad iyo hirig badan.

Yaraantaydii, anigu Ayaxa waa ku arki jirey miyiga. Waa bahal duula—oo weliba hawada kore aad ugu fogaada. Waxa aan xusuustaa isaga oo balaayiin ahaan cirka isugu shareera—oo goorta uu isqabsado aan daruur u malaynno. Meesha uu ku dego xabbad caleen ah kuma reebo. Caleenta marka uu dhammaysto, dhirta waa diirtaa. Waa aafo carrada uu maro dunidu u gurmato. Ayaxu dhal balaayiin ah ayuu dhulka ka dhalaa, amaba waxaa la yiraahdaa: Dhulka ayuu dhasaa (rimiyaa). Dhashaas waxaa loo yaqaan Koronkorro.

Marka, dadka Ayaxa iyo dhibtiisa yaqaan aad bay uga naxaan kolka la sheego.

Haddaba, isbaaro aan istaagnay, oo Hargeysa aan konton KM ka badan u jirin, ka-Berbera-ku-Hargeysa ayaa nin fil dambe ah nagu weyddiiyey in aan Ayax jidka ku soo aragnay. Kolkii aan u sheegnay ayuu yiri, “Waar aafadan sidee ka yeelnaa?”

“Aan garaadkeennii fiicnaa dib isugu keenno oo qaran guud raadinno,” baan iri. Isaga oo aan meel fogba waxa ka raadin ayuu nagu la kaftamay, “Waar ahaada haddii aad rabtaan ee Soomaaliya reer (magac buu ku dhawaaqay) baa diiddan talodaas.”

Waxa qoray: Cali Cabdi Giir

caliganay54@hotmail.com

Afeef: Fekerkani, waa mid u gaara qoraha, Warsannna ka turjumayo siyaasaddeeda

Related posts

Siyaasi Indheergarad ah iyo Bulsho dhiirran

nur

Somali coffee farmers vexed by poor roads and transport in mountain areas of Sanag

warsan

LESSONS FROM THE LUCRATIVE TELECOMMUNICATION BUSINESS IN SOMALIA

warsan

Leave a Comment