April 17, 2026
Cover

Dhaqan ka socda gobollada Bari iyo dowlad-degaanka ayaa Xamar ku sugan

Isimo iyo odayaal ka socda Maamulka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Duubabka dhaqanka ayaa soo dhoweeyay wafuudan isugu jira Isimo iyo Odayaal.

Ujeedka Socdaalka Isimada ayaa lagu sheegay inay tahay dadaalada loogu jiro nabadeynta Soomaaliya, isku soo dhowaanshaha umadda Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalkooda uu la xiriiro sidii dowladda Federaalka ay u bixin laheyd magta lacago ay uruurinayeen oo loogu tala galay dagaalo ka dhacay Gobolka Sool oo lakala siinayo beelo sanadihii u dambeeyay ku dagaalamayay

Isimadan ayaa la filayaa inay la kulmaan Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya, iyadoo inta ay joogaan Muqdisho ay la kulmi doonaan qeybaha dhaqanka.

Facebook
Twitter

Related posts

Ethiopian police chief arrives in Juba for security talks

warsan

Why competing sides are backing Ethiopia’s government

warsan

Former Chief Science Officer for Pfizer Says “Second Wave” Faked

warsan