December 5, 2025
Cover

XINJIRTA QUBANEYSA MA KA WARQABAAN?

 

Luulyo 7, 2025

 

Dagaal qaranku leeyahay ayaa bulsho kaliya oo gobol degta lagu daawadaa, xinjirtaa daqiiqad walba socota, dhimashadu tiro male, dhaawacana warkiisaba ha soo qaadin. Waa dagaal laba gu jirsaday oo u dhaxeeya dowladda iyo mcaaradka hubeysan, haddase u eg mid lagu cidleeyey bulshada degta bariga Hiiraan oo iyada dhulkeeda uu dagaalku ka bilowday kuna guuleysatay inay ka xorowda dhibaha tirada beelay ee mucaaradka hubeysani ku soo hayey guyaalkii naga tegay.

Gobolka (Hiiraan) iyo Sh/dhexe ayuu madaxweyne Xasan Sheekh u malmaluugay wax lagu sheegay dow-
lad-goboleedka Hirshabeelle oy madaxtinnimadeeda iska soo dhaxleen laba u nasab-sheegata bulshada xinjirtu ka qubaneyso iyo ka hadda jooga oo Shabeellada dhexe uga soo biiray.
Saddaxduba midna laba dhgax isuma saarin bulshada dowlad-goboleedkaas, haba ugu sii liito ka hadda jooga.
Waa nin laga inkaarsady oo tunka loo suray xil aanu qaadi karine, waa ta dhashay in Hiiraan ay noqoto isuma taliso iyo dhasheed. Maalinba mid baa magac ula baxa kadibna dagaal ooga marka uu xeyn dilana dowladdu lacag iyo xilal uga qaata. Abaalmarin la moodaa.

 

Waxa la qabaa inuu jiray, welina jiro qorshe leyska kaashaday oo ku talagalku ahaa, yahayna in bulshada hadda xinjirteedu qubaneyso lagu wiiqo awoodeeda dadeed iyo dhaqaale ugu dambeyntana laga baraciciyo dhulka Alla makaniyey sabenno badan ee tegay, caddeynna waxa ku caddeynna waxa ku filan sida loola dhaqmayey iyo dadka loo xulayey.

Waxa madax looga dhigaa midba ka uu ka liito, howshii bulshadana uga mashquulayey haasaawe habeen iyo hurdo maalineed. Iyagaa umbaa haddana loo kala beddelaa, illaa ayba gaadhay meel dowladda iyo maleeshiyaad goboleedku ku tartamaan xukunkeeda, dadku barakac iyo burbur joogta laasimo.

Yaabka yaabkiisee, bulshadu waa mid iska aamusan oo aan waxba diidin. Dowdar waliba maalin buu ka dhaansadaa, isagana huleelaa, iyaguna waxay sugaan inta duuflaal kale wadadii kuwii hore marinaayo. Heshiis baa waxa galay kuwa siyaasadda wakiilka uga ah iyo dhaqankaan hoggaaminnaa ku andacooda, bal shuraako kula ah kuwa siyaasadda dibindaabyada, kala qoqobka, jifo-jifeynta iyo kala geynta bulshada.
Bulsho aan weligeed qeybsamin bey kooxba meel kula shiraan, qandaraasyo siyaasadeed oy soo qaateenna ka dhex fuliyaan. Waa arkaa qaadyo, wax deeqaa jirin, arxan darran, dhiigga bulshadooda kula gorgortama madaxda federaaalka. Waa tee maskaxda oggol in mid hey’ad dowladeed loo magacaabay kursigii golaha shacabka ee bulshadiisa uga wakiilka ahaa intuu khaannad ku rito, markii xilkii laga qaaday khaannaddii kala soo booday oo geystay degaan-doorashadii kursiga si loogu xalaaleeyo. Waa taa loo xalaaleeyay.

Yaabka xigaa, waxa weeye madaxda feeraalka oo ficilkaa gurracan iyo damacaa waalan ku taakuleyneysa. Fadhiidyada siyaasadda halkii bulshada xinjirtu ka qubaneyso isu dumi lahaayeen, awooddooda mideyn lahaayeen waxay ku tamashleeyaan hoteellada raaxada ee Xamar sidiiyoo aaney belo kaba jirin halka ay wakiilka ka yihiin.

Yaabka dambe, waxa weeye, meeye waxgaradkii, maalqabeennadii iyo aqoonyahankii bulshadani laheyd,
waxad mooddaa inyan waxba ka sokeyn kuwa siyaasadda markaad eegto is-xilqaan iyo abaabul la’aanta muuqata ee cid wax dhaqaajisa aan loo jeedin. Ma jiro dadaal dhaba oo xaaladda la qara ah oo socda.

Taladu waxay tahay:

In bulshada dhiig baxaysaa talo isugu timaado qorshe iyo
diyaar garow cusubna meel mariso.

In horta bulshada siyaasigu u kala warramy midowdo meelna uga soo wada jeesato dagaalka isir-suulinta u xuubsiiban raba.

In la guro oo la uruuriyo dhaqaale cadowga muuqda iyo ka qarsoonba looga hortago iyadoo mid (yar iyo weyn) walba oo bulshadan ka tirsan loo qoondeynaayo kolba heerka dhaqaale ee looga jeedo. Qoyska 10ka qofood ka kooban Aabaha ayaa laga rabaa inuu 10kaa qoondadooda bixiyo.

In bulshada dhiig baxeysa tala cusub ka yeelato cidda dambe ee wakiil uga ahaaneysa golayaasha owladda
dhexe iyo ta gobolka, (in gooni leysu taago haddii go’aanku noqdana waa in sadhig adag oo arrintaa lagu xaqiijin karo dhibada loo taago, maaha magac uun in la walfiyo.
In xisaabtan dhaba la hordhigo madaxda dowladda dhexe iyadoo xisaabtanka loogu horreysiinaayo doorka bulshada xinjirtu ka qubaneyso ku yeelatay la dagaallanka mucaaradka hubeysan, qoonddo u dhigantana laga siiyo.

Bulshadaaney hurdada ka toos, soo soco-tadaadana u
tasho, haddii kale?
WQ: Codka Xinjirta Qubaneysa

 

Related posts

Uganda surrenders Entebbe International Airport to China

warsan

Bleachers of a Hasidic synagogue collapsed in Givat Ze’ev, 60 injured

warsan

Trump To End Ties With WHO Over China’s Influence

warsan