The Warsan
Cover

Haddaannu Ugu Baahi Badan Nahay!

Faallada

 Luulyo 10, 2024

 

Waagii ii baryaba, waxa ka dhacaya dalka, waxay i xusuusineysa, halganka aan dhamaadka laheyn ee aan ugu jirnno inaan badbaadnno dad iyo dalba. Keennu (dalka) waa dalka kaliya ee Afrika ku yaal ee dhulkiisa ay qeybsadeen reer Yurub iyo kuwa aan diirka wadaagnno. Keennu, waa dalka kaliya ee dadkiisa lagu qasbay inay sanooyin noolaadaan xukuumad facaala la’aanteed.

Awoodo ayaa jira isu diray inay xaqiijiyaan, oo hubiyaan inaan guul-darreysanno, kufnno, si ay toodu u nagaato, laakin, waxa nasiibdarro dheeriya ah, marka dadkeyga qaarkii u banbaxo, dabar-goonta waxa aan dad ku nahay.

Markaan sawiranno riyooyinkeenna guud, waa inaan donnaa, sidii aan u ahaan laheyn waddaniyiin u soo jeeda danahooda – taasoo mararka qaar naga dooneysa halgan joogto ah oo aan dhamaan. Dhab ahaan markaan uga fekernno nolosha iyo waqtiga ku baxay halgankeenna iyo halgamayaasheenna ku xusan taariikhdeenna halganka, Axmed Gurey, Aweys Al-baraawi, Sheekh Xasan Barsane, Maxamed Cabdille Xasan iyo sidoo kale dhallinyaradii SYL, kuma deg degeynno inaan dalkeenna xaraashnno.

Waa suurowdda inaan hellay madaxbannaani, laakin hanashadeedii buu dhib naga heystaa, waayo gumeystaha ayaa habeen iyo dharaar maleega dibin-daabyo iyo tabo uu ku hantiyo dhaxalkeenna iyo innagoo farqaha is heysnna, midnnimana xaqiijin weynnay. Waajib, waxa nagu ah goor kasta inaan eegnno diinteenna, dadnnimadeena iyo ruuxa Somalinnimada ee isku keen xidha.

Bal in yar dib u fariiso, oo malee: Ma naqaan halka aan ka nimid? Ma fahamsan-nahay xaalladda hadda aan ku jirnno? Ma naqaan cidda aan nahay? Ma fahamsan-nahay, runtii ma fahamsan-nahay, halka ay noo waddo qeybsanaanta hadda? Ma fahamsan-nahay, mana nala qurxoontay, siyaasad-goboleedka yeeriya, waxa ka socda hareeraha-yaga?

Wax laga xumaado oo kaliya maaha, hayeeshee, waxay kalooy tahay wax laga cabsado in qaarkeen ka fekeraan danta u gaarka ah kaliya. War waxan joognaa waqtigii aan is-uruusan laheyn oo cududdeenna isugeyn laheyn, dhanna isu raaci laheyn. War waa inaan wada shaqeynno, soona kala hormarsanno danaha dalkeenna maareyntooda. Waa ineynaan qeyb ka ahaanin oo cadowga gacan ku siin waxyeellada iyo burburinta qarankeenna.

Cadowga dibadda oo tira-beelay awgeed, waa ineynaan innagu ableyda isula bixin oo dhabarka iska toogan. Waxa la joogaa waqtigii aan garabka isku qaban laheyn, si aan Somaaliyadeenna u difaacnno. Yeynaan aqoonteenna u adeegsan duminta iyo cadow-kalkaalista. Yeynaan kheyraadkeenna xaraashin.

Yeynaan bowdada iska toogan oo isku mashquulin, cadowgaa fursad helayee. Waxan leenahay dal mid la siistaa jirin; aan difaacanno, oo yeynaan iibin. War hooy dal aan Somaaliya aheyn ma lihin. Waa waxa kaliya oo aan heysanno. Wax badan ayaan xaqiijin karnaa, laakin, waa markaan mid nahay, is-jecel nahay, is-buuxinno oo wax isu oggol nahay. Allow garab na sii. Midnnimo haddaan ugu baahi badannahay.

Nur Cilm- Tifatiraha

 

Related posts

US envoy turned away from Bobi Wine’s home by Uganda police

warsan

The The collapse of Geneva talks may pave the way for rival governments in Khartoum, Port Sudan

warsan

Hassan Rouhani warns protest-hit Iran cannot allow ‘insecurity’

warsan