The Warsan
Cover

Wasiir Faarax Cabdulqaadir oo booqday jaamacadda Banaadir

Juune 1, 2024

Warsan-Muqdishu

 

Waxa maanta booqasho taariikhi ah ku yimid Xarunta dhexe ee Jaamacadda Benadir Mudane Farax Sheikh Abdulkadir Wasiirka Waxbarashada DFS waxaana kusoo dhaweeyay Jaamacadda Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Mohamed Mohamud Hassan (Biday).
Gudoomiyaha Jaamacadda iyo qaar ka mid ah maamulka Jaamacadda waxa ay wasiirka kusoo wareejiyeen xarumaha iyo qaar ka mid ah fasladda Jaamacadda, wuxuuna bogaadiyay shaqada quruxda badan iyo hanaanka waxbarasho ee Jaamacadda Benadir.
Wasiir Farah iyo Golaha Tacliinta ee Jaamacadda Benadir ayaa wada qaatay kulan ay iskaga xaak wareeysteen sidii loo hormarin lahaa waxbarashada sare ee dalka iyo doorka uga aadan Jaamacadda Benadir.

Ugu dambeytii Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Mohamed Mohamud Hassan (Biday) ayaa bilad sharaf gudoonsiiyay Wasiirka Waxbarashada DFS Mudane Farah Sheikh Abdulkadir wuxuuna ugu mahadceliyay dadaalka wasiirka iyo Wasaaradda ay ku bixinayaan horumarinta waxbarashada dalka iyo ubadka Soomaaliyeed.

Related posts

US forces begin to move out of Somalia

warsan

Jacob Zuma: ‘I am not afraid of going to jail for my beliefs’

warsan

Soleimani killing: Iran abandons nuclear deal limits

warsan