17.4 C
New York
October 23, 2020
Economics

WAA BESTEED, QEYLA-DHAAAN BEY DIREYSAA!

 

 

Cabdi Dahir Cusmaan

 

Jaamacadi, waa tii ahaata goob kulmisa maskaxda aqoon sare sal u tahay ee lagu sar-gooyo,horena loogu dhigo aqoonta, si dunidu u noqoto meel nolosha aadanaha badhaadho. Jaamacadda fiicani, waa inay ahaato dherey lagu kariyo afkaarta aan weli si fiican loo aqoonsan, lana marinayo cilmi-baaris keenta xalal daweeya mushkiladaha aadanaha ee xalka loo waayey.

Haddiise, ganacsiyeyntu ka sare mardho, oo isku hor-gudubto dantii laga lahaa jaamacad tayo le, oo soo saarta aqoon-yahanno tayo le, waxay lumineysa hadafka jaamacad loo abuuro. Halkeediina, waxay iska ahaaneysaa goob xoolo uun laga tacbo, oo kuwa iska le jeebkooda buuxisa, wax manfa ah u yeelan bulshada iyo horumarka dalkaba. Waxa wax laga murugooda ah, in xaaladda dambe ee gancsiyeynta waxbarashda ah ay tahay xaaladda maanta tacliinta sare Somaaliya ku sugan tahay. Laga soo bilaabo halkii Jaamacad ee ka jirtay Xamar, sannadkii1991kii, wixii ka dambeeyey, waxa sida daadka u soo burqaday wax jaamacado lagu sheego, oo aan dan ka laheyn waxbarasho tayeysan.

Hey’adahan waxbarsho, waa kuwa daadsan dalka oo dhan, goob walbana ka furmay. Xaaladdani, sawir murugo le ayey ka bixineysa tacliinta sare ee dalka. Caqligu ma sababeyn karo  waqtigan, oo dunidu u hayaantay, in kor loo qaado cunsurrada kulmiya tayada aqoonta macallimiinta jaamacadaha. Hey’adaha tacliinta sare ee Somaaliya ma jirto cabsi ah in loo oggolaado qof wata shahaadada kowaad mid wax yar uun ka sarreysa inuu macallin ka noqdo jaamacadda.

Uur-ku-taallo kale, waxa ah, intooda badan jaamacadaha jira inayan iskuba deyin inay wanaajiyaan tayada meelaha ay maamulaan, si ay bal ugu yaraan ugu soo dhowaadaan heerka

laga sugo jaamacad. Dal kasta, nasiibdarro, waxa ku ah inuusan ka fekerin mushkiladda tacliinta xaaladahan ku sugan ay soo waddo iyo inuu oggolaado in wax loo ekeysiiyey jaamacad, ee aan heerka caalamiga ee leysla yaqaan saldhig u aheyn ay qaadato magaca jaamacad.

Runtu waxay tahay jaamacadaha in lagu ijbaaro, oo shuruud looga dhigo heerka caalamiga ah, ee magcaas lagu qaadan karo. Ta buuxin weysana bulshada laga dhex saaro. Malaha, dhinaca la yaabka lihi, waa ka ah inay waxbarashada hoose/dhexe/sare ardada ka soo gudbeysa ka yaraato kuwa jaamacadaha gelayaa.

Cajiibka Somaaliya yaal, ayaa ah, haddii ardada dugsiyada sare la wada qaato, weli Somaaliya, waxa la helayaa jaamacado aan arday helin. Tani, waxay u muuqataa mid waalliya, marka la barbar dhigo waddan sida Kenya oo kale ah. Toddoba boqol kun (700,000) arday ayaa dugsiyada sare ka soo qalin jebisa Kenya, 39 jaamacadood oo dowli ah ayaa jirta oy tartan u galaan. Ujeeddooyinka mid ka mid ahina waxa weeye in ardayga dugsiga/sare dhigtaa dadaalo, si uu u helo jaamacad.

Dhinaca kale, waxay dhiirrigelineysa inaan ardayna isku mashquulin laba iyo tobban sannadood oo dugsiyo hoose,dhexe ama sare, haddiiba lacag helaayo, waxa uu og yahay inuusan jaamacad waayeeyin. Yaa u maqan kuwa saboolka ah?  Si loo sababeeyo lama yaqaanno, jaamacadaha Somaaliya inayan arag

baahida loo qabo in la wanaajiyo tayada tacliinta sare, si ay u suurowda in la tababaro takhaatiir, hindisayaal iyo farsama-yaqaannada kale oo baahida dalku u qabo, si dib u dhiska loogu guuleysto. Inta baahida dib u dhiska lagu jaan-goyn lahaa tacliinta sare, waxay jaamacadaha jiraa isku koobeen sharciga iyo maamulka ganacsiga. Mustaqbalka ardadaan, nasiibdarro, waa mid madow, waayo waraaqaha ay wataan suuqa shaqada waxba uga goyn mayaan, dibaddana wax aqoonsi ah ka heli maayaan.

In la abuuro guddi nidaamiya tacliinta sare, ayaa in la bilaabo muhiim tahay iyo in hore loogu dhaqsado sharciga tacliinta sare dhaqi lahaa, kaasoo hagi lahaa tacliinta sare, keenina kari lahaa tayada lagama maarmaan u ah tacliinta sare.

Dhinaca siyaasadda, waxa quman in la bilaabo olole iyo wacyi gelin laga sameynayo, baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo waxbarashada dalka, mana aha in loo qaato in dowladdu dagaal dhaqaale ku qaadeyso kooxaha ku maaleystay waxbarashada ka gancsigeeda, oo u muuqda kuwa ceego ku haya tacliinta sare, oo diiddan inay gacantooda ka baxdo. Qoruhu waa arday u sharraxan shahaada PhD-ga, wasiirkii hore ee waxbarashada, dhaqanka

Waqtiga na soo haya, in Somaliya ay soo ciriirsato liiska dalalka le, goobo waxbarasho oo lagu tababarto tayana le, waxay ku xirnaan doonta, sida looga mira dhaliyo is-beddelka lagu wado tacliinta sare iyo guud ahaan waxbarashada dalka.

Somaaliya, haddii ay dooneyso inay furfurto awoodeeda horumarineed, waa in aaney oggolaan inuu habkeed waxbarasho ahaado mid furan, oo shahaaddooyinka uu heli karo kolba ka qiimaha ugu sarreeya u gaara. Gobolladani, waxay helaan maalgelin shisheeya, oo ka saacidda arrinka. Hayeeshe jaamacadaha intooda badan wey ka hooseeyaan heerkii la rabay, baahi ayaana loo qabaa in arrinka deg deg sabata bixiyo. Waa bested, qeyo-dhaan bey direysaa.

 

Qoruhu waa arday u sharraxan PhD, wasiirkii hore ee waxbarashada iyo tacliinta sare, dowladda federaalka ee Somaliya.

 

buulaay1@hotmail.com

Related posts

Turkey gets unprecedented downgrade, crisis warning from Moody’s

warsan

Pressure mounts on Kenyan shilling amid falling forex reserves, remittances

warsan

HIIRAN TOOS, DIID DULLINNIMADA

nur

Leave a Comment