10.5 C
New York
November 22, 2019
Dev Economics Editorial

Iyada oo arkaysa!

 

 

Kadinka xagga koonfureed u jeeda ee cisbitalka Hargeysa ayey orod ku soo gashay. Ilmo yar oo qiyaastii bil ama ku dhow jira ayey legga ku sidatay. Shalmaddu inta ay ka dhacday baa ay labada garab midkood ka laalaadday. Kabaha ay xidhnayd midkood waa ay go’nayd, se waa ay ku socotay.

Warwar hooyo ayaa korkeeda buuxdhaafiyey. Dareenka kalkeeda ka oognaa waxa laga arkayey korkeeda. Mar waxa ay eegaysay ilmaha mujada ah ee ay cadceedda ka qarinaysay, marna inta ay afka afka u saarto ayey naqaska ku taagan ka soo nuugaysay.

Waxa ay soo gashay waadhka tilmaanta lagu soo siiyey ee ubadka ee “Oxygen”tu taallo. Kadinka ayey ka gashay oo hore u soo dhex qaadday. Waxa ay isha marisay sariiraha waadhka in ay ku dul aragto qof ay adeege caafimaad u garato.

Ha yeeshee isheedu ma ay qaban wax aan ahayn ubad kalxamuhu soo baxeen, hooyooyin kor yabaalsan iyo agab wada gaboobay. Intaas oo dhan war uma hayso, waxa ay kolba hoos u fiirinaysaa ilmaha naqasku hayo ee boggeeda ku jira.

Afka ayuu xumbo cad ka keenayey oo marka ay libiqsi ka waydo hadba afkeeda afka u saaraysay oo neef u siinaysay. Wali na ma ay arag cid shaqaale ah oo ilmaha wax u qabta. Sariiraha waadhka midda u baallaysa waxa jiiftay gabadh cas oo buuran oo koodhcad xidhan.

Waxa ay u malaysay in ay tahay kalkaalisada caafimad ee bukaanka waadhka. Markii ay u tagtay “Walaal ilmaha naqaskaa haya ee ogsajiinta ku soo xidh baa la igu yidhi ee iigu xidh” bay hadal naxsan, warwarsan oo gariiraya ku tidhi gabadhii ilmaha sidatay.

Kalkaalisadu wadhaa ba ma ay hayn. Naqaska qofka yar ku taagan iyo hooyada la isha daran xataa dareen yarna oo naxariis ah uma ay muujin, ha joogto gudashada hawshii waajibka loogu lahaa’e. Iyada oo aan hadal kalkaalisadu ayey labada lugood mid ba mar sariirta ka soo dajisatay oo ay shalmadda haabhaabatay.

Miisaankeedu waa uu cuslaa oo inta ay is walwaalayso ayaa waqti ahayd. Intii ay kalkaalisadu is-kala guraysay, gabadhii ilmaha sidatay waxa ay marba naqaska ka soo nuugaysaa ilmaha afka ka xumbaynaya ee neefsan kari la.

Marka la eego tobannaanka sariirood ee dadka bukaanka ahi ku dul silcsanaayeen, tobannaanka kale na murugada la dul taagnaayeen waa la garanayey in ay goobtu xarun bukaan tahay.

Marka la eego dayaca qalab iyo dhisme ee ka muuqday waadhka iyo kalkaalisada sida guri ay leedahay uga soo dhex kacday bukaanka dhexdiisa marna lama aqbaleen in meel caafimaad iyo daryeel loo yimaad ay tahay.

Waa se ciddii ay dani tidhi inta timid ee naf ka dayeysaa, waa intii u haynta yarayd bulshada oo kharash yari daryeelxumada ku soo doonatay. Marley waadhadhka kale ee laga wada dhextaahayo na daryeel li’idanin in ay biyo dhigto baan ku tallamay.

Kalkaalisadu markii ay si wacan uga soo toostay sariirta, ase ay dhibsanayso gabadha jiifka ka kicisay bay eegtay ilmaha. Wali afka ayaa uu ka xumbaynayey, wali naqasku waa ku taagnaa se jixinjix ilbidhiqsi kali ahna lagama dareemin.

Waa ay sii jeedsatay, tallaabsatay oo xaggii sariirtii ku laabatay. Dhinaca ayey kaga fadhiisatay mar kale sariirtii oo ay labada lugoodna isa saartay. Gabadhii cunugga sidatay wali waa ay ka wardhowraysay gabadha nolosha ilmeheedu ku xidhanyahay ee aan danaynayn. Wax kaste oo kale oo ay samayn lahayd ba waxa ka mashquuliyey arrinka abaydinka ay laabta ku hayso. “Qolka shaybaadhka ee geesta u shisheeyaha dhismaha ku yaalla ku soo baadh dhiigga, jawaabta na dhakhtarka sootus oo igu soo noqo.” Ayey tidhi markii ay si fiican u fadhiisatay iyada oo hawldiid ah. Sida muuqatayna fadhiga ka jecel badbaada qudha go’i rabta ee Ogsajiinta agteeda ku qufulan u baahan.

Dantu waa dabar adag oo cadowgaaga lugaha kaaga xidha, xorriyad bandanna kaa xayira. Waa sababtaas midda gabadha iyo ilmaha ba ku sandulleeyay in ay nafta kula eertaan cid aan danaynayn. Waa sababtaas ay wali uga dhursugayaan kabadha furaashka ay ku sii jiifsanayso ka ka jecel samatabixinta qudh daryeel li’i u bixi rabta.Ogsajiinta dhakhtarkii qaybta gargaarka degdegga ah ku sugnaa u soo tilmaamay in lagu xidho laguma xidhin sabigii neeftu haysay. Kolka aad baahantahay ee aanad aqoon badan u leh arrinka, xataa haddii waxa lagu farayaa ay sii laalayso kama hakatid, waayo aqoon ba uma lihid.

Waxa dhaliil oo dhan leh cidda luggooyadaas fasha ee aqoonteeda leh. Naf sirirsan oo dhakhtar Ogsajiin u soo tilmaamay maxaa qolka shaybaadhka u yaal? Xaggii shaybaadhka kalkaalisadu isu soo dhaafisay ayey hooyadii ula soo kacday. Wali na waxa ay naaawilaysa in cid arxan lihi qolka shaybaadhka kaga soo baxdo.

Xagga galbeed ayey suqduudyada cusbitalka ee waadhadhka qaybiya u dhex qaadday. Waxa ay foolka saartay xaggii qolka shaybaadhka. Hase yeeshee intii aanay gaadhin ayey fadhiisatay. Ilmihii ayey afka afka u galisay, waa ay ku celisay oo ay ku raagtay. Mar kale haddana inta ay uu nasatay ayey naqaskii ka soo jiidday hawo cusbna ugu baddashay.

Markani mararkii kale la mid ma uu Naqaskii ku taagnaa waa uu ka soo gu’I waayey. Libiqsigii indhuhu way joogsadeen, wiilka isha ee madow ee il wali ba na waxa uu hoos u xulay galka sare ee isha oo waxa muuqday caddaankii ka hooseeyay.

Guud ahaan dhaqaaqii jidhkiisu waa uu istaagay. Iyada oo arkaysa hooyadii, dhabteeda uu yaallo ilmihii naqasku ku taagnaa, ogsajiintii loo sheegay in uu baahanyahay qol aan ka fogayn ku xidhantahay waa kaas sabigii dhowaan ifka ku soo biiray dib u laabtay. Waa kaas daryeel la’aan dhakhtarka shicibka dhexdiisa ugu neef waayey.

Kalkaalisadii waa ta halkan soo laafyoonaysa ee dul timid. “Miyuu go’ay? Saacaddiisaa ku buuxday” bay aayar tidhi oo dib sariirteedii isugu kala bixisay. Gabadhii dhashay waa ta oohin miciinsatay ee baroorteedii la isugu soo xoomay. Waa ta ilmihii wali ka quusan la’ ee marba afka afka u saaraysa. Laakiin iyada oo arkaysa bay naftu mar hore ka baxday.

 

Saddaam Carab

saddaamcarab@gmail.com

Related posts

MAHADSANID MUDANE MADAXWEYNE

nur

HIRSHABELLE EXECUTIVE NEEDS TO RESIGN

warsan

The neighbouring nations must focus on peace and stability

warsan

Leave a Comment