16.9 C
New York
July 31, 2021
Opinion

Hargeysa Iyo Fahamkeeda Farmaajo

 

Waxa qoray: Maxamed Haruun Biixi

 

Nin oday ah, oo ragga Muuse Biixi ay isugu dhadhow yihiin ka mid ah ayaanu habeen dhawayd Tefoonka isku helnay.

War waa iska badnaa ee waxyaalihii aan soo qaadnay, xoogna runtii yaab u lahaa waxa ku jiray, faafaahin aan ka waydiiyay sababtii uu maalintii dhawayd saaxiibkii uga caytamay xabaasha dusheeda oo qodob ah, iyo qodobka kale oo ahaa, waxa ay ku salaysnayd la safashadii Cabdi Xaashi, gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Fadaraalka ah ee Soomaaliya. Qodobka hore wuu ku qoslay uun oo jawaab sidaas ah ma iga siin – wuxu yidhi; odayga caadifadda ayaa ka tan badata mararka qaarkood.

Qodobka dambese waxa uu yidhi, odaygu waxa uu qabaa, amaba halkan aanu uga fikirnaa caam ahaan, in Farmaajo uu Somaliland cadaw ku yahay, Cabdi Xaashi oo hormuud u ah inta Farmaajo ka hor jeeddaana, uu Somaliland wanaageeda ku maqanyahay. Sidaas bay ahyd, laakiin dadku si kale ayay u arkeen buu igu yidhi. Sida ay dadku u arkeen ee uu sheegayaa waa in uu Muuse waday uun hiil qabyaaladeed ee aanay amuur siyaassad qaran ku salaysan ahayn.

Si kastaba, haddiiba gees la iska dhigo sidan dadku u arkay ama loo qaatay, oo runtii dooddo badan oo fahamkaas xoojinayaa na ay jiraan, hadana amuurta wax ka dhihista u baahani waa doodda ah Farmaajo iyo intii la dhinac ah ayaa Somaliland ka horjeeda, Cabdi Xaashi na waa wiilkeenii oo dan baa inoogu jirta mawqifkiisa. Doodda taas ahi maaha mid cago ku taagan, keliya waa hadal la iska yidhi oo aan waxbaba ku salaysnayn.

In ay sidaas tahay waxa aad ku fahmi kartaa, haddiiba aannad meel kale ba eegin, Cabdi Xaashi iyo madaxweyne Farmaajo waa laba qof oo hal nidaam ku wada jira, oo hal distoorna ku wada dhaartay, kuna shaqaynaaya.

Distoorkaasi waxa uu sheegayaa in dawladnnimada Soomaalidu ay mid keliya tahay, in la kala gooyaana ay reebban tahay. Xaashi iyo Farmaajo waxa ay ka siman yihiin, oo xoog uga go’an, sidii midnnimada dalka ay madaxda u yihiin loo xoojin lahaa, khilaafka hadda u dhexeeyaa na waa mid maamul iyo farsamo, taasna cid kastaa waa ogtahay.

Dabcan taasi waa mid cid waliba ogtahay, isla sababtaas uun baanay tahay sababta Muuse loogu arkay waxa ka dhawaajiyay in uu yahay uun dareen toliimo, kaas oo ka fog talo siyaasadeed. Marka la isku soo wada duuubo, Muuse hadii ay ka ahayd sida dadku u qaatay iyo qabiilnimona waa hogseeg, hadii ay siyaasad ka ahaydna, waa ambadnimo siyaasadeed. Laba gooroba waxa uu fadhiyaa baarkinka u hooseeya.

Laakiin geesta kale, sida saaxiibkayba uu sheegay, ee Muuse iyo guud ahaanba degmada uu joogo ka soo wariyay, waxa jira faham noocaas ah, oo Farmaajo iyo hebellada kale, kala xigsanaaya. Sidaas waxa qabay qolo Hargeysa ka timid oo qaarkood aan Nairobi kula kulmay dhawaan, kuwaas oo ka qayb galaayay shirkii beelaha Direed lagu magacaabay.

Farmaajo, Somaliland dagaal buu kula jiraa, sidaas darted, waa in aynu ka hor nimaad ayay yidhaahdeen. Runtii dood jaban ayay ahayd, mana istaahilin jawaab ka badan in lagu qoslo. Waa dood siyaasad ka madhan, waana dood aan la soo shirabin intii aan banaanka loo soo saarin. Waxa ay moog yihiin Farmaajo cidda dagaalka u wayni uu kala dhexeeyaaba ay tahay labada maamul- goboleed ee u nasab sheegta – Kismaanyo iyo Garoowe.

Waxa ay kuwaasi moogaayeen, oo haddana uu Muuse moog yahay (waa marka laga duulo sida uu saaxiibkii iiga sheegaye), in kursiga madaxnnimada ee Muqdisho nin kasta oo ku fadhiistaba, cidda uu doonoba ha noqdee, ay Somaliland is hirdiyi doonaan. Taasi, waa lama huraan, waliba lama huraanimadaasu waxa ay sii kululaanaysaa mar kasta oo dawladnnimada Somaliya ay sii xoogowdo, mar kasta oo ay daciiftona, waa qaboobaysaa.

Arrintu ma aha mid ku xidhan shakhsi ama reer, waa mid ku xidhan siyaasad iyo sharciyad calami ah. Sidaas darted, inta shakhsiyaadka iyo reeraha la iska dhaafo, waa in laga tashado siyaasadda iyo sharciga caalamiga ah wixii laga yeeli lahaa. Koleybase siyaasiyiinta Somaliland, ee Muuse kow ka yahay, ee kuwii aan Nairobi kula kulmay ay ku jiraan, marnaba in ay taas gartaan laga sugi maayo. Adhigii baa nalaga xanibay, iyo hawadii baa nalaga xanibay, iyo dhaqaalihii baa nalaga xanibay, maxaa yeelay waa nala neceb yahay uun weeye dooddoodu, dooddaasina maaha mid xal keeni doonta. Keliya waa maaweelo caruureed.

Related posts

With the UK falling apart, what price sovereignty?

warsan

Somalia a classic case of war creep

warsan

‘We want a nation’: Why Iraqis are protesting

warsan