Dacwadii Somaaliya geysay IGAD, warbixintii uu ka shaaciyey gudidii xaqiiqa- raadinta ee IGAD, jawaabtii ay Somaliya ka bixisay ee inteeda badan eedda loogu jeediyey xukuumadda Jabuuti iyo haddalladii manna-sheegadka iyo xanafta watay ee la socday maaheyn weero ka fiirsi badan la geliyey, si ka asluubeysan oo cabashada loo gudbin karay ayaa la heli karay.
Dowladda laba jawaabood oo madaxda laba wasaaradood oo muhiim ahi jeediyeen ayaa warbaahinta la mariyey. Ta hore, waxa la mariyey war saxaafadeed uu jeediyey wasiirka warfaafinta oo aheyd mid wasiirku aad ugu maagay, gaarna ula soo baxay dowladda Jabuuti. Ta kale, oo qoraal aheyd, waxa diray wasiirka arrimaha dibadda (haddii qoraalka astaanta wasaaradda watay ee baraha bulshada la dhigay run yahay) oo u muuqatay mid ka asluubeysan ta hore, iyadaana sharcigu siinayaa inay arrimaha dibadda maamusho.
Waxay aheyd in dowladdu tixgeliso in Jabuuti howsha ku gashay magaca IGAD, go’aan IGAD-na howsha loogu diray. Haddii Somaaliya saluugsaneyd go’aanka IGAD ee Jabuuti siiyey hoggaaminta gudida, inta aan howsha la gelin bey aheyd inay ku adkeysato in gudida xubnaha IGAD oo dhami qeyb ka ahaadaan. Go’aanka gudidu markii uu soo baxayna mey aheyn in Jabuuti la xagxagto ee waxay aheyd in dhaliisha loo jeedo IGAD eeddana dusha laga saaro intii Jabuuti gooni loola bixi lahaa.
Warbixinta gudidu ka diyaarisay xaqiiqa-raadintii loo diray, kadibna la shaaciyey ma ahaan karo go’aan ay Jabuuti sidey rabto u dhigan kartay, Somaaliya ha farxiyo ama ka careysiiyee . Go’aanka macluumaadka la shaaciyey waxa uu ahaa mid IGAD xunaheeda oo dhami raalli ka ahaayeen, Jabuutina, haddiiba ay dooni laheyd inuu ahaado mid Somaaliya u sad-burinaya, codkeedu waa mid, mana beddeli kareyn inta kale go’aan ay qaateen.
WARBIXINTA IYO XAQIIQADEEDA
Somaalidu, waa inay xaqiiqsato jacel ay iyadu isu qabi weyday inay meel kale ka filato. Bal innagu horta ma nahay kuwa is-buuxiya oo meel uga soo wada-jeeda danaha dalka iyo dadka. Maya ma nihin, dad meel isula jeeda oo wax ay wada leeyihiin difaaca. Inay sidaa tahayna xaaladda hadda ooggan ee doorashada sal muggii ku eeg!. waxa kuu soo baxa ayaa jawaab ku noqon kara midnnimaddeena iyo is-jacelkeennu halka gondaha dhigo. Waa in fahamkeennu na tusi karo in qaarkeen raalli ka yahay sida ay ku soo baxday, culeyska siyaasadeed ee fuuli karay iyo sida loo qorsheynayo natiijada warbixinta inaaney xubin kaliyi jaheyn karin sax iyo khalad key doonto ha noqotee.
Waxa ka muuqday-waa warbixintee, dal-daloollo badan oo aan xaqiiqada ka turjumeyn, Jabuutina eed loogama dhigi karo sababaha kore awgeed. Jabuuti, waa dal xora, danahiisa gaarka ah le, siyaasaddiisa dhaqaale iyo bulshana u adeegayaan dadkiisa mudnaanta horena le. Somaaliya waa walaal caddilan Jabuutina aad uga xun tahay waxa ku dhacay, albaab kastana u garaacday in dhibta aan ka baxnno, laakin, ka warran haddaanan innagu dooneyn inaan dhibta ka baxnno oo innagii isku mashquulnay, ableydana subax walba isla qaadnno.
Jabuuti dooni meyso inaan maqaamkeennii ku soo noqonno kuwa le, Jabuuti neef ninkii lahaa dabada uga taagan yahay ma kicin kadho. Hubaal, waxa ah in Jabuuti walaal daacada tahay, dulqaad badanna ka muujisay gafaf siyaasadeed oo naga soo gaaray shalay. Waxay qaarkeen ku doodayaan oy leeyihiin cadow bey la safatay, waxa muhiima inaan xusnno, siyaasaddii xukuumadda haddu, heshiiska saaxibtinnimo kula gashay cadow dhul ka heysta Jabuuti- waa isla xukuumaddii ta hadda Jabuuti ku eedeyneysa cadow la safasho. Jabuuti iyo innagu araxda baannu isaga naal, laba halkaa isaga taalna kalama furmi karaan. Baahidu waxa weeye, in labada dhinac aqoonsadaan lana yimaaddaan sidii labada maslaxadood leysugu toli lahaa, garabkana leysugu qaban lahaa. Jabuuti saaxibo bey ku leedahay dunida, Somaaliya mid bey ku leedahay- waana Jabuuti ee yeynaan iyadana lumin oo siyaasado caadifadi hoggaamineyso waxyeello ugu geysan.
Tifatiraha